"ref_"; Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2016

muhiimada vatmiin d uleyahay hooyada uurka leh iyo ilmaha caloosha kujira

Daraasad cusub oo Mareykan ah ayaa sheegtay in quudashada cuntooyinka hodanka ku ah vitamin “D”gu inta hooyadu uurka leedahay ay yarayso halista in carruurta ay haleelaan cudurada, neefta iyo xasaasiyada. Cilmi baarayaal oo katirsan kuliyada dawada ee Mount Sinai ee dalka Maraykanka ayaa daraasad ay soo saareen ku sharaxay in vitamin “D”gu uu xiriir la leeyahay yaraynta halista haleelida xasaasiyada carruurta, taasoo lagu daabacay natiijooyinka daraasadooda majallada xasaasiyad iyo cilmiga habka difaaca. Kooxdan cilmi baarayaasha ah ayaa waxa ay daraasad ku sameeyeen 1248 hooyooyin ah iyo carruurtooda dalka Maraykanka laga bilaabo saddexdii bilood ee ugu horeeyay ee uurka ilaa ilmuhu ka gaarayay 7 sannadood da’ahaan. Cilmi baarayaashu waxa ay ogaadeen in badsashada quudashada cuntooyinkan inta hooyadu ay uurka leedahay uu xiriir ka dhexeeyo yaraynta xasaasiyada ilmaha “sanboor”ka, 20%. Sanboorku waa nooc ka mid ah xasaasiyadda, waxana uu ka dhashaa waxyaabo kamid ah deegaanka dibadda,

farso haleyay oo aad make upka uga kaaftoomi karto jikada aad oo isticmaal alaabtaan

Liin dhanaanta:  Casiirka laymuunka wuxuu ka midyahay dawooyinka dabiiciga ah ee lagu daweyn karo dhibaatooyinka maqaarka. Wuxuu qurxiyaa maqaarka wajiga, oo uu ka hortagaa jilciyaana dhibcahaa wajiga ka soo baxa. Casiirka laymuunka waxaad marisaa wajiga oo kuna daysaa daqiiqado, kadibna iskaga dhaq biyo diirimaad ah. Casiirka laymuunka waxaa kale oo uu ka tirtiri ilkahaaga midabka jaalada ah, saas daraadeed ku cadayo ama ku luqluqo maalin walba. Liinta macaan (burtuqaalka):  Si aad u heshid gacmo qurux badan oo jilicsan, waxaad marmarisaa gacantaada markaad awoodid diirka burtuqaalka, sababtoo ah wuxuu uyahay maqaarka qado dabiici ah oo siisa qurux. Mishmishka:  Waa faakiho ama furuut oo uu ku badanyahay fitaamiin (A), kaas oo muhiim aad ugu ah timaha. Wuxuu timaha udiidaa daadista. Canbaha:  Wuxuu xoojiya ilkaha oo uu qurxiyaa, sababtoo ah waxaa ka buuxa kaalshiyuum iyo fitamiin (A). Baqdoonis ( parsley; persille):  Si aad u heshid waji qurux badan oo iftiimaya ku dhaq w

xalka xanaqa

Bismillah.. Xanaaqu waa arrin aan u fiicnayn ajarka qofka sooman, wuxuuna u horseedi karaa dambiyo kale oo waawayn. Dad badan ayaa ka sheegto xanaaqa siyaadida ah marka ay sooman yihiin, laakiin qaar yar ayaa awooda inay is xakameeyaan oo xanaaqooda kontaroola. Maxaa keeno Xanaaqa? Xanaaqu waa falcelin uu qofka sameeyo markuu wax dhibsado, isbadalada ku dhaca jirka iyo nafsiyaatka qofka sooman waxay u sahlayaan inuu si sahlan u xanaaqo laakiin waxaa laga rabaa qofkaasi inuu xanaaqa iska ilaaliyo siduu cunanda iyo cabitaankaba iskaga ilaaliyay. Inuu qofka ka fogaado waxyaabaha keeni karo inuu xanaaqo sida doodda, cayda iyo waxyaabaha la mid ah, waana sababta uu rasuulkeena suuban nagula dardaarmay, haddii lagu caayo ama wax lagugu sameeyo inaad dhahdid "Ilaahayow waan soomanahay", arrintaan oo hakad galinayso inuu xanaaq bilawdo ama sii socdo. Waxyaabaha keenayo xanaaqa dagdagta waxaa ka qeyb qaadanayo sokorta dhacsan, sababtoo ah maadaama aad sooman tahay, sokort

xanaqa iyo ramadaanka

Bismillah.. Xanaaqu waa arrin aan u fiicnayn ajarka qofka sooman, wuxuuna u horseedi karaa dambiyo kale oo waawayn. Dad badan ayaa ka sheegto xanaaqa siyaadida ah marka ay sooman yihiin, laakiin qaar yar ayaa awooda inay is xakameeyaan oo xanaaqooda kontaroola. Maxaa keeno Xanaaqa? Xanaaqu waa falcelin uu qofka sameeyo markuu wax dhibsado, isbadalada ku dhaca jirka iyo nafsiyaatka qofka sooman waxay u sahlayaan inuu si sahlan u xanaaqo laakiin waxaa laga rabaa qofkaasi inuu xanaaqa iska ilaaliyo siduu cunanda iyo cabitaankaba iskaga ilaaliyay. Inuu qofka ka fogaado waxyaabaha keeni karo inuu xanaaqo sida doodda, cayda iyo waxyaabaha la mid ah, waana sababta uu rasuulkeena suuban nagula dardaarmay, haddii lagu caayo ama wax lagugu sameeyo inaad dhahdid "Ilaahayow waan soomanahay", arrintaan oo hakad galinayso inuu xanaaq bilawdo ama sii socdo. Waxyaabaha keenayo xanaaqa dagdagta waxaa ka qeyb qaadanayo sokorta dhacsan, sababtoo ah maadaama aad sooman tahay, sokorta

ma dareentaa cabsi ama walwal markaa aragto sawiradaa

Trypophobia waa cillad ka mid ah cilladaha cabsida ee loo yaqaano "Phobias", waa cillad uu qofka ka cabsanayo inuu fiiriyo waxyaabaha leh duldulleelada yaryar, waa cillad magac loo sameeyay sanadkii 2005, mar dhawne loo aqoonsaday inay cillad cabsi tahay. Dad badan ayaa ii soo diray farriimo iyagoo sheegayo astaamo cabsi kala duwan markay arkeen ama fiiriyeen sawirro maalmahaan Facebook-ga lagu soo daadiyay taasoo ka muuqatay "qof ciribtiisa oo leh duldulleelo wasakh ku jirto  oo la leeyahay cudur halis ah ayaa ku dhacay", sawirkaas wuxuu ka mid yahay sawirrada qofka uu aadka u dhibsado mana haboono in la soo dhigo bulshada dhexdeeda. Haddii aad horay u aragtay sawirkaas ama sawirrada la mid ah, waad fahmi kartaa waxa aan ka hadlayo laakiin haddii aadan horay u arkin oo aad rabtid in aad fikrad ka qaadatid, baar eraygaan "Tryphphobia" oo ku qor "Google" qeybta sawirrada, waxaa kuu soo bixi doono s

Siyaabaha kala duwan ee jidhka loogu daryeeli karo saliida oliven oil:

Siyaabaha kala duwan ee jidhka loogu daryeeli karo saliida oliven oil: Step 1 Haddii aad isku dartid: 3 qaado oo sonkorta madow ama buniga ah (brown suger ) 2 dl oo saliida olive / zaytuun Inata aad isku laaqdid marka aad maydhatid jidhkaaga oo qoyan hadii aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga ka daadanaya dead skin ama unugyada dhintay. Jidhka naacim iyo dhalaal bay ka dhigaysaa. Qalaylkana way ka hortagaysaa. Step 2: Haddii aad isku dartid: 3 qaado oo coffee buushiga oo kale ah ( nooca mashiinada filtaraysan lagu kariyo) 1 qaado oo coffee budada ah (nooca biyaha toos loogu laaqo) 2 dl oliven oil Inata aad isku laaqdid haddii jidhka oo dhan aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga ka daadanaya dead skin ama unugyada dhintay. Jidhka naacim iyo dhalaal bay ka dhigay

beautyMalab, Liindhanaan Iyo Waji Dhalaalaya

Dariiqooyinkan sahalan hada sameysisid subax kasta ama intaadan seexan ka hor waxey ku sahleysa in quruxda dabiiciga ah kusoo laabato wajigaga. 1 . Soo qaado jab liin dhanaan ah iyo malab 2 . Ku shub liin dhanaanta 3-4 dhibcood oo malab ah 3 . Wajigaaga mari lindhanaanta si diiran ilaa 5 daqiiqo 4 . Markaa dhameysid biyo qandaca ku dhaq wajiga Islamarkiiba waxa arki doonta isbadal, iyo wajigaaga oo nuuraya. Liindhanaanta waxey baabi’isaa nabraha yaryar malabkana wuxu wajigaga ka ilaaliya qaleylka.

sidii aad isaga nadiifin lahayd holobta ama agoolka

Holabta oo ah qolofta ka dhex abuuranta timaha meeshey ka heystaan lafta madaxa. Holabta ayaa aad u ceebeysa dadka oo laga yaaba in dad badani kugu qoslaan ama kaga naxdsadan adoo jooga meel caam ah. Shaambooyinka iyo dawooyinka baab'iya ayaa qaali ah ayagoo ku darsaday inaad had iyo goor isticmaashid oo jirkaga la qabsado. Hadaba si aad iskaga baab'iso adoon wax qaali ah soo gadanin oo isticmaalaya alaab aad guri walbo ka heli kartid, waxa soo aruurinay maadooyin si wanaagsan iyo waqti yarba kaga baabi'inaya holobta madaxa. Aasbariin (Aspirin) Aasbariin oo ah kaniinka madax xanuunka loo qaata ayaa ah mid waxyaabo badan loo isticmaalo eyna ka midtahay holobta. Soo qaado 2 xabo oo kaniinkan ah burburi kuna dar shaamabada aad madaxa ku dhaqaneysid, ku daay madaxaga mudo dhan 2 daqiiqo adoo si fiican lafta madaxa u gaarsiinaya. Markaas biyo iskaga iyo shaambo caadi ah si aad urka aasbariinka uga baabi'isid madaxaga hadey wax ku hareen. Aasbariinka ayaa ku jira mada

Cunto Dhalinyaro Kaa Dhigeysacaafimaaddhallanyaranimo 00 muuqalkaga qurxinayso

Cunto Dhalinyaro Kaa Dhigeysa caafimaaddhallanyaranimo Cuntada aad cunta waxey sameyn badan ku leedahey muuqaalkaga iyo cafimaadkaga Ma jeceshahey inaad had iyo goor wajigaga iyo korkaaga dhalinyaro iyo qurux ka muuqato. Hadaba, cuntadan hoos ku xusan ayaa yareysa waxa sababa inaad wajigaada da'daada laga dareemo, waxey ka dhigta qof ka yar da'daada oo dhalinyaranimo kugu zaa'idisa. Bataata Macaan (Sweet Potatoes) Bataata macaan waxey ka celisa in korka wax u dhimo qoraxda waxaxa laga helaa Vitamin C kasoo qof yar ka dhiga jirkaga. Galey (Corn) Galeyda ma aha oo kaliya iney jirka qurxiso waxey kaloo difaacda cudurka kansarka inuu jirkaga ku faafo. Afakaadho (Avocado) Maadooyin iyo fiitamiin 'Vitamin' laga helo afakaadhada ayaa jirkaga caafimaadkiisa u fiican, waxey kaloo difaacda halista wadna xanuunka. Toon (Garlic) Toonta waxey hoos u dhinta unugyada baruurta badiya 'cholesterol' iyo dhiig karka 'blood pressure'. Cambuulo (Beans) Wadnahaaga o

Neefta (Asthma) Dadka Qaan-gaarka Ku Dhaca (halkaan ka akhriso

Neefta (Asthma) Dadka Qaan-gaarka Ku Dhaca asthma neef https://mnafaqo.blogspot.com Cudurka Neefta ayaa Somalia aad caan uga ah tasoo sababto hawada qalalan iyo kuleelka. Neefta (asthma) waa cudur daba-dheer (chronic) ee ku dhaca hawo mareenada sambabaha, kasoo ka dhiga kuwo barara. Haddii aad qabtid neef, neef-mareenada sambabahaaga (bronchi) ayaa aad ugu dareen badan kuwa caadiga ah, waxyaabo qaarkood ayaa wax-yeelayn kara, kuwaaso gaarsiinaayo xiiqlayn, qufac, xabadka oo adkaado iyo neefta oo kugu adkaato. Waxyaabaha caadi ahaan kugu kicin karo neefta waxaa ka mid ah dufta xayawaanka, cayayaanka yar-yar ee guriga laga helo, waxyaabaha geedaha ka soo baxo, qiiqa sigaarka, hawada qabow, iyo bukashada xabadka. Calaamadaha ugu daran waxaa lagu yaqaana ku soo boodidda neefta, ama xumada neefta. Waxay ku soo boodidda neefta halis gelin kartaa noloshada waxaana loo baahan karaa in isbitaalka la iska daaweeyo. Shan milyan oo qofood ee ku nool UK ayaa qabo ne

Cunto Si Dabiici Ah Timaha Korniimo Iyo Caafimaad Siiya

Cunto Si Dabiici Ah Timaha Korniimo Iyo Caafimaad Siiyahair Cuntooyinkan ayaa caafimaadka timahaaga hormariya isla markaana korniimo siiya. Shaambada iyo jilcisdada (conditioner) dhinac iska dhag. Cuntada aad qaadatid ayaa dheef (protien) u noqonta timahaaga, taasoo korniimo iyo timo caafimaad qabta ku siisa. Hadeysan timahaagu helin dheef ku filan waxey u baxayaan si tartiib ayagoon xoog iyo mug weyna yeelaneyn. Dhakhaatirta ayaa sheega in cuntada hoos ku xusan ayee si wanaagsan timahaga u badali karaan. Hadaa aad ku dartid cuntadada cuntooyinka hoos ku xusan oo aad si nidaamsan u qaadatid waqti yar ayaad ku arki doonta hormar ku imaada timahaaga. somali-hair Hilib Gaduud: Birta cuntada (iron) laga helo oo ku yaraato waxey kugu sababtaa iney bidaar ku keento ama timaha kaa rifmaan, sida baaritaan ay sameeyeen Cleaveland Clinic. Hadaba adoo iron qaata waxey timahaga ku caawisa iney baxaan. Dadka timaha ka dhacaan ayaa badankood ku yartahay birta 'Iron Deficienc

masayrka ma masayrtay hada se masayr makuhayaa xigmadaan akhriso

Waa qormo aynu ilo kala duwan oo afka Carabiga ku qoran uu ka soo ururiyey oo iftiiminaya ereyo xikmad badan xambaarsan oo laga yidhi hinaasaha ama maseyrka. – Hinaasuhu mar walba astaan uma aha Jacayl. – Marka ay gabadhu hinaasto way oydaa, marka uu ninku hinaasana wuu aamusaa. – Marka ay gabadhu hinaasto waxa ay karaahiyaysataa ninka, marka uu ninku hinaasana waxa uu karaahiyaystaa Naftiisa. – maseyrku gabadha ninka waa uu nacsiiyaa, laakiin ninka jacaylkeeda ayuun buu ku sii kordhiyaa. – Mararka qaar waxa uu ninku ka hinaasaa gabadha jecel xitaa haddii aanu isagu jeclayn, Gabadhuna sidoo kale. – Hinaase qof hela waxa ugu fiican ka uu sababo Jacaylku, waxaana ugu xun midka ay Xaasidnimadu sababto. – Hinaasaha gabadha waxa lagu gartaa kulayl iyo cadho, ninkana waxa lagu gartaa aamus iyo qabaw. – Marka ay gabadhu aragto nin ay jeceshay oo u hinaasaya way faraxdaa, marka ay aragto nin aanay jeclayn oo u hinaasayana waa ay diiqadootaa, xitaa haddii uu isagu jecel yahay. – Ninka waxa

waa talooyin aad muhiin ugu aha xiriirka jacaylka

xikmado xiriirka ku saabsan 1. Laba Mabda’ oo waaweyn ayaa saldhig u ah Xiriirka fiican, Marka Koowaad, ku faraxsanow waxyaabahaad isaga midka tihiin, marka labaadna xushmee waxyaabahaa ku kala duwan tihiin 2. Inaad xiriir fiican qof la sameyso waa shaqo joogta ah. Ha isku dayin inaad shaqadaa doonato haddii aadan diyaar u ahayn 3. Xiriirka wanaagsani waa marki qofka aqbalo wixi aad soo martay. Kugu taageero waxa aad hadda tahay. Kuguna dhiirigeliyo mustaqbalkaaga. Waxa ugu xun xiriir marki qofka ku xusuusiyo xilli kasta wixi aad soo martay noloshaadi hore 4. Inaan Xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar 5. Xiriirada waayadan dambe: Hal Nin, Hal gabar, Hal qof midkood horay u kala hareen oo isku dayaya inuu ka kala daadiyo iyo Hal Saaxiib oo si Sir ah u raba inay dhamaato. 6. Marnaba qof xiriir hore idinka dhaxeeyay ha daba gelin, sirtooda ha faafin si kastoo aad u kala dheeraataan. Ogow wuxuu qo

adoo gurigaaga sgoopinka kasaysan kara maxaa suuqa kiimiko uga doontaa

daawo bediogaan waa baal inaadan mardabe lacagtada kasoo bixin doonin wax kiimika ah

Self-driving cars could flip the auto insurance industry on its head

As the driverless car gets closer to reality, so too does the dilemma of how to insure the car and its owner. The auto insurance industry faces upheaval in the next 25 years as the migration to autonomous safety features — and ultimately a self-driving car — shifts more of a car’s accident risk from the driver to the vehicle, analysts said. The number of accidents is expected to drop sharply because currently more than 90% of accidents are caused by driver error. That could lower insurance bills for consumers. The U.S. market for personal auto insurance policies, which currently generates $200 billion in premiums a year, could shrink substantially, some experts predict. “There are going to be dramatic changes,” said Joe Schneider, a managing director at KPMG who’s part of the accounting firm’s task force studying the issue. A number of cars already have collision-avoidance features, such as blind-spot detectors and front-end crash-warning systems. The auto industry and fed

4qodob oo ku baa bib karto caloosha ama aad yarayn karo bsruurta caloosha

Haddii aad ka mid tahay dadka miisaanka jirkoodu dhibta ku hayo jecelna in uu dhimo culayska saaran waxa la gudboon in ay raacaan haddiiba ay awoodaan tallaabooyinkan afarta ah oo la ogaaday in ay si weyn u caawiyaan la dagaalanka baruurta iyo miisaanka badan gaar ahaan xayrka ku ururta caloosha, barida iyo guud ahaan jirka. Dumar badani waxa ay dhib ka sheegtaan marka ay ubad dhalaan kadib in ay naaxaan oo baruur badani calooshooda fuusho si aad hadaba taasi uga takhalusto waxa kula gudboon in aan tallaabooyinka u dhug yeelato kuwaasi oo ah: -Qaado 3-5 koob oo shaaha cagaaran ah: oo aad malab ku dartay si maalinle ah. waxa aad tallaabadan caado ka dhigataa muddo todobad ah oo aan kala go’ lahayn. Waxa aad arki doontaa sida jirkaagu u gubay baruurta 43%. -La dagaalanka caloosha iyo gubista dufanka jirka ku jira: waxa aad soo qaadataa koob biyo ah. waxa aad ku dartaa malqaacad shaah cagaaran ah. waxa aad ku dartaa oo kale malqaacad khamuun ah (xawaash dhuudhuub), malqaaca