"ref_"; Skip to main content

flax seed/ qoonder/ saliib / maxaa kataqaan faaidadiisa iyo khasaarihiisa






Waxaan maanta inshaAllah halkan ku sharaxayaa midho yaryar oo buniga ama huruud ah oo la idhaah ( Flax seed) . Soomaalina waxaa lagu idhaah Qoondar ama Saliib. Midhahani waa midho cafimaadka siyaabo badan uugu fiican. Loona isticmaali karo siyaabo kale duwan. Haddaba halkan ka baro midhahan khayr kooda iyo sharkoodaba iyo waliba habka loo isticmaalayo. Midhahani waa midho laga heli karo wadankeena. Haweenka waddankii waxa ay ka sameeyaan midhani xawaash aad u maqaan oo kulayl yar leh, inta ay saloolaan bay waxa ay ku daraan geedo adari oo ah nooc xawaashyada ka mid ah. Waxaa lagu cunaa cuntooyinka sida boorashka, soorta, kariska iwm. Laakiin dariiqa ay u sameeyaan oo ah in ay dab galiyaan ayaa waxa ay ka hortagaan maadooyin geedkan ku jira oo caafimaadka u daran, balse marka dabka la galiyo dhimanaya. 
Flax seed ama Qoondar/Saliib
Waa midhi yaryar oo Allah (swt) waxyaabo badan ku qani yeelay. Haddii si sax ah loo siticmaalana caafimaadka aad uugu fiican.
Maxaa caafimaad ah oo ku jira?
– Midhahani waxa ay ku qani yihiin dufanka omega-3 iyo dietary fiber.
– Midhahani waxa ay waxtar wayn u leeyihiin deefshiida.
– Waxaa ku jira midhahan 30-45 % saliid (oil), triglycerides including linoleic, oleic, stearic and palm acid, 10.3% mucins, 30% organic acids and glycosides.
– Waxa ay midhahani daryeelaan dufanka dabeeciga ah ee maqaarka.
– Waxa uu u fiican yahay cholesterol ka. Maadama ay midhahani la dagaalamaan subaga xun LDL, waxayna kor u qaadaan cholesterol ka fiican HDL.
Qorka haysta cholesterol wuu la qaadan karaa dawadiisa, balse waa in uu horta dhakhtarkaagu ogolaadaa. Fadlan ha ku dagdagin arrinka.
Waxay midhahani aad uuga qayb qaataan calool istaaga maadama dietry fiber badan ku jirto. Waxa ay midhahani nuugaan biyaha oo kadibna ay isku badalaan sidii wax gele ama subag oo kale ah. Kadibna waxa ay badiyaan volum ka saxarada ku jirta midhicirada, kadibna wax ay xawli ku kiciyaan dhaqaaqa saxarad (peristalsis).Waxa ay subag oo kale ku noqdaan qoyaanka midhicirada oo ay siiyaan daryeel. Saxaradana way jilciyaan walibana waxa ay ilaaliyaan in saxaradu ku raagto midhicirada. Tani waxa ay dhici kartaa haddii qiyaas sax ah laga qaato si saxna loo isticmaalo iyo waliba biyo kugu filana jidhka la galiyo.
Maxaa caafimaadka u daran oo kujira flax seed?
Waxaa midhahan ku jira maado khatar caafimaadka galin karta. Maadaan oo magaceeda la idhaah Cyanogenic glycosides.Ayaa waxa ay isku badashaa Cyanide (HCN) oo ah maado aad khatar uugu ah caafimaadka. Maadadani ma dhalato haddii qiyaas sax ah laga cuno, hadii aan midhaha la burburin iyo haddii midhaha la dubo ama la saloolo inta anaan la cunin ka hor. Madaadani waxa ay keeni kartaa khatar dhimaasho gaadhi karta. Maadama waxyaabah uuga badan ee ay gaysan kartaa uu yahay in qofka neeftu ka xidhanto oo sun badani jidhka ku furanto. . Midhahana waxa ay sababi karaan in dawooyinka awoodooda dhimaan ama dawada ayna horay u shaqayn. Haddii aad tahay qof daawooyin qaata ukala dhaxaysii dawada qaadashadeeda iyo midhacan 6 saacadood si ayna dawada wax uugu dhimin. Dadka qaba cudurada sida macaanka iwm marwalba dhakhtarkooda talada ha ka qaataan, si ayna dawadu u khakhalin.
Astaamaha aad ku garankartid in aad khatar ku jirtid haddii aad si khaldan midhahan u cuntid waxaa ka mid ah:
1- Madax xanuun
2- Neef raag
3- Wareer iyo khalkhal garasho daro
4- Wadnaha oo kabuubyooda
5- In midabka maqaarku buluug oo kale isku badalo
6- Kabuubyo
7- Koomo
Haddii suntan midhahani ay jidhkaaga gasho waxa ay keeni kartaa khatar aad u fara badan oo dhimasho ama xaalad xun sababi karta.
Midhaha flax seed waxaa ku jira 1 mg hydrogencyanid/gram.
Tani waxa ay ka turjumaysaa in qadaryar oo sida 30 gram uu sababi karo khatar aad u daran haddii sunta cyanide ay dhalato. Suntani waxa ay dhalataa kaliya marka midhaha la daqiijiyo ama la burburiyo oo waliba qiyaas khaldan laga qaato. Hoos ka akhriso habka ugu wacan ee aad u isticmaali karto adoon ku inshaAllah ku sunoobin.
Habka uugu haboon ee loo isticmaali karo midhaha flax seed:
– Markeeda hore laba qaado ka badan lama isticmaali karo maalintii qofka wayn
– Ilamaha yaryar ee 2 yrs ka yar lama siin karo
– Ilama 2 yrs ka wayn ugu badnaan qaado baa maalintii ku filan
– Midhahan ha tumin
– Ha ridqin
– Ha jajabin
– Sidooda ku cun
– Ama
– Biyo kuradi oo waxa ay isku badali doonaan gele oo kale, kadibna isticmaal
– Waad jajabin kartaa waanad salooli kartaa ama dubi kartaa 20 min 90-100 degree ovn ka ama maaqle ku dub. Marka la dubo ee dabka lagu gubo sunta ku jirta ayaa dhimanaysa.. Marka la dubo haddii la ridqo oo budo laga dhigo ama la tumo wax khatar ah maleh maadama dabku gubay suntii ku jirtay.
– Waxaa lagu darsan karaa cunto nooca aad doontid, xitaa roodhiyaha la dubayo. Muhiimadu waxa weeyi uun in aad raacdid dariiqa saxda ah.
Midhahani waxaa laga tuujiyaa saliid aan wax khatar ah lahayn oo sunta laga saaray. Saliidan sidaad doonto baad u isticmaali kartaa. Waxa ay qani ku tahay dufanka omega-3. Saliidana wax ay aad uugu fiican tahay maqaarka iyo timaha. Flax seed ka waxaa kale oo loo isticmaali karaa qurxinta iyo jilcinta timaha. Waxay inta badan ku jirtaa dhalo madow ama mugdi ah, sida oliven oil ta oo kale ayaa meel qabow iyo madow la dhigaa. Marka dhalada la furana mudo badan ma ooli karto oo horay ayey anfacaadeedu u xumaataa.
Midhanahani wanaag fara badan iyo khasaaro badan ba way leeyihiin. Khayr kooda Allah ka bari, sharkoodana Allah ka magan gal. Qiyaastana iska taxadar iyo waliba dariiqooyinka loo isticmaalayo. Ogowna shay walba shar iyo kahyrba wuu leeyahay. 
Baarka Allahu fiikum

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi