"ref_"; Skip to main content

waa qoraan jaciiba hadaa adi imaqasho sii gudbi oo share garee

Si degdeg ah ayaan hurdo uga Toosay !
Waxan arkay iftiin iga yaabiyey Waxan is idhi iftiinka qolka
ayaa maanta wareersan oo nooc kale ah, Waxaan arkay in ay saacaddy tahay 3:30am gelin dambe ee habeenimo Laakiin waa yaabay waa maxay iftiinkan waaba habeene ?-
Waxan naxay markaan arkay gacanteyda oo kala badh
derbiga gidaarka ku dhex jirta,Waan kala soo booday anoo
ka argagaxsan oo waan ku eegay Mar kale ayaan
derbigii bal ku celi is idhi, saa wayba gashay mar labaad oo dalaq tiri,Bismillaaah, side wax u
jiraan ?
Waxan maqlay hadal cod dheer ah !!!
Waan fadhiiatay dhinacyadaanna eegay, hadana codkii waan waayey, waxayna ishaydu qabatay walaalkey oo lu hurda Sariirtiisii waan ka istaagay anoo cab-cabsanaya, toosi baan is idhi walaalkay waan la hadlay laakiin ilamaba hadlayo, bismillaah waa maxay waxani !
Waxan aaday qolkii hooyadey, aabbe ayan i idhi kici maba ila hadlayo isna !Waan yaabbanahay, waxan rabay in qof mar uun mar ila hadlo oo
aan weydiiyo sida wax yihiin laakiin maba la ii jawaabayo!
Hooyo ayaan xaggeeda u dhaqaaqay
si aan u kiciyo, laakiin intaanan gaadhin bay si aan caadi ahayn u sooboodday, oo toostay laakiin
ilamahadlayso Bisinka ayey ku celcelisay iyadoo aa I arkaynin aabbe ayey kicisay iyadoo leh war ka toos ! war ka toos meesha, oo kaalay aan carruurta soo eegnee Aabbena isagoo la
yaabban ayuu ku yidhi" Naa naga seexo maahan waqtigeede waa saq dhexee, waagiiba waa dhawyahee balaayo ma jirto inshaa allaahuye !!
Laakiin markii ay ku celcelisay ayuu kacay isagoo dhibsanaya oo aad u hurdaysan wayna is raaceen, anigu markaa waxan billaabay inaan ku
qayliyo hooyooy !! aabboow !! miyeydnaan i arkaynin laakiin maba la ila hadlayo. Hooyo ayaan marada ku dhegey bal si ay ii maqasho laakiin maba dareemayso in wax ku dheggenyihiin ! Waan iska daba socdey ilaa qolka jiifka, qolkii bay galeen, Laydhkii ka shideen laakiin aniga laydhka ay shidayeen wax iftiin ah iima kordhin waayo markii hore ayeyba maalin ii ahayd, markaa
aad baan u naxay markaan arkay waxyaabahaas aan caadiga ahayn oo dhacaya.
Waxan arkay qof aniga ii eg oo sariirtaydii ka muuqda, haaaaaaaa
wallaahi waa aniga, saa anigii baa hoos isu eegay bismillaah wallaahi 2 qof ayaan noqday, waxan is idhi waa kuma qofka meeshaada jiifa ee kuu eeg adigii waa ku kane, welwel kii hore ka badan baa la igu soo tuuray, bismillaahi raxmaani raxiim ayaan si qaulo ah ku idhi !!
Waxan billaabay inaan korkayga dhirbaaxo bal si aan hurdadan riyada ah uga tooso laakiin waxba ma aanan ka ka kicin oo isla
sidaydii un baan iska ahay , Acuudu billaaaah. Aabbe ayaa hooyo ku yidhi Naa inaga keen waa kuwaas caruurtu jiifaane oo balaayo ma
jirtee, laakiin hooyo kuma qancin oo qofkii meeshayda jiifay bay inay toosiso billawday, iyadoo leh maxamed, maxamed! War ka kac maxamed,..
laakiin maba lala hadlayo, bismillaah war qofku muxuu ahaa isku kay ekaysiiyey ma jinni baa ayan is waydiiyey?? Way ku celcelisay waxanse mar qudha arkay aabbahay oo ilmadu ka daadanayso, waa aabbahaygii calool adaygga badnaa oo aanan weligay indhiisa aanan oohin ku arag!!oohin iyo buuq baa meeshii oo dhan qabsaday, walaalkay baa qayladii ku toosay oo yidhi war maxaa jira, war waa maxay, maxaa dhacay? Hooyadey ayaa tidhi iyadoo qaylinaysa: walaalkaa wuu dhintay maxamed wa dhintay, iyadoo marada ilmada iskaga tirtiraysa.
Buuqii iyo sawaxankii ayaa kor u kacay, hooyo ayaan u tegey oo ku iri:Hooyo ma aanan dhiman, hooyo waa i kane ha ooyin, maxaad la ooyeysaa sownigan kula jooga oo kula hadlaya, wallaahi waa i kan hooyo , i soo eeg hal mar
hooyo, kaas meeshayda jiifa aniga maaha, aniguba sidaad u aragtiin baan u arkaa, waa balaayo kale hooyo ! Laakiin yaaba mar qudha i soo Eegaaya ? Markaas baan qaylo iyo ooyin isku daray, war waa i kaneey, war waawareey war
waan joogaayeey, i soo eegay Laakiin khalaas lagama yaabo in ruux keliya i dareemo !.
Waan iska fadhiistay anoo leh ilaahooow, rabbiyooow hurdadan baas iyo riyadan aan ku jiro iga kici oocaadi iga dhig. Intii sidaan aan ahayn un baan si lama filaan ah uun maqlay cod meel fog ka imaanaya oo tartiib-tartiibusoo siyaadaya ilaa aan maqlay aayaddan
qur’aanka: ﻟﻘﺪ ﻛﻨﺖ ﻓﻲ ﻏﻔﻠﺔ ﻣﻦ ﻫﺬﺍ ﻓﻜﺸﻔﻨﺎ ﻋﻨﻚ ﻏﻄﺎﺀﻙ ﻓﺒﺼﺮﻙ
ﺍﻟﻴﻮﻡ ﺣﺪﻳﺪ oo micnaheedu ahaa: (Gaflo ama
moogannimo ayaad ku jirtee waan kaa faydnay daboolkii ku saarraa, araggaaguna maanta waa sida xadiidka).
Anoo weli sii dhegeysanaya qur’aankii ayumbaa 2 qof ila boodday laakiin dadba uma eka , bismillaah waan argagaxay, waxan billaabay inaan ku qayliyo war i daaya , war isii daaya, maxaa igu kiin dhejiyey,maxaad tihiin oo maxaad iga rabtiin?
Waxay yidhaahdeen, waxaan nahay ilaaladada ilaa qabriga. Waxan idhi anigu ma dhiman, anigu waan noolahay, maxaad qabri ii geynaysaan, i sii daaya, war isii daaya, ma i qasbaysiin ! Aniga
waad i aragtaan inaan caadi ahay oo aan idin la hadlayo, oo aan idin arkayo, oo dareenkaygu dhanyahay !!
Waxay ku jawaabeen iyagoo dhoolla
caddaynaya: Yaab baad leedihiin ibni aadamow waxad mooddey in ay geeridu tahay dhammaadka nolosha oo ma ogidin in intaad dunida joogtiin aad ku nooshihiin riyo gaaban oo aad ka baxaysaan riyadaas gaaban markaad
dhimataan!. Way i sii wadeen xaggii
qabuuraha ayey ii sii jiideen, Intii la i sii wadey ayaan dariiqa ku arkay dad ooyaaya, kuwo qoslaaya iyo kuwo qaylinaya, qof kastana 2 dan i
wadda oo kale ayaa wadda !Labadii i waddey ayaan ku idhi oo dadkaasna maxay yihiin? Waxay yidhaahdeen dadkaas qof walba wuu yaqaannaa
meesha loo wado, waxaana ka mida kuwo baadi ku joogey dunida
Intii ay hadalka wadeen ayaan ka dhex galay aniga oo welwelsan oo ku idhi : Yacni naartaa la geynayaa miyaa? Waxay yidhaahdeen HAA.Hadalkii bayna sii wateen oo
yidhaahdeen: kuwa qoslayana jannadaa loo wadaa. Si degdeg ah ayaan su’aal ugu celiyey:
Anna xaggaala ii wadaa?Waxay yidhaahdeen: adigu
waad iska fiicnaan jirtey laakiin marmar ayaa sheydaanku ku heli jirey. Hadalkii baan ka kala
gooyey: Yacniiiii ma naartaa la ii wadaa? Waxay iigu jawaab celiyeen Naxariitsa alle waa waasac safarkuna aad buu u dhirir
badanyahay ! Waan jeestay oo
dhinacyadayda eegay, waxaanna arkay ehelkaygii, aabbahey adeerkay, walaalahay qaraabadeydii oo dhan oo sida naxash,waxan ku
idhi : war ii duceeya, war ii duceeya waa lay qabtay maantee, yaaba ila hadlayaba waxay u qaybsanaayeen kuwo ooyaya, kuwo tiiraanyeysan
Walaalkay baan ku idhi iska jir oo
ka digtoonow adduunyada iyo fitnadeeda yeysan ku sirin waxan jeclaystaa in ay i maqlaan ciil badanaa yaasei maqlaya, labadan I wadda wax aan ahayn ima maqlayaan. Labadii malak waxay
ii jiideen xaggii qabriga waxayna i dhex geliyeen jasadkeygii aan maanta dhan la yaabbanaa siduu iigu ekyahayWaxan u jeeday aabbay oo korkayga ciid ku soo shubaya , iyo walaalahay oo igu soo guraya ciid fara badan, iyo dadkii oo dhan oo badeello la wada booday, bismillaah,allo
w i samata bixi maanta.
Waxaan aad u jeclaystay inaan maanta iyaga la joogo adduunyada, si aan u tawbad keeno, salaadda u
badiyo, oo aanan afkayga duco iyo allabari uga qaadin, welibana aanan dad dambe la sheekaysan, Waan iska qayliyey war dadoooooooow, hurdada xun ka kaca oo yaan adduunyo idin sirin idinkaa maanta jaanis haystee, aniga waa ii jeeddiinmeesha aad i dhigteen iyo halka aad iiga tegeysiin, oo aanan mar dambe is arkeyn.
Waxan jeclaysanayey inay i maqlaan yaase i maqlaya albaab baa noo kala xidhmay ?
ADIGU MA I MAQASHAY ?
HADDAAD I MAQASHAY XAALADDAYDA SII
GUDBI HADDAAD RABTO!..

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi