"ref_"; Skip to main content

SISIN QAYBTA KOOWAD 1







SISIN QAYBTA KOOWAD 1

Sisintu waa dalag kamid ah kuwa eeba nagu maneeystay ee dhuulkeena kabaxada waana geed faa’ida badan waxey ukala baxdaa laba nooc oo kala ah madow iyo cadaan.

Sinsinto waxaa la isticmaali jiray mudo horay iyadoo siyaabo kala duwan loo isticmaali jiray mar waaa dheefsiin ama cunto, subgasho, shidaal lagu shido feynuusaha markalane waa dawo caajib ah hadii aan eegno dhanka isticmaalka sisinta
1:isku dar sisin iyo sonkor kadibna isku shiid waxaa lagu magacaaba mac-macaan ama (xalaawi) taaso goosar looga dhigo rootiga ama canjeerada laguna qaxweyo,sidaas si la mid ah hadii caano lagu qaso la siyo caruurta nafaqa darada dilotay waa u dawo.

2:waxaa lagu qurxiyaa rootiga iyo doolshada oo ay bilic usameyso sidoo kale waxaa laga dhigtaa cabitaan inta la shiido iyo caano, dadka qota beeraha waxay ku magacaaban caano beeray.

Dhanka kale waxaa laga soo saaras saliid taaso ukala baxdo laba qeeybood oo kala ah qabow iyo kuleeyl micnaheydana ay kala tahay mid lagubay iyo mid aan lagubin waxaan ula jeedaa mida geedka macsarada ama geela laga dhaliyo wa mid dhameestiran fa’idadeyda waana saliidd qaboow ah mida lagubay oo kuleelka ah waa mida makiinada shiida balse ladoor bidi lahaa mida geela laga dhaliiyo dhanka kale caafimadka dadkii horay waxay u qadan jireen cudarada kala ah jabtada ama galaha, calool fadhiga,qaras baxa i.w.m.

Saliida sisinta waa daal bi’iso, adigo daalan hadii aad marsato saliid macsarada 20 daqiiqo kadibna biyo qandaca ah ku qabaysato waxaa aad ka helaysaa firfircooni iyo farxad.

saliida sisinta mug ahaan wa looqadan kara cabitaan marna waxa looqadan karaa ku darsasho cunada qeybaheda kala duwan waxaa xaqiiqdi ka buuxa curiyaal an laso koobi Karin oo aadamigu waxtar uleh haba yaraate wax dhib ah u laheyn waxaa kamid ah macaadinta, foosfoor oo neerfaha dhan uroon, kaalsiyam lafaha iyo ilkahaba looqato, magniisiyam oo sonkorta daawa u ah .waxaa kale oo ku jira zinc, maganiis, botaasiyam, birta iyo fitamiinada kala ah Vit B ,Vit B2 ,B6 Vitamin Vit E, Vit A, Vit C.

F:G: waxay leedahay qaybo kale oo loga hadli doono faa’idadeeda lasoco.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...