"ref_"; Skip to main content

muhiimada vatmiin d uleyahay hooyada uurka leh iyo ilmaha caloosha kujira

Daraasad cusub oo Mareykan ah ayaa sheegtay in quudashada cuntooyinka hodanka ku ah vitamin “D”gu inta hooyadu uurka leedahay ay yarayso halista in carruurta ay haleelaan cudurada, neefta iyo xasaasiyada.
Cilmi baarayaal oo katirsan kuliyada dawada ee Mount Sinai ee dalka Maraykanka ayaa daraasad ay soo saareen ku sharaxay in vitamin “D”gu uu xiriir la leeyahay yaraynta halista haleelida xasaasiyada carruurta, taasoo lagu daabacay natiijooyinka daraasadooda majallada xasaasiyad iyo cilmiga habka difaaca.
Kooxdan cilmi baarayaasha ah ayaa waxa ay daraasad ku sameeyeen 1248 hooyooyin ah iyo carruurtooda dalka Maraykanka laga bilaabo saddexdii bilood ee ugu horeeyay ee uurka ilaa ilmuhu ka gaarayay 7 sannadood da’ahaan.
Cilmi baarayaashu waxa ay ogaadeen in badsashada quudashada cuntooyinkan inta hooyadu ay uurka leedahay uu xiriir ka dhexeeyo yaraynta xasaasiyada ilmaha “sanboor”ka, 20%.
Sanboorku waa nooc ka mid ah xasaasiyadda, waxana uu ka dhashaa waxyaabo kamid ah deegaanka dibadda, gaar ahaan dhogorta xayawaanka, boorka iyo caaryada,waxana qofku dareemaa ciriiri, sanka oo dareera/duuf iyo indhaha oo dareera.
Cilmibaarayaashaan ayaa waxa ay sheegeen in vitamin “D” gu kaalin muhiim ah uu ka ciyaaro joogtaynta nidaamka difaaca jirka iyo ka ilaalinta carruurta xiiqda iyo xasaasiyada, sidaa daraadeed waxa hooyooyin lagula taliyay in ay in badan quutaan cuntooyinka hodanka ku ah vitamin kan.
Cadceeda ayaa ah isha ugu horreeysa ee nabdoon ee ilaha vitamin kan,waxa ay siisa jirka baahidiisa oo uu ka helo shucaaca loo yaqaano (UV rays/ ultraviolet) oo lagama maarmaan u ah soo saarista vitamin kan, waxana dhici karta in uu kaga filnaado qofka seegitaanka cuntooyinka barkood, sida kalluunka dufanka leh sida salmon ka, sardine ka, toonta, saliida kalluunka, beerka lo’da iyo ukunta, ama qaadashada kiniinka fitamiinada ah qudhooda oo laga helo farmasiiyada.
Xigasho: Anatolia








daryeelmagazi

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...