"ref_"; Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2016

sidaa wajiga ku cadayn lahay oo aad kunuurin lahayd

wajigaaga cadee oo nuuri kuna soo ceki midabkii eebe kusiiyay ee kaa qayirmay ogow kuwaan wax kuma tarayaan hadadan ahayn qof biyo kufilan cabo ama furuud badan aan cunin lkn intaa iyo waxaa isku dartaaa biyo badan oo aad cabto iyofuruudkaad badsato iyo hurdo fican aad  seexato haduu midabkaagii kuu soo noqan waayo waxkalaa  qaldan Cadaynta wajiga Waxay ka koobantahay 1. Shunburo 2. Huruud 3. Caano 4. saliid Saytun laws ama malab Qaabka isticmaalka So qado saxan yar kushub hal malqacad shuburo ah malqacad huruuda ku dar caano , iyo salida lawska almond oil, haku darin wax biya ah , kadib kumaydh biyo aad ku dartay rose water ama biyaha ubaxa ,

SISIN QAYBTA KOOWAD 1

SISIN QAYBTA KOOWAD 1 Sisintu waa dalag kamid ah kuwa eeba nagu maneeystay ee dhuulkeena kabaxada waana geed faa’ida badan waxey ukala baxdaa laba nooc oo kala ah madow iyo cadaan. Sinsinto waxaa la isticmaali jiray mudo horay iyadoo siyaabo kala duwan loo isticmaali jiray mar waaa dheefsiin ama cunto, subgasho, shidaal lagu shido feynuusaha markalane waa dawo caajib ah hadii aan eegno dha nka isticmaalka sisinta 1:isku dar sisin iyo sonkor kadibna isku shiid waxaa lagu magacaaba mac-macaan ama (xalaawi) taaso goosar looga dhigo rootiga ama canjeerada laguna qaxweyo,sidaas si la mid ah hadii caano lagu qaso la siyo caruurta nafaqa darada dilotay waa u dawo. 2:waxaa lagu qurxiyaa rootiga iyo doolshada oo ay bilic usameyso sidoo kale waxaa laga dhigtaa cabitaan inta la shiido iyo caano, dadka qota beeraha waxay ku magacaaban caano beeray. Dhanka kale waxaa laga soo saaras saliid taaso ukala baxdo laba qeeybood oo kala ah qabow iyo kuleeyl micnaheydana ay kala tahay mid lagubay i

sisinta maxaa kataqaan qabti labaad

Sin-sin Qaybta labaad Qaybtii waxaan ku soo sheegnay in ay daawo u tahay qaybo fara badan oo jirka hadii laga baaqsado cunid iyo marsashada intaba lana badsado saliid cadeyda, waxaa aad durbadiiba daremaysa isdhin ku dhaca dhinacyada kala ah xibnaha maqalka, xibnaha urinta, arag yari indhaha, tabardari lafaha iyo awood la’aan xibnaha jirka intiisa kale . Baaris dheer uu sameyay prof: kamaludin xasan ee uu bare ka yahay jaamacada malik sacuud ee riyaad dalka sacudi arabia, ayaa uu ka daalacaday 1999 in ay ka soo saarto shirkada la yirahdo FAIS ee dalka maraykanka ku taalo in ay u adegsato kordhinta awooda raganimada taaso ay ku shegen habayarate in aysan lahayn wax dhibato ah xaga caafimaadka. Dhanka kale prof: kamaludin waxa kale uu ku shegay baristisa in ay si-sinta ku jiraan maadooyin caawiya habdhiska taranka samayn wayn ku leh, taaso cunitankeda ay ka dhashaan unugyada daremaysha ay ka helan firfirconi ama unugyada howlgabka noqday ay u kordhiyaan iska difaaca cudurka ku

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi

basasha iyo faaidooyinkeeda maxaa kala soco taa sawirka ku dhufo si aad u akhriso

Basasha  Dadka qaar  waxay jecelyihiin  iyadoo bisil qaarna waxay jecelyihiin ayadoo aan bisleen oo ceyriin sikastaba ha ahaate maanta waxaan  warbixin idinka heynaa Basasha iyo wax qabadkeeda ku soo dhawada. 1: Basasha waxay yareysaa ama hoos dhigta Xanuunka Shinida          markey ku qaniinto 2:  waxay u roontahay infakshanada ku dhaca Kadida  sida Kilyaha, kaadi hesta. 3:  waxay u roontahay ama u fiicantahay Cudurada ku dhaca Dhuunta  sida Hergebka iyo Qufaaca 4:  waxay kaa difaacee Cuduro fara badan oo ku soo werari lahaa  5:   waxay ka hortagtaa Ilka Xanuunka iyo Afka oo infakshan ku dhaca 6:   waxay u roontaay ama yareysaa Calool Xanuunka  waxaa kaloo lagu Daweyaa Dhiig yarida 7:    waxay  u fiicantahay ama yareysaa  Dheg Xanuunka  8:   waxay joojisa in Cudurka Kansarka ku faafo jirka 9:  waxay Hagaajisa ama labeelaata ka dhigta Dhiiga Sonkorta 10:  Waxay yareysaa Xanuunada ku dhaca meelah lalaabma oo dhan                                                             

5qudaar oo yareeyo cudurka sonkorowga

Furuutkaan hoos ku xusan ayaa waxa ay yihiin kuwa aad iyo aad u yareeya sokorkta. Waxaana ay yihiin kuwada uroon qofka sokorta qabo. 1.          Miraha Bluu beeris. Faaiidada ay leeyihiin mirhaan ayaa waxaa kamid ah waxa ay saaid ugu kahortagaan baruurta.  Waxaa kusoo kordhinayaan jirka fitamiinada u baahan. Miraha waxa siiba waxtar ay uguleeyihiin difaaca jirka qofka qaba sokorta. Waxa ay siinayaan jirkiisa awood uu isaga difaaco waxyaabha keeno infekshanka. Waxa koloo yareeyaan cuncunka oo sababa sokorta. Waxaa oo kale yareeyaa sokorta iyo wadna xanuunka. 2.          Miraha Kranberies  Mirahaan Waxa ay leeyihiin fitamiin C. waxaa kaloo kaa difaacayaa infection kudhaca kaadi mareeynka. Waxaa kaloo ka hortaga kanasarka sanbabaha iyo kansarka ku dhaca“ prostrate’ ama Qanjarka waxaa kaloo  ka hortaga qaboowga gala jirka . 3.         Tufaaxa  Cunida Tufaxa Waxu kaa saacida dheefshiidka qofka sokorta qaba. Wuxu kaloo ka yareeyaa sokorta. Waxaa kaloo u faaida u leeyah

cuntooyinka kobciyo xasuusta qofka iyo garaadkiisa sawirka kudhufo si aad u akhriso

sida caadada ah cuntada qofka aadamaha ahi qaataa waxa ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka qofka, tusaale ahaan cuntadooda qaar waxa ay jirka ku keenaan xanuuno iyo waxyaabo halis galiya caafimaaadka shakhsiga ah, sidaasi si lamida ayaa cuntooyinka qaarkood jirka u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya. Cunooyinka faa’iidada caafimaad ee badan u leh jirka aadamaha gaar ahaan cuntooyinka kor u qaada xasuusta iyo garaadka qofka, cuntooyinka laga soo saaro noolaha ku nool badda, iyo waliba noocyo ka mid ah khudaarta cagaaran oo iyagana la ogaaday inay si weyn u kordhiyaan xasuusta iyo guud ahaan maskaxda kuwaas oo ay ka mid yihiin:- Furuutiska, khudaarta cagaaran, kalluunka, cuntooyinka miraha ah ee galka leh iyo kuwa salliida laga miiro sida Si-sinta iyo saytuunka. dhamaantood waa kuwa door weyn ka qaata unkidda maadooyin cunteed oo kobciya garaadka qofka. Kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo

flax seed/ qoonder/ saliib / maxaa kataqaan faaidadiisa iyo khasaarihiisa

Waxaan maanta inshaAllah halkan ku sharaxayaa midho yaryar oo buniga ama huruud ah oo la idhaah ( Flax seed) . Soomaalina waxaa lagu idhaah Qoondar ama Saliib. Midhahani waa midho cafimaadka siyaabo badan uugu fiican. Loona isticmaali karo siyaabo kale duwan. Haddaba halkan ka baro midhahan khayr kooda iyo sharkoodaba iyo waliba habka loo isticmaalayo. Midhahani waa midho laga heli karo wadankeena. Haweenka waddankii waxa ay ka sameeyaan midhani xawaash aad u maqaan oo kulayl yar leh, inta ay saloolaan bay waxa ay ku daraan geedo adari oo ah nooc xawaashyada ka mid ah. Waxaa lagu cunaa cuntooyinka sida boorashka, soorta, kariska iwm. Laakiin dariiqa ay u sameeyaan oo ah in ay dab galiyaan ayaa waxa ay ka hortagaan maadooyin geedkan ku jira oo caafimaadka u daran, balse marka dabka la galiyo dhimanaya.  Flax seed ama Qoondar/Saliib Waa midhi yaryar oo Allah (swt) waxyaabo badan ku qani yeelay. Haddii si sax ah loo siticmaalana caafimaadka aad uugu fiican. Maxaa caafimaad a

7talaabo oo kuu sahli karo inaa riyadaada gaartid

Waxaad aad ii soo jiitay oraah dheheeysa "wax walbo oo aad ku riyooto waad gaari kartaa". Waxaa wanaagsan mar walbo inaad leedahay kalsooni aad ku xaqiijin karto riyadaada sida eey doonto ha u weeynaato, mararka qaarna waxaad dareemeeysa ineey waqti qaadaneeyso xaqiijinta riyada dhab ahaantina waqti weey qaadaneeysa waxaadna kaa shataa sabar. Hadaba Aflixi.com wuxuu kuu soo gudbinayaa talooyin ku haga isla markaana ku saacida kaana saacida sidi aad ku gaari leheed riyadaada: Xulo Riyadaada:  adigoo dooranin riyada aad dooneeyso inaad gaarto ma gaari kartid ilaa aad ka doorato riyo mucayan ah tusaale waxaa tiri Dr ama Drs caan ah inaan noqdo ayaan rabaa marka aad sidaa dheheeyso waxaad dooratay riyadaada mustaqbalka, waa muhiim inuu qofka marka hore uu yaqaano waxa uu ku riyoonayaayo oo uu doonaayo inuu ka dhabeeyo. Riyadaada u badal rabitaan:  waa inaad leedahay rabitaan  adag si aad u xaqiijiso riyadaada, waa inaad rabitaanka aad ku beertaa qalbigaaga. Rabitaankaad

sida ugu wanagsan oo aad ku noqon karto lataliye

La taliyaha waxa ay shaqadiisa u badantahay inuu isbadal ku sameeyo ama hormariyo shaqada loo xilsaaray inuu talo ka bixiyo, asiga oo talo wax ku ool ah keenayo, balse aan lug ku lahaaneynin markii la fulinaayo talooyinkii uu soo jeediyay. Goorma ayaa loo baahan karaa la talinta La talinta waxaa loo baahan karaa hadii marxaladaha hoos ku xusan ay jiraan. §    Hadii howlaha shaqo soo wajahaan dhibaatooyin ama caqabado, shaqo walba tay ahaataba, sida hadii ganacsi shirkad ku yimaado hoos u dhac wax iibintooda. §    Hadii howlaha shaqo soo wajahaan khataro (Risks)  §    Hadii shirkad ama heyad dooneyso inay ka guurto howl shaqo ay qaban jirtay una guuraayaan howl cusub, waxaa lagama maarmaan ah latalin. §    Hubin sameyn mudo kadib (periodic check-ups) si wax loo saxo mudo dheer kadib. Maxay faaiido u tahay la talinta? §    In la xaqiijiyo yoolka iyo hiigsiga shirkada/ heyada §    In la ogaado fursadaha badan ee jira. §    In lagu xaliyo dhibaatooyinka soo wajaho

Qurxinta indhaha hoostood iyo bararka kuyimaado sidaa uga baa bin lahay

hadii xayaysiintu kugu soo bodo  kudhufo   markii page cusub furo  kanoqo oo iska xir kadib qoraalka wada akhriso waxaa giro  dad badan oo ay dhib kahaysato indhaha hoostooda oo bar bararo waxaan maanta ka hadli doonaa qurxinta indhaha  ama sidii aad ku baa bi in lahayd bar bararkaa marka hore hadii barbararku yahay mid dabiici ah oo aad ku dhalatay ama eebo kugu abuuray kaas ma suulinkartide haku daalin hadiise yahay mid ku gu dhasho markaa daalantahay ama hurdo yari jirto ama aad isku aragtay lkn aadan aqoon waxa sababayo hadii aad taqaano waxa sababyo marka hore yaree sida hurdo yarida  ama daalka badan amadhafarka halkaan ka akhriso dhafarka iyo waxa laga dheefo https://mnafaqo.blogspot.com/2016/07/dhimaabatada-dhafarka.html markii aad sababta yarayso kadib isticm maal alaabtaan  ilaa intu bararku kaa dhacayo kuwad maalin walba  markaa soo kacdo Saar qado qaxwaa ama coffe ah qado malab ah  qado saliid almon sweet ah   intaa isku qas oo mari indhaha hoostooda

mataha ruux la ildaran gaas tariig akhriso dawadiisa oo dabiici ah

Sidaan casharkii hore ku soo qaadanay waxaanu isla soo fahanay waxa ay tahay gasteri ,ciladaha keena, habka loo baadho iyo qaabka loo daweeyo (dawada dhakhtarka). Haddaba waxaan rabaa maanta inaan isla eegno waxyaabo badan oo aad heli kartid, lagana yaabo inaad qaar ka mid ah aad isticmaashid balse aanad u qaadan si sax ah. Dhamaan waxayaabaha aan rabbo baan inaan ka faa´iideeyo waa wax wadda dabayci ah. Waanaga laga yaabaa inuu Allah (sw) kugu daweeyo ee bal sharkoodana Allah(sw) ka magan gal, khayr koodana waydiiso. Makeeda koobaad waa inaad xayimi ama yaran karaa ciladaha keenaya qasterida. Markeeda labaadna waa inaad joojin kartaa waxyaabaha dhidhiya ama kordhiya.Kadibna qaado talooyinka intooda wanaagsan. Iskana ilaali xasaasiyada. Waxaa dhici karta inaad xasiisiyad kuleedahay waxyaabaha qaarkood oo ay kaaga sii daraanba. Iska soo qaad dhiigag, adigoo hubina in wax xanuuno saa´id ah kuu lifaaqanyihiin gasaterida iyo waliba adigoo hubina waxyaabaha aad xasaasiyada ku leeda

waa qoraa muhiima/7 arimood oo caafimadka qor uqaadi kara ------

Inta lagu jiro bisha Ramadaan dadka qaar ayaa ka eed sheegta caafimaad xumo la xiriira cuntada. Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigayaa 7 arimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro bisha Ramadaan. 1. Cun saxuurta – muhiimada ay leedahay saxuurta waa mid dhamaanteen aan wada ognahay iyo xitaa in ay sunno tahay balse caafimaadkaaga ayay muhiim u tahay in aad cunto fudud cunto xiliga saxuurta. 2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan afurka iyo cashada balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan dufanka. 3. Raac talada nabiga (nnkh) – Ee ahayd in aad isticmaasho 3 meelood cunto ah, sadex biyo ah iyo sadex hawo ah. 4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay qudaarta, waa in aad badsataa qudaarta sida karootada. Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay. 5. Soco afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, soco afurka ka dib. ku soo wareeg xaa

aaladaha casrigaa iyo khatartay ilmaha ukeeni karaan

dhakhaatiir badan ayaa ka digay in caruurta aadka u da’da yar loo ogalaado isticmaalka aaladda tablets-ka loo yaqaano ee ay ka mid yihiin (ipad-ka iyo tablets-ka) iyaga oo xaqiijiyey inay ku keenaan ilmaha khalkhal dhinaca hadalka ah, ama in ilmuhu uu hare u hadal baran waayo, in uu bulshada ka dhex baxo uu noqdo hadhow mid dadka ka dhex faquuqan isla markaana uu noqdo ruux aan awood u lahayn inuu doodo. arrimaha uu ka doodayana sababeeyo, isla markaana si qurux badan u cabbiro fikirkiisa iyo waxa uurka ugu jira, ku dhucuna uu ku yaraado. sidoo kale waxa uu ilmuhu noqdaa dhag weyn aan inta badan ka war qabin waxa hareerihiisa ka dhacaya, isla markaana aan waxba iska waydiin waxyaabaha isbedelku ku imanayo ee uu arko,  waxa kale oo uu badanaa noqdaa qof is dhekhso ah u quusta. ilmuhu waxa uu noqdaa sakhsiyad war ma’og ah ama damiin ah caruurta da’diisa ahna aan dhex galin oo aan la ciyaarin, waana sababta ay dhakhtaradaasi ugu taliyeen in caruurta laga ilaaliyo tablet-ka iyo

waa qoraan jaciiba hadaa adi imaqasho sii gudbi oo share garee

Si degdeg ah ayaan hurdo uga Toosay ! Waxan arkay iftiin iga yaabiyey Waxan is idhi iftiinka qolka ayaa maanta wareersan oo nooc kale ah, Waxaan arkay in ay saacaddy tahay 3:30am gelin dambe ee habeenimo Laakiin waa yaabay waa maxay iftiinkan waaba habeene ?- Waxan naxay markaan arkay gacanteyda oo kala badh derbiga gidaarka ku dhex jirta,Waan kala soo booday anoo ka argagaxsan oo waan ku eegay Mar kale ayaan derbigii bal ku celi is idhi, saa wayba gashay mar labaad oo dalaq tiri,Bismillaaah, side wax u jiraan ? Waxan maqlay hadal cod dheer ah !!! Waan fadhiiatay dhinacyadaanna eegay, hadana codkii waan waayey, waxayna ishaydu qabatay walaalkey oo lu hurda Sariirtiisii waan ka istaagay anoo cab-cabsanaya, toosi baan is idhi walaalkay waan la hadlay laakiin ilamaba hadlayo, bismillaah waa maxay waxani ! Waxan aaday qolkii hooyadey, aabbe ayan i idhi kici maba ila hadlayo isna !Waan yaabbanahay, waxan rabay in qof mar uun mar ila hadlo oo aan weydiiyo sida wax yihiin laakiin m