"ref_"; Skip to main content

waa qoraa muhiima/7 arimood oo caafimadka qor uqaadi kara ------






Inta lagu jiro bisha Ramadaan dadka qaar ayaa ka eed sheegta caafimaad xumo la xiriira cuntada. Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigayaa 7 arimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro bisha Ramadaan.

1. Cun saxuurta – muhiimada ay leedahay saxuurta waa mid dhamaanteen aan wada ognahay iyo xitaa in ay sunno tahay balse caafimaadkaaga ayay muhiim u tahay in aad cunto fudud cunto xiliga saxuurta.

2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan afurka iyo cashada balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan dufanka.

3. Raac talada nabiga (nnkh) – Ee ahayd in aad isticmaasho 3 meelood cunto ah, sadex biyo ah iyo sadex hawo ah.

4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay qudaarta, waa in aad badsataa qudaarta sida karootada. Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay.

5. Soco afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, soco afurka ka dib. ku soo wareeg xaafada ama u lugee masaajidka.

6. Tugo taraawiixda – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay kor u qaadaa. Waa jimicsi bilaash ah.

7. Waxyar seexo galabtii – Quburadu waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah. Hurdada galabtii ah waxay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeedo oo aad cibaadada badsato

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...