"ref_"; Skip to main content

sidii aad isaga nadiifin lahayd holobta ama agoolka

dandruff
Holabta oo ah qolofta ka dhex abuuranta timaha meeshey ka heystaan lafta madaxa. Holabta ayaa aad u ceebeysa dadka oo laga yaaba in dad badani kugu qoslaan ama kaga naxdsadan adoo jooga meel caam ah.
Shaambooyinka iyo dawooyinka baab'iya ayaa qaali ah ayagoo ku darsaday inaad had iyo goor isticmaashid oo jirkaga la qabsado.
Hadaba si aad iskaga baab'iso adoon wax qaali ah soo gadanin oo isticmaalaya alaab aad guri walbo ka heli kartid, waxa soo aruurinay maadooyin si wanaagsan iyo waqti yarba kaga baabi'inaya holobta madaxa.
asprin
Aasbariin (Aspirin)

Aasbariin oo ah kaniinka madax xanuunka loo qaata ayaa ah mid waxyaabo badan loo isticmaalo eyna ka midtahay holobta. Soo qaado 2 xabo oo kaniinkan ah burburi kuna dar shaamabada aad madaxa ku dhaqaneysid, ku daay madaxaga mudo dhan 2 daqiiqo adoo si fiican lafta madaxa u gaarsiinaya. Markaas biyo iskaga iyo shaambo caadi ah si aad urka aasbariinka uga baabi'isid madaxaga hadey wax ku hareen. Aasbariinka ayaa ku jira madaada Salicylic oo ah maadada ugu firficoon oo lugu daro shaamboyinka baabi'iya holobta.
olive
Saliida Dabiiciga (Natural Oil)

Saliida caadiga ah oo cuntada ku darsano, sida olyo liibada (Olive Oil) ama saliida qumbaha (conconut oil), ayaa loo isticmaali kara in lafta timaha lagaga nadiifiyo holobta ku beermata. Qandici saliid markas si wanaagsan u marka lafta madaxa oo timaha salkooda taabsiinaya. Markas ku duub timahaga shukmaan ama baro caadi ah sidaasna ku seexo ama ku joog waqti 6 saacadood dhan. Kabacdi si fiican u dhaq waqtigas kadib.
vinegar
Khal (Vinegar)

Khalka eynu badana u isticmaalno inaa talaajada ku nadiifisano ama muraayadaha, ayaa sidoo kale nadiifiya lafta timaha oo wasaqda dhan ka meydhi kara.
baking-soda
Kiciso (Bakin Soda)

Kicisada burka aya ka baabi'in karta holobta ku dhalata madaxa. Ku dor kistoo yariisa shaambada aad ku quweysatid oo sidaas ku wad mudo 3 isbuuc dhan. Markasta si wanaagsan madaxaga ugu dhaq. Dignin: mudo dheer haku dhaafin madaxaga kicisada oo waxey ku keeni karta waxyeelo jirkaga.
lemon
Liindhanan (Lemon)

Biyaha liindhananta oo aad ku daliigtid madaxaga mudo 15 ilaa 20 daqiiqo waxey ka dhameyn karta holobta abid. Markaas ka quweyso oo yeysan ku qalalin timahaaga ayadoo ka angajin karta timaha.
Holobtu yeysan madaxaga hooy ka dhigan oo intaas lugugu dacayadeyn, ee siyaabahan kor ku xusan iskaga baabi'i.




xigasho qalanjo

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi