"ref_"; Skip to main content

cuntooyinka kobciyo xasuusta qofka iyo garaadkiisa sawirka kudhufo si aad u akhriso




sida caadada ah cuntada qofka aadamaha ahi qaataa waxa ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka qofka, tusaale ahaan cuntadooda qaar waxa ay jirka ku keenaan xanuuno iyo waxyaabo halis galiya caafimaaadka shakhsiga ah, sidaasi si lamida ayaa cuntooyinka qaarkood jirka u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya.
Cunooyinka faa’iidada caafimaad ee badan u leh jirka aadamaha gaar ahaan cuntooyinka kor u qaada xasuusta iyo garaadka qofka, cuntooyinka laga soo saaro noolaha ku nool badda, iyo waliba noocyo ka mid ah khudaarta cagaaran oo iyagana la ogaaday inay si weyn u kordhiyaan xasuusta iyo guud ahaan maskaxda kuwaas oo ay ka mid yihiin:-
Furuutiska, khudaarta cagaaran, kalluunka, cuntooyinka miraha ah ee galka leh iyo kuwa salliida laga miiro sida Si-sinta iyo saytuunka. dhamaantood waa kuwa door weyn ka qaata unkidda maadooyin cunteed oo kobciya garaadka qofka.
Kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo loo yaqaano OMIGA3 oo si weyn uga qayb qaata korriinka maskaxda, maadooyinkaani waxa ay hoos u dhigaan xaddiga badan ee dufanka ah ee dhiigga raaca, kuwaasi oo dhibaato caafimaad sababa.
liin macaanta, muuska, rumaanka, cinabka, tufaaxa, yaanyada iyo qaraha ama xab-xabku dhamaantood waxa ay ka mid yihiin liiska cuntooyinka kobaca iyo koritaanka maskaxda kow ka ah.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka...

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa k...