"ref_"; Skip to main content

sida ugu wanagsan oo aad ku noqon karto lataliye

La taliyaha waxa ay shaqadiisa u badantahay inuu isbadal ku sameeyo ama hormariyo shaqada loo xilsaaray inuu talo ka bixiyo, asiga oo talo wax ku ool ah keenayo, balse aan lug ku lahaaneynin markii la fulinaayo talooyinkii uu soo jeediyay.
Goorma ayaa loo baahan karaa la talinta
La talinta waxaa loo baahan karaa hadii marxaladaha hoos ku xusan ay jiraan.
§  Hadii howlaha shaqo soo wajahaan dhibaatooyin ama caqabado, shaqo walba tay ahaataba, sida hadii ganacsi shirkad ku yimaado hoos u dhac wax iibintooda.
§  Hadii howlaha shaqo soo wajahaan khataro (Risks) 
§  Hadii shirkad ama heyad dooneyso inay ka guurto howl shaqo ay qaban jirtay una guuraayaan howl cusub, waxaa lagama maarmaan ah latalin.
§  Hubin sameyn mudo kadib (periodic check-ups) si wax loo saxo mudo dheer kadib.

Maxay faaiido u tahay la talinta?
§  In la xaqiijiyo yoolka iyo hiigsiga shirkada/ heyada
§  In la ogaado fursadaha badan ee jira.
§  In lagu xaliyo dhibaatooyinka soo wajaho shaqada.
§  In isbadal yimaado, lagana hormaro marxalada markaas la taaganyahay.
§  In ay noqoto xog lahelay wax badan ifiso.
§  In laga qaato talooyinka wax ku oolka ah ee la taliyaha.

Tilmaamaha la taliyaha wanaagsan
La taliyaha wanaagsan waxaa looga baahan yahay inuu noqdo mid leh tilmaamooyinka hoos ku xusan:
§  Awood garasho ku aadan shaqada laga talo bixinayo.
§  Awood u leh inuu la xiriiro dad kala duwan waxna ka dhaadhicin karo.
§  Anshax wanaag iyo daacadnimo.
§  Miyirkiisu fiyow yahay.
§  U talo bixiyo si aqoon iyo khibradiisa ku dhisantahay.
§  Hal abuur leh.
§  Fikir iyo talo keeni karo.
§  Aaminsan inuu wax horumarin karo.
§  Khibrad dheer u leh shaqada la talinta.

Noocyada la talinta
La talinta noocyadeeda waxaa ugu muhiimsan:
§  Doowrka kheyraadka: la taliyaha waxa uu furo u noqonaayaa inuu talo lagu guuleysanaayo bixiyo, daaweeyo ciladaha jira.
§  Doowrka habka shaqo: la taliyaha waxa uu bixinaayaa hage-yaal iyo hanuuniye-yaal qaabka shaqada u qabsmoomeyso.
§  Hogaamin toos: la taliyaha asiga ayaa hagayo shaqada la talinta bilow ilaa dhamaad.
§  Hogaamin aan toos aheyn: la taliyaha iyo shirkada. Qofka ama heyada lala talinayo ayaa howsha wadaagayo.
La soco qeybaha dambe.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...