Neefta (Asthma) Dadka Qaan-gaarka Ku Dhaca
asthma
neef
https://mnafaqo.blogspot.com
Cudurka Neefta ayaa Somalia aad caan uga ah tasoo sababto hawada qalalan iyo kuleelka.
Neefta (asthma) waa cudur daba-dheer (chronic) ee ku dhaca hawo mareenada sambabaha, kasoo ka dhiga kuwo barara.
Haddii aad qabtid neef, neef-mareenada sambabahaaga (bronchi) ayaa aad ugu dareen badan kuwa caadiga ah, waxyaabo qaarkood ayaa wax-yeelayn kara, kuwaaso gaarsiinaayo xiiqlayn, qufac, xabadka oo adkaado iyo neefta oo kugu adkaato.
Waxyaabaha caadi ahaan kugu kicin karo neefta waxaa ka mid ah dufta xayawaanka, cayayaanka yar-yar ee guriga laga helo, waxyaabaha geedaha ka soo baxo, qiiqa sigaarka, hawada qabow, iyo bukashada xabadka. Calaamadaha ugu daran waxaa lagu yaqaana ku soo boodidda neefta, ama xumada neefta. Waxay ku soo boodidda neefta halis gelin kartaa noloshada waxaana loo baahan karaa in isbitaalka la iska daaweeyo.
Shan milyan oo qofood ee ku nool UK ayaa qabo neef, ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah. Labadiiba seddax ee carruur oo qabo neef ayaa neefta ka joogsan doono arkii ay “koraan”, laakin xaaladda ayaa ku soo noqon doonto markii ay waynaadaan.
Xumaashada iyo waqtiga ay soconayso neefta aad ayay isku beddeli karaan qof ka qof, taaso noqon kartaa mid fudud ama mid daran. Ma jiro daawayn lagu daawayn karo neefta, laakin waxa jiro daawoyiin lagu maareyn karo cudurka.
Calaamadaha
Calaamadaha neefta waxaa ka mid ah neefsasho la’aan, xabadka oo adkaado (neefta kugu dhegto), xiiqlayn iyo qufacid (gaar ahaan habeenkii). Xumaashada iyo inta ay soconayso neefta aad ayay isku beddelaan mana la sadaalin karo. Waxaay mar-mar sii xumaadaan habeenkii, ama markii la sameeyo jimicsi ka dib.
Calaamadaha ku soo boodidda neefta ee aad u xun si dhaqsi ah ayay u si xumaadaan. Waxa dhib noqonayso in la neefsado iyo la hadlo, wadnogaraacistaada ayaa sii kordhi doono, bishimadaada iyo ciddidada farahaada ayaa buluug noqon karo, maqaarka meelaha ku hareero xabadkaada iyo qoorta ayaa adkaan karo, iyo daloolada sankaada ayaa kala bixi doono inksatoo aad isku dayaysid inad neefsatid.
Haddii aad qabtid calaamadaha ku soo boodidda xun ee neefta, waa inaad caawinaad daawayn ah isla markiiba raadsataa. Caadi ahaan calaamadaha biloowga ah ee ku soo boodidda xun ee neefta waxay ku bilaabanayaan si tartiib
ah waxayna qaadan karaan lix saacadood ilaa iyo 48 saacadood si ay u sii xumaadaan. Qayb ka mid ah daawaynta neeftaada waa ogaashada waxay calaamadahaaga yahiin iyo tallaabo ka qaadidda sidii loo joojiyo inay si xumaadaan.
Sababaha
Neefta ma lahan hal sabab u gaar ah ee keeno, waxaa jiro xaalado kala duwan ee tabarruuci karo inuu kugu dhaco cudurka. Waxaa ka mid ah dabeecada hiddosidaha jirka (waxaa hiddo-sidaha ku jiri karo wax kordhinaayo fursadda inuu ku dhaco cudurka neefta), cuntada la cuno, iyo beey’adda. Halisyada kale ee la og yahay in lagu qaado cudurka neefta waxaa ka mid ah xubin qoys oo qaba neef, xaalado alarjiiyo oo kale, la neefsado qiiqa tubaakada markii la yar yahay, gaar ahaan haddii hooyadaada sigaar cabi jirtay intii ay uurka leheed.
Waxaa calaamadaha neefta bilaabi karo waxyaabo alarjiyo keeno (waxyaabaha keeno waxyeelayn alarjiyo ah) sida geedaha, cayayaanka yar-yar ee guriga, qiiqa sigaarka, qiiqa alaabta kiimikada, noocyo daawo sida asbiriinka, ama kuwa betablockers loo yaqaan. Waxyaabaha kale ee kugu kicin karo neefta waa bukasho, wel’wel, noocyo gaar ah ee cunto, iyo xaalado gaar ah ee jawi, sida hawada qaboow.
Qayb ka mid ah daawaynta neeftaada waa ogaashada waxyaabaha kicin kara iyo in laysku dayo in laga fogaado.
Baaritaanka cudurka
Dhakhtarkaga Guud (GP) ayaa caadi ahaan awoodi doono inuu baaro iyo ogaado cudurka neefta markii ay ku waydiiyaan calaamadahaaga, baaraan xabadkaada, iyo dhegaystaan neefsashadaada. Ogaashada cudurka neefta waxaa caadi ahaan la xaqiijin karaa marki la isticmaalo dhowr tijaabooyin, kan ugu caansan waa tijaabada sicir-ogaashada neef-baxsiga ugu dheer (PEFR). Tijaabada PEFR waxaa lagu isticmaalaa qalab yar ee gacanta lagu qabto ee lagu magacaabo cabbiraha neef-baxsiga ugu dheer (peak flow meter) oo cabbiraayo inta ay tahay hawada aad ka saari karto sambabahaaga. Waxaa la akhrin doonaa natijada tijaabada kadibna waxaa lagu siin doonaa daawo oo neefta wax-tar u leh waqti gaaban. Markii la qaato daawada waqtiga gaaban, waxaa la samayn doona tijaabo labaad ee PEFR. Haddii natijada ay ka sarreeyso ka dib markii aad daawada neefta qaadatey, taas waxay xaqiijin doontaa in aad qabtid cudurka neefta.
Haddii ay calaamadaha neeftaada ay ka duwan yahiin kuwa caadiga ah (uusan caadi ahayn) ama aad qabtid calaamado dheeri ah, waxaa laguu gudbin karaa qaybta X-ray-ga sidii raajo lagaa saaro xabadka. Waxuu kani ka saarayaa dhiibaatooyin kale ee sambabka qabi karo.
Daaweynta
Haddii calaamadaha neeftaada ay khafiid yahiin iyo joogto ahayn, waxaa lagu siin doonaa qalabka leh hawada la dhuuqo ama neefsado (inhaler) kaaso ku jira daawo loo yaqaano beta2-agonist ee waqti yar wax ku qabto, oo lagaa rabo inaad isticmaasho sidii aad ku yareyso calaamadaha neefta. Haddii uu neefta sii joogto ah kuu qabto, waxaa lagu siin doonaa inhaler kale ee ku jiro daawo lagu magacaabo inhaled corticosteroid. Waxaa caadi ahaan lagula talin doonaa inaad qaadatid labo qiyaas maalintiiba oo inhaled corticosteroid sidii looga hortago in neefta mar labaad kugu dhaco.
Haddii weli neefta la xakamayn waayo, waxaa lagu siin karaa daawooyin dheeraad ah, sida beta2-agonist ee waqtiga dheer wax ku qabta, ama dawaada lagu magacaabo leukotriene receptor antagonists ee dadka waa-wayn. Kuwaani waxay ku caawin doonaan inay neefta ku soo laaban. Hase-yeeshe, haddii neeftaada weli la xakamaynin waxaa lagu siin karaa kiniiniga steroid. Daawada afka laga qaato ee steroids wuxuu keena waxyeelayn xun, sidaas awgeed waxaa la isticmaala oo keliya markii ay daawaynada kale la tijaabiyay. Waxaa ka soo boodidda neefta lagu daawayn karaa iyada oo la kordhiyo xisaabta laga qaadanaayo beta2-agonists. Dawaada afka laga qaato ee steroids wuxuu keena waxyeelayn xun, sidaas awgeed waxaa la isticmaala oo keliya markii ay daawaynada kale la tijaabiyay.
Ka hor-tagga
Iska jooji sigaar cabidda haddii aad tahay sigaar-cabe oo aad qabtid neef. Waxuu sigaar-cabidda hoos u dhigayaa waxtarka daawada neefta, waxayna iska dhaafidiisa kaa caawinayaa inuu hoos u dhigmo xumaanshada iyo soo noqnoqodka neefta. Marnaba ha ku ag cabin sigaar carruurta. Haddii carruurta lagu ag cabo sigaar, waxay halis saa’id ah ku jiraan inay qaadaan neef. Haddii uu cunuggaaga qabo neef, cabidda sigaarka agagaarkooda wuxuu sii xumaynayaa xaaladda ay ku sugan yihiin. Ogow waxyaabaha kugu kiciyo neefta adigoo xasuusanaayo markii ay neefsashadaada sii xumaatey, ama adigoo isticmaalaayo qalabka cabbiraadka neef-baxsiga ugu dheer markii aad raashin cunto ama qaadato daawo oo aad u malayso inuu kugu kicinaayo neefta.
Haynta culays caafimaad leh wuxuu kugu caawin doonaa xakameeynta neeftaada. Si aad u samaysid sidaan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad cuntid cunto caafimaad leh iyo inaad si joogto ah u samaysid jimicsi. Waxuu Takhtarkaaga Guud awood u lee-yahay inuu kaa siiyo macluumaad iyo talosiin ee kani ku saabsan. Inkastoo oo halis keeni karo, haddii aad qabtid neef aad u xun, waa inaad qaadatid tallal sanadeedka ifilada (durayga). Waa inaad xitta qaadataa tallaalka ka hortagga pneumococcal – oo ah jeermis keena xanuunka sambabaha (pneumonia), meningitis iyo bukashada dhiigga.
Source: NHS.
xigasho qalanjo