"ref_"; Skip to main content

ma dareentaa cabsi ama walwal markaa aragto sawiradaa






Trypophobia waa cillad ka mid ah cilladaha cabsida ee loo yaqaano "Phobias", waa cillad uu qofka ka cabsanayo inuu fiiriyo waxyaabaha leh duldulleelada yaryar, waa cillad magac loo sameeyay sanadkii 2005, mar dhawne loo aqoonsaday inay cillad cabsi tahay.
Dad badan ayaa ii soo diray farriimo iyagoo sheegayo astaamo cabsi kala duwan markay arkeen ama fiiriyeen sawirro maalmahaan Facebook-ga lagu soo daadiyay taasoo ka muuqatay "qof ciribtiisa oo leh duldulleelo wasakh ku jirto oo la leeyahay cudur halis ah ayaa ku dhacay", sawirkaas wuxuu ka mid yahay sawirrada qofka uu aadka u dhibsado mana haboono in la soo dhigo bulshada dhexdeeda.
Haddii aad horay u aragtay sawirkaas ama sawirrada la mid ah, waad fahmi kartaa waxa aan ka hadlayo laakiin haddii aadan horay u arkin oo aad rabtid in aad fikrad ka qaadatid, baar eraygaan "Tryphphobia" oo ku qor "Google" qeybta sawirrada, waxaa kuu soo bixi doono sawirrada ay dhibsadaan dadka leh cilladaan.
Qofka leh cilladaan, hadduu arko sawiradaas wuxuu dareemi doonaa dhowr waxyaabood mid sida: wareer, labolabo, matag, wadne garaac, bog xanuun, kabuubyo madaxa, jiririco qoorta ah, dadka qaarne waxay dareemaan cabsi iyo welwel.
Kullamaa aad ka sii fakartid ama sii fiirisid sawirka way ka sii darayaan astaamahaas, hurdada wuu kaa qasi karaa inta aad ka fakaraysid, cunnadane waad ka go'i kartaa.
Illaa iyo hadda lama oga sababta aad astaamahaas oo idil u dareemaysid, xalka kaliyane waa in aad is hilmaansiisaa ama aadan fiirin sawiradaas haddii ay kaa soo hor baxaan.
Haddii intaas ay xal kuu noqon wayso, waxaad la kulantaa dhakhtar "psychologist" ah oo garanayo siyaabaha loola tacaalo cilladaha cabsida ee "Phobias".
Waxaan horay ula kulmay dad ay muuqaalladaas u soo muuqanayaan markii ay ku dhacdo malaariyada maskaxda gasho ee loo yaqaano "Cerebral Malaria" inkastoo aanan weli arag meel looga hadlayo, laakiin waa arrin u baahan cilmibaaris.
Akhristow haddii aad ka mid tahay dadka aan ka hadlay, nala wadaag waxyaabaha aad dareentay markaa sawiradaas aragtay iyo waxa aad samaysay si aad u hilmaantid.


xigasho dr mahdi  
somalidoc

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...