"ref_"; Skip to main content

ma dareentaa cabsi ama walwal markaa aragto sawiradaa






Trypophobia waa cillad ka mid ah cilladaha cabsida ee loo yaqaano "Phobias", waa cillad uu qofka ka cabsanayo inuu fiiriyo waxyaabaha leh duldulleelada yaryar, waa cillad magac loo sameeyay sanadkii 2005, mar dhawne loo aqoonsaday inay cillad cabsi tahay.
Dad badan ayaa ii soo diray farriimo iyagoo sheegayo astaamo cabsi kala duwan markay arkeen ama fiiriyeen sawirro maalmahaan Facebook-ga lagu soo daadiyay taasoo ka muuqatay "qof ciribtiisa oo leh duldulleelo wasakh ku jirto oo la leeyahay cudur halis ah ayaa ku dhacay", sawirkaas wuxuu ka mid yahay sawirrada qofka uu aadka u dhibsado mana haboono in la soo dhigo bulshada dhexdeeda.
Haddii aad horay u aragtay sawirkaas ama sawirrada la mid ah, waad fahmi kartaa waxa aan ka hadlayo laakiin haddii aadan horay u arkin oo aad rabtid in aad fikrad ka qaadatid, baar eraygaan "Tryphphobia" oo ku qor "Google" qeybta sawirrada, waxaa kuu soo bixi doono sawirrada ay dhibsadaan dadka leh cilladaan.
Qofka leh cilladaan, hadduu arko sawiradaas wuxuu dareemi doonaa dhowr waxyaabood mid sida: wareer, labolabo, matag, wadne garaac, bog xanuun, kabuubyo madaxa, jiririco qoorta ah, dadka qaarne waxay dareemaan cabsi iyo welwel.
Kullamaa aad ka sii fakartid ama sii fiirisid sawirka way ka sii darayaan astaamahaas, hurdada wuu kaa qasi karaa inta aad ka fakaraysid, cunnadane waad ka go'i kartaa.
Illaa iyo hadda lama oga sababta aad astaamahaas oo idil u dareemaysid, xalka kaliyane waa in aad is hilmaansiisaa ama aadan fiirin sawiradaas haddii ay kaa soo hor baxaan.
Haddii intaas ay xal kuu noqon wayso, waxaad la kulantaa dhakhtar "psychologist" ah oo garanayo siyaabaha loola tacaalo cilladaha cabsida ee "Phobias".
Waxaan horay ula kulmay dad ay muuqaalladaas u soo muuqanayaan markii ay ku dhacdo malaariyada maskaxda gasho ee loo yaqaano "Cerebral Malaria" inkastoo aanan weli arag meel looga hadlayo, laakiin waa arrin u baahan cilmibaaris.
Akhristow haddii aad ka mid tahay dadka aan ka hadlay, nala wadaag waxyaabaha aad dareentay markaa sawiradaas aragtay iyo waxa aad samaysay si aad u hilmaantid.


xigasho dr mahdi  
somalidoc

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...