"ref_"; Skip to main content

Cunto Si Dabiici Ah Timaha Korniimo Iyo Caafimaad Siiya


somali-hair








Cunto Si Dabiici Ah Timaha Korniimo Iyo Caafimaad Siiyahair


Cuntooyinkan ayaa caafimaadka timahaaga hormariya isla markaana korniimo siiya.

Shaambada iyo jilcisdada (conditioner) dhinac iska dhag. Cuntada aad qaadatid ayaa dheef (protien) u noqonta timahaaga, taasoo korniimo iyo timo caafimaad qabta ku siisa. Hadeysan timahaagu helin dheef ku filan waxey u baxayaan si tartiib ayagoon xoog iyo mug weyna yeelaneyn.

Dhakhaatirta ayaa sheega in cuntada hoos ku xusan ayee si wanaagsan timahaga u badali karaan. Hadaa aad ku dartid cuntadada cuntooyinka hoos ku xusan oo aad si nidaamsan u qaadatid waqti yar ayaad ku arki doonta hormar ku imaada timahaaga.

somali-hair

Hilib Gaduud: Birta cuntada (iron) laga helo oo ku yaraato waxey kugu sababtaa iney bidaar ku keento ama timaha kaa rifmaan, sida baaritaan ay sameeyeen Cleaveland Clinic. Hadaba adoo iron qaata waxey timahaga ku caawisa iney baxaan. Dadka timaha ka dhacaan ayaa badankood ku yartahay birta 'Iron Deficienct'. Hilibka gaduudka/cas ayaa laga helaa madaada iron.

Ukunta: Waxa ku jiraa Vitamin B kasoo kor u qaada koriimada timaha iyo caafimaadka lafta madaxa. La'aanta vitamin-kan ayaa sababa in timahaga tabar beelan oo kaa dadatan, tasoo aad aragtid markaad shaleysaneysid ama quweysaneysid ay timo badan kaa daatan. Waxa aad ka heli oo kale malayga, afakaadho, looska, iyo qamiirka.

Moos, qamadiga, iyo sareenka: Cuntadan ayaa laga helaa macdanta la dhaho 'silica', taasoo hormarisa dhumucda timaha. Adoo xooga saara cunida cuntada qaniga ku ah macdantan ayey timahaaga ku caawin doonta iney xoog iyo dhumuc wanagasan oo joogta ah yeeshaan.

Caleemaha cagaarka badan: Caleemaha cagaaran sida koostada 'spinach', borokoli 'brocolli' ayaa laga lehaa vitamin-yada A iyo C kuwaaso abuura 'sebum' waa saliid ku beeranta lafta madaxa tasoo jilciso (conditioner) dabiici ah ah.

Bocor: bocorka jaalaha ayaa alga helaa macdanta zinc tasoo dhalisa androgens: waa hormono la'aantood ay la xiriirto timaha oo kaa daata. Sidoo kale dadka ay ku yaryihin androgens ay lasoo daristo timaha aan u bixin iyo holobta 'dandruff'. Zinc ayaa laga helaa sidoo kale cuntada bada iyo buunshada sareenka.

Baradho macaan: baradhada aya ka buuxda beta-carotene tasoo jirkaga u badalo vitamin A, waxeyna nafaqo u tahay timaha iyo jirka. Vitamin A ayaa timaha ka difaaca iney ka xumadan jirkana qaleylka ka difaaca.

Digniin:
Cuntadan qeybtood ayaa laga yaaba inaad xasaasiyad ku qabtid ama ay kuu keenan cuduro hadaad iska badisid. Hadaba si asaaboon u qaado lana tasho dhakhtarkaga hadey ku keenan caafimaad daro aadan isku arki jirin.









xigasho qalanjo.com

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...