"ref_"; Skip to main content

Siyaabaha kala duwan ee jidhka loogu daryeeli karo saliida oliven oil:


Siyaabaha kala duwan ee jidhka loogu daryeeli karo saliida oliven oil:









Step 1
Haddii aad isku dartid:
3 qaado oo sonkorta madow ama buniga ah (brown suger )
2 dl oo saliida olive / zaytuun
Inata aad isku laaqdid marka aad maydhatid jidhkaaga oo qoyan hadii aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga ka daadanaya dead skin ama unugyada dhintay. Jidhka naacim iyo dhalaal bay ka dhigaysaa. Qalaylkana way ka hortagaysaa.
Step 2:
Haddii aad isku dartid:
3 qaado oo coffee buushiga oo kale ah ( nooca mashiinada filtaraysan lagu kariyo)
1 qaado oo coffee budada ah (nooca biyaha toos loogu laaqo)
2 dl oliven oil
Inata aad isku laaqdid haddii jidhka oo dhan aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga ka daadanaya dead skin ama unugyada dhintay. Jidhka naacim iyo dhalaal bay ka dhigaysaa. Qalaylkana way ka hortagaysaa. Wixii wasakh oo saarnaana wuu kaa daadanyaa
Step 3:
Hadii aad isku dartid:
1 xabo oo avocado ah
1 dl oo saliida oliven oil ah
Inata aad isku laaqdid ood timaha marisid ama jidhka aad wadda marisid ood ku scrub graysid, kadibna aad ku daysid ilaa 15-20 min . Marka ay kugu qalashan aad biyo cad kaga maydhid waxa jidhkaaga iyo timahaaguba helayaan dhalaal iyo qoyaan aad u macaan oo qalaylka baa ka ba aya.
Step 4:
Haddii aad iski dartid:
Koob naturel youghert
1 xabo oo advocado ah
1 dl oo oiliven oil ah
1 oo beedka am ukunta inta huruuda ama jaalaha ah
Marka aad isku leegdid waxa aad marsanaysaa timaha. Waxaad timahaaga sidan uugu kaalmaynaysaa inay protein helaan, inay qoyaan helaan, inay nafaqo helaan, in ay jajabka iyo aflaaqada ka ba aan, in ay quwad yeeshaan oo ay bataan iyo in ay aad u dhalaadhalaan. Umaha baahnid inaad ku daysid in ka badan 40 min. 40 min baa ku filan in duxdu madaxa guntiisa gasho,, intaa wixii ka badan timaha uun baad cabudhinaysaa in ay neefsadaan.
Step 5:
Haddii aad isku dartid:
2 qaado oo rose water ama maa al ward
2 qaado oo oliven oil
2 dhibcod oo liin dhanaan ah
Waxa aad wajigaaga iyo qoortaba aad ku barin kartaa cutub oo aad kaga nadiifinaysaa dead cells iyo wasakhda. Waxa ayna ku siinaysaa qoyaan iyo dhalaal. Waxaad ku daynaysaa 15 min kadibna biyo cad kaga maydh
Step 6:
Haddii aad isku dartid:
1 qaado malab ah
1 qaado oliven oil ah
1 beedka ama ukunta intiisa cad ee xabka ah
Waxa aad wajigaaga kaga hortagaysaa dada, inuu kaa gaboobo, in uu kaa qalalo iyo in ay bilicdiisu dhacdo iyo waliba in aad wasakhda ka na diifisid. 15 min baa kugu filan , biyo cadna kaga maydh.
Step 7:
Haddii aad isku dartid:
1 qaado oo boorash tuman ama ridqan
1 qaado oo oliven ah
Waxa aad wajigaga u heshay perfec face scrub. Kuna qoynaya, kuna dhalaalinaya, kaana ilaalinaya qabowga iyo dhaawiciisa.
Biyo cad kaga maydh 15 min ka bacdi.
Step 8:
Haddii aad isku dartid:
1 muus ah
10 midh oo timir aad xashtay
4 qaado oo saliid oliven ah
Jeex liin dhanaan ah
Haddii intan oo dhan aad isku dartid oo aad gacmaha iyo lugaha ku radisid. Waxa aad gacmaahaga ka nadiifinaysaa madowga, qalaylka iyo in ay kuu dhadhaalaan. Lugahana waxaad ka suurinaysaa safanka, dildilaaca iwm. Laakiin lugaha bac baa lagu xidhi karaa. Ha ku seexan laakiin xoogaa waad ku joogi kartaa, kadibna si fiican tuwaal uugu xoq oo wasakhdoo dhan ka daadi , biyo cadna ku xalee. Kadibna Saliid saytuun waxba lag darin ku duuq oo ku daa. 3 wiig ka bacdi isoo ducee inshaAllaj lol markaad quruxdaada is daawatid.
Halkan kuma soo koobi karo hababka kala duwan oo looga faaiidaysan karo oliven oil oo daryeelka jidhka laagu dhisi karo. Dhamaan waxyaabahan kor ku soo sheego dhan, waxa ay u baahan yihiin ugu yaraan 2-3 cisho in aad wiigii isticmaashid si aad natiijado fiican u gaadhid iyo waliba mudo waa inaad waddaa. Balse wixii xasaasiyad ama alergic aad ku leedihiin idinkaa iska dayn doonaa inshaAllah. Ogowna wax walba ha iskula dagdagin ee horta meel jidhkaaga ah ku tijaabi oo iska eeg alergic..
Waxaan inshaAllah sharixi doonaa mudooyinka soo socda saliidahan kala duwan:
Argan oil (Marocan Oil)
Black seeds ( xabasuud)
Saliid macsarta
Avocado oil
Castor oil
Pappa oil
Coconut oil
Rose mary oil
Wheatgerm oil
Iyo qaar kale oo badan waxtarka ay leeyihiin iyo habka loo isticmaalayo.

Baarka Allahu fiikum


xigasho umo cafiifo

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...