"ref_"; Skip to main content

xanaqa iyo ramadaanka



Bismillah..

Xanaaqu waa arrin aan u fiicnayn ajarka qofka sooman, wuxuuna u horseedi karaa dambiyo kale oo waawayn.

Dad badan ayaa ka sheegto xanaaqa siyaadida ah marka ay sooman yihiin, laakiin qaar yar ayaa awooda inay is xakameeyaan oo xanaaqooda kontaroola.

Maxaa keeno Xanaaqa?
Xanaaqu waa falcelin uu qofka sameeyo markuu wax dhibsado, isbadalada ku dhaca jirka iyo nafsiyaatka qofka sooman waxay u sahlayaan inuu si sahlan u xanaaqo laakiin waxaa laga rabaa qofkaasi inuu xanaaqa iska ilaaliyo siduu cunanda iyo cabitaankaba iskaga ilaaliyay.

Inuu qofka ka fogaado waxyaabaha keeni karo inuu xanaaqo sida doodda, cayda iyo waxyaabaha la mid ah, waana sababta uu rasuulkeena suuban nagula dardaarmay, haddii lagu caayo ama wax lagugu sameeyo inaad dhahdid "Ilaahayow waan soomanahay", arrintaan oo hakad galinayso inuu xanaaq bilawdo ama sii socdo.

Waxyaabaha keenayo xanaaqa dagdagta waxaa ka qeyb qaadanayo sokorta dhacsan, sababtoo ah maadaama aad sooman tahay, sokorta way dhacsaysaa, waxaadne dareemaysaa xanaaq, dulqaadasho la'aan iyo kacsanaan niyad, waxaana xanaaqa badanaa la arkaa xilliga uu afurka soo dhaw yahay, waana waqtiga ugu badan oo ay dhacaan shilalka iyo dhaawacyada.

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha soo dadajiyo xanaaqa hurdo yarida maadaama badanaa habeenkii la soo jeedo, maalintiina shaqo ama waxbarasho la'aado.

Waxaa kaloo la arkay in dadka sigaarka cabo ay ugu horeeyaan dadka xanaaqo badan marka ay sooman yihiin, sababtuna waa sunta sigaarka ku jirto oo jirka ka maqan mudadaas la sooman yahay.

Diraasad kale oo la sameeyay waxay xanaaqa qaarkiis u saarisay barnaamijyada TV-yada laga soo daayo oo qofka niyadiisa kicin karo ama ka xanaajin karo ama murugo ku abuuri karo, maadaama bisha ramadaan aad loo fiirsado barnaamijyada ka baxo TV-yada.

Xanaaqa badankiis waa la kontarooli karaa, waana laga hortagi karaa, waxaana muhiim ah inuu qofka soomani xasuusto in uu alle dartii u sooman yahay, kana fogaado wax walba oo soonka ka jabin karo ama dambi u saarin karo.

Ogow inaad sooman tahay macnaheedu maahan in dadka kula joogo ay qasab ku tahay inay ku qadariyaan, ku qanciyaan ama si gooni ah kuula dhaqmaan, haddii kale aad xanaaqayso!!, Ogow soonku shaqo kuma lahan xanaaqaaga.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaatid, la iskuna waafqsan yahay in aad waqtigaaga ku bixisid quraan akhriska iyo xusidda alle, taasi waxay kaa dhigaysaa qof faraxsan oo furfuran, waxaadne ka fogaanaysaa isku dhaca iyo xanaaqa, dadka aad la dhaqmaysidne way ku ixtiraamayaan, laakiin haddii aad ciyaar isku dagaashaan sida dhalinyarada sooman ay sameeyaan, xanaaq iyo shilal bay u dambaynaysaa.



xigasho sooomlidoc.com

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...