"ref_"; Skip to main content

7talaabo oo kuu sahli karo inaa riyadaada gaartid


Waxaad aad ii soo jiitay oraah dheheeysa "wax walbo oo aad ku riyooto waad gaari kartaa". Waxaa wanaagsan mar walbo inaad leedahay kalsooni aad ku xaqiijin karto riyadaada sida eey doonto ha u weeynaato, mararka qaarna waxaad dareemeeysa ineey waqti qaadaneeyso xaqiijinta riyada dhab ahaantina waqti weey qaadaneeysa waxaadna kaa shataa sabar. Hadaba Aflixi.com wuxuu kuu soo gudbinayaa talooyin ku haga isla markaana ku saacida kaana saacida sidi aad ku gaari leheed riyadaada:
Xulo Riyadaada: adigoo dooranin riyada aad dooneeyso inaad gaarto ma gaari kartid ilaa aad ka doorato riyo mucayan ah tusaale waxaa tiri Dr ama Drs caan ah inaan noqdo ayaan rabaa marka aad sidaa dheheeyso waxaad dooratay riyadaada mustaqbalka, waa muhiim inuu qofka marka hore uu yaqaano waxa uu ku riyoonayaayo oo uu doonaayo inuu ka dhabeeyo.
Riyadaada u badal rabitaan: waa inaad leedahay rabitaan  adag si aad u xaqiijiso riyadaada, waa inaad rabitaanka aad ku beertaa qalbigaaga.
Rabitaankaada u badal hadaf: rabitaanka markaad qalbigaaga ku beerto kadib waa inaad rabitaanka u isticmaasho xaqiijinta hadafkaada oo ka saacidaya inaad xaqiijiso riyadaada.
Sameeyso Qorshe: si aad hadafkaada u gaarto waxaa laga mamaarmaan ah inaad sameeysato qorshe kuu gaar ah noocuu rabo ha ahaado qorshe la’aan hada lama gaari karo sidaa darteed waa inaad qorshe sameeysataa.
Qeeybo ka dhig ahdaaftaada: qaabkaan kala qeeybinta ahdaafta wuxuu kuu fududeeynaya inaad hadafkaada gaarto marki aad sii kala dhig dhigto oo qeeybo qeeybo u kala dhigto mid walbana waqti siiso waa ay fududaaneysa xaqiijinta hadafkaada.
Dib isku eeg: dib isku baar qaabka aad wax ku wado meeshi aad ka soo bilaawday meesha aad hada mareeyso waxa kuu dhiman. Waqtigi aad qorsheeysay maka dib dhacday intaba waa muhiim inaad ib isku fiiriso.
Nafsadaada si xad dhaaf ah ha u dhibin: maskaxda waqti eey ku nasato sii sidookale jirka waqti ku filan oo nasasho ah sii intaba waxeey kaa saacidayaan inaad gaarto riyadaada.

Ugu Dambeeynti  mar walbo isku kalsoonaaw 

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...