"ref_"; Skip to main content

4qodob oo ku baa bib karto caloosha ama aad yarayn karo bsruurta caloosha













Haddii aad ka mid tahay dadka miisaanka jirkoodu dhibta ku hayo jecelna in uu dhimo culayska saaran waxa la gudboon in ay raacaan haddiiba ay awoodaan tallaabooyinkan afarta ah oo la ogaaday in ay si weyn u caawiyaan la dagaalanka baruurta iyo miisaanka badan gaar ahaan xayrka ku ururta caloosha, barida iyo guud ahaan jirka.
Dumar badani waxa ay dhib ka sheegtaan marka ay ubad dhalaan kadib in ay naaxaan oo baruur badani calooshooda fuusho si aad hadaba taasi uga takhalusto waxa kula gudboon in aan tallaabooyinka u dhug yeelato kuwaasi oo ah:
-Qaado 3-5 koob oo shaaha cagaaran ah: oo aad malab ku dartay si maalinle ah. waxa aad tallaabadan caado ka dhigataa muddo todobad ah oo aan kala go’ lahayn. Waxa aad arki doontaa sida jirkaagu u gubay baruurta 43%.
-La dagaalanka caloosha iyo gubista dufanka jirka ku jira: waxa aad soo qaadataa koob biyo ah. waxa aad ku dartaa malqaacad shaah cagaaran ah. waxa aad ku dartaa oo kale malqaacad khamuun ah (xawaash dhuudhuub), malqaacad sinjibiil ah, intaa oo aad isku walaaqdo waxa aad saartaa dabka muddo 10 daqiqadood ah. saddex jeer maalintii qaado cuntooyinka ka hor muddo nus saac ah. 15 maalmood sidaa ku wada waxaad arki doontaa idamka Alle is badal weyn oo kugu yimid.
-Caananaaska: Haddii aad heli karto cabitaanka laga miiray furuutka canaanaska. Waxa aad soo qaadataa koob casiir ah oo laga tuujiya geedka cananaaska adiga oo aan wax sonkor ah taabsiin. muddo 15 maalmood ah waxaad qaadataa cuntada ka hor adiga oo raacinaya jimicsiyo fudud iyo nidaam cunto oo dheelli tiran oo ay ku yar yihiin carbohadret iyo fats waxaad ogaan doontaa in wax weyni kuu kordheen oo aan lumisay miisaan badan.
– Casiirka liin dhanaanta oo lagu barxay sinjibiil: waxaad soo qaadataa laba xabbadood oo liin dhanaan ah kadibna miir. Waxa aad ku dartaa koob biyo nadiif ah. Waxa aad raacisaa oo aad ku baraxdaa oo kale malqaacad sinjibiil ridqan ah. dabka saar adiga oo baylinaya. Marka ay qaboobaan waxaad cabtaa habeenkii hurdada uun marka aad dhinaca dhulka dhigayso. Waxa kale oo aad cabtaa subaxdii marka aad soo toosto adiga oo aan wax kale afka gelin. sidaa ku wada mudd laba usbuuc ah waxa aad arki doontaa baruurtii caloosha oo kaaa dhacday insha Allaahu.










xigasho qurbenet

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...