"ref_"; Skip to main content

farso haleyay oo aad make upka uga kaaftoomi karto jikada aad oo isticmaal alaabtaan

Liin dhanaanta: Casiirka laymuunka wuxuu ka midyahay dawooyinka dabiiciga ah ee lagu daweyn karo dhibaatooyinka maqaarka. Wuxuu qurxiyaa maqaarka wajiga, oo uu ka hortagaa jilciyaana dhibcahaa wajiga ka soo baxa.
Casiirka laymuunka waxaad marisaa wajiga oo kuna daysaa daqiiqado, kadibna iskaga dhaq biyo diirimaad ah. Casiirka laymuunka waxaa kale oo uu ka tirtiri ilkahaaga midabka jaalada ah, saas daraadeed ku cadayo ama ku luqluqo maalin walba.
Liinta macaan (burtuqaalka): Si aad u heshid gacmo qurux badan oo jilicsan, waxaad marmarisaa gacantaada markaad awoodid diirka burtuqaalka, sababtoo ah wuxuu uyahay maqaarka qado dabiici ah oo siisa qurux.
Mishmishka: Waa faakiho ama furuut oo uu ku badanyahay fitaamiin (A), kaas oo muhiim aad ugu ah timaha. Wuxuu timaha udiidaa daadista.
Canbaha: Wuxuu xoojiya ilkaha oo uu qurxiyaa, sababtoo ah waxaa ka buuxa kaalshiyuum iyo fitamiin (A).
Baqdoonis ( parsley; persille): Si aad u heshid waji qurux badan oo iftiimaya ku dhaq wajigaaga baqdoonis subaxdi iyo habeenkii mudo wiig dhan.
Qajaarka: Waxaa lagu daweeyaa wajiga si uu uga bi iyo coodhcoodhka iyo dhibcaha ka soo baxa wajiga. Hadduu wajigu dufan badanyahay, waxaa qajaarka lagu shiidaa caano.
Cilaanka: Wuxuu cilaanku dawo uyahay xuubka sidoo kale marsigiisu wuxuu xoojiyaa cidiyaha.
Farawlka (strawberry): Hadaad rabtid in aad wajigaaga ka ilaalisid ama ka baa bi isid coodhcoodhka ( rynker ama wrinkle), waxaad shiidaa dhawr xabo oo farawl ah oo kadibna marisaa wajigaaga subaxdi iyo habeenkii, kadib ku dhaq wajiga biyo leh baqdoonis ( parsley ama persille ). Farawlaha wuxuu caawiyaa oo kale nadiifinta wajiga oo uuna liisho ka dhigaa.
Khalka (vinegar): Wuxuu faa ido badan uyahay timaha, oo uu jilciyaa dhalaaliyaana. Wuxuuna ka bi iyaa timaha xuubka. Waxaad marisaa waxyar timaha kahor intaadan qabaysan oo aadan dhaqin timaha. Lugahana waad marinkartaa oo wuu qurxiyaa, wuxuuna ka bi iyaa xariiqyada buluuga ah ee ka soo baxa xididada lugaha, saas daraadeed waxaad ku duugtaa cagaha subixii iyo habeenkii mudo dhan bil. Hadaad rabtid in aad baruurta iska ridid, mar walba oo aad cunteyneysid koobka ay biyuhu kuugu jiraan ee aad cabeysid, ku shub labbo qaado oo khal ah kadibna cab.











 xaquuqda:   daryeelmagazine

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...