"ref_"; Skip to main content

farso haleyay oo aad make upka uga kaaftoomi karto jikada aad oo isticmaal alaabtaan

Liin dhanaanta: Casiirka laymuunka wuxuu ka midyahay dawooyinka dabiiciga ah ee lagu daweyn karo dhibaatooyinka maqaarka. Wuxuu qurxiyaa maqaarka wajiga, oo uu ka hortagaa jilciyaana dhibcahaa wajiga ka soo baxa.
Casiirka laymuunka waxaad marisaa wajiga oo kuna daysaa daqiiqado, kadibna iskaga dhaq biyo diirimaad ah. Casiirka laymuunka waxaa kale oo uu ka tirtiri ilkahaaga midabka jaalada ah, saas daraadeed ku cadayo ama ku luqluqo maalin walba.
Liinta macaan (burtuqaalka): Si aad u heshid gacmo qurux badan oo jilicsan, waxaad marmarisaa gacantaada markaad awoodid diirka burtuqaalka, sababtoo ah wuxuu uyahay maqaarka qado dabiici ah oo siisa qurux.
Mishmishka: Waa faakiho ama furuut oo uu ku badanyahay fitaamiin (A), kaas oo muhiim aad ugu ah timaha. Wuxuu timaha udiidaa daadista.
Canbaha: Wuxuu xoojiya ilkaha oo uu qurxiyaa, sababtoo ah waxaa ka buuxa kaalshiyuum iyo fitamiin (A).
Baqdoonis ( parsley; persille): Si aad u heshid waji qurux badan oo iftiimaya ku dhaq wajigaaga baqdoonis subaxdi iyo habeenkii mudo wiig dhan.
Qajaarka: Waxaa lagu daweeyaa wajiga si uu uga bi iyo coodhcoodhka iyo dhibcaha ka soo baxa wajiga. Hadduu wajigu dufan badanyahay, waxaa qajaarka lagu shiidaa caano.
Cilaanka: Wuxuu cilaanku dawo uyahay xuubka sidoo kale marsigiisu wuxuu xoojiyaa cidiyaha.
Farawlka (strawberry): Hadaad rabtid in aad wajigaaga ka ilaalisid ama ka baa bi isid coodhcoodhka ( rynker ama wrinkle), waxaad shiidaa dhawr xabo oo farawl ah oo kadibna marisaa wajigaaga subaxdi iyo habeenkii, kadib ku dhaq wajiga biyo leh baqdoonis ( parsley ama persille ). Farawlaha wuxuu caawiyaa oo kale nadiifinta wajiga oo uuna liisho ka dhigaa.
Khalka (vinegar): Wuxuu faa ido badan uyahay timaha, oo uu jilciyaa dhalaaliyaana. Wuxuuna ka bi iyaa timaha xuubka. Waxaad marisaa waxyar timaha kahor intaadan qabaysan oo aadan dhaqin timaha. Lugahana waad marinkartaa oo wuu qurxiyaa, wuxuuna ka bi iyaa xariiqyada buluuga ah ee ka soo baxa xididada lugaha, saas daraadeed waxaad ku duugtaa cagaha subixii iyo habeenkii mudo dhan bil. Hadaad rabtid in aad baruurta iska ridid, mar walba oo aad cunteyneysid koobka ay biyuhu kuugu jiraan ee aad cabeysid, ku shub labbo qaado oo khal ah kadibna cab.











 xaquuqda:   daryeelmagazine

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...