"ref_"; Skip to main content

waa talooyin aad muhiin ugu aha xiriirka jacaylka


xikmado xiriirka ku saabsan


xikmado xiriirka ku saabsan











1. Laba Mabda’ oo waaweyn ayaa saldhig u ah Xiriirka fiican,
Marka Koowaad, ku faraxsanow waxyaabahaad isaga midka tihiin, marka labaadna xushmee waxyaabahaa ku kala duwan tihiin
2. Inaad xiriir fiican qof la sameyso waa shaqo joogta ah. Ha isku dayin inaad shaqadaa doonato haddii aadan diyaar u ahayn
3. Xiriirka wanaagsani waa marki qofka aqbalo wixi aad soo martay. Kugu taageero waxa aad hadda tahay. Kuguna dhiirigeliyo mustaqbalkaaga. Waxa ugu xun xiriir marki qofka ku xusuusiyo xilli kasta wixi aad soo martay noloshaadi hore
4. Inaan Xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar
5. Xiriirada waayadan dambe: Hal Nin, Hal gabar, Hal qof midkood horay u kala hareen oo isku dayaya inuu ka kala daadiyo iyo Hal Saaxiib oo si Sir ah u raba inay dhamaato.
6. Marnaba qof xiriir hore idinka dhaxeeyay ha daba gelin, sirtooda ha faafin si kastoo aad u kala dheeraataan. Ogow wuxuu qofkaa ku aaminay xilli aad isu dhoweydeen
7. Xiriirku waa sidi Guri oo kale. Goortii dhalada nalka gubato intaa baxdo ma soo iibsatid guri cusub waxaad hagaajisaa guluubka nalka.
8. Xiriirka wanaagsani ma aha wax iska dhaca oo iska yimaada. Wuxuu qaataa waqti, dulqaad iyo laba qof oo waayaha adag wadajir uga wada gudba
9. Si kastoo aad u murmeysaan lamaanahaaga. Marnaba kor ha u wada qeylinina ilaa aan ka ahayn mar Guriga dab qabsaday!
10. Haddii uu oohin kaa keeno xiriir qof idinka dhexeeyo maalin kasta, Fariiso, Neefso ka dibna weydii naftaada: Ma bini’aadan baan qabaa mise Basal?
11. Ugu yeer waxaad doonto, xod-xodasho hadaa sameyso xilli aad xiriir ruux kale kula jirto waa Qiyaano
12. Qof kasta waa garanayaa sida guri qurux badan loo dhiso laakiin dad yar ayaa garanaya sida quruxda badan ee loogu noolaado.
13. Marnaba ha iska dhegatirin qof xiriir daacad ah kaala dhexeeyo, ku jecel, ku daryeela, kuu baahan, sababtoo ah maalin ayaad intaa baraarugto garan doontaa inaad dayaxa weyday kolki aad xidigaha tirineysay.











xigashodaryeelmagazine

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...