"ref_"; Skip to main content

sida ugu wanagsan oo aad ku noqon karto lataliye

La taliyaha waxa ay shaqadiisa u badantahay inuu isbadal ku sameeyo ama hormariyo shaqada loo xilsaaray inuu talo ka bixiyo, asiga oo talo wax ku ool ah keenayo, balse aan lug ku lahaaneynin markii la fulinaayo talooyinkii uu soo jeediyay.
Goorma ayaa loo baahan karaa la talinta
La talinta waxaa loo baahan karaa hadii marxaladaha hoos ku xusan ay jiraan.
§  Hadii howlaha shaqo soo wajahaan dhibaatooyin ama caqabado, shaqo walba tay ahaataba, sida hadii ganacsi shirkad ku yimaado hoos u dhac wax iibintooda.
§  Hadii howlaha shaqo soo wajahaan khataro (Risks) 
§  Hadii shirkad ama heyad dooneyso inay ka guurto howl shaqo ay qaban jirtay una guuraayaan howl cusub, waxaa lagama maarmaan ah latalin.
§  Hubin sameyn mudo kadib (periodic check-ups) si wax loo saxo mudo dheer kadib.

Maxay faaiido u tahay la talinta?
§  In la xaqiijiyo yoolka iyo hiigsiga shirkada/ heyada
§  In la ogaado fursadaha badan ee jira.
§  In lagu xaliyo dhibaatooyinka soo wajaho shaqada.
§  In isbadal yimaado, lagana hormaro marxalada markaas la taaganyahay.
§  In ay noqoto xog lahelay wax badan ifiso.
§  In laga qaato talooyinka wax ku oolka ah ee la taliyaha.

Tilmaamaha la taliyaha wanaagsan
La taliyaha wanaagsan waxaa looga baahan yahay inuu noqdo mid leh tilmaamooyinka hoos ku xusan:
§  Awood garasho ku aadan shaqada laga talo bixinayo.
§  Awood u leh inuu la xiriiro dad kala duwan waxna ka dhaadhicin karo.
§  Anshax wanaag iyo daacadnimo.
§  Miyirkiisu fiyow yahay.
§  U talo bixiyo si aqoon iyo khibradiisa ku dhisantahay.
§  Hal abuur leh.
§  Fikir iyo talo keeni karo.
§  Aaminsan inuu wax horumarin karo.
§  Khibrad dheer u leh shaqada la talinta.

Noocyada la talinta
La talinta noocyadeeda waxaa ugu muhiimsan:
§  Doowrka kheyraadka: la taliyaha waxa uu furo u noqonaayaa inuu talo lagu guuleysanaayo bixiyo, daaweeyo ciladaha jira.
§  Doowrka habka shaqo: la taliyaha waxa uu bixinaayaa hage-yaal iyo hanuuniye-yaal qaabka shaqada u qabsmoomeyso.
§  Hogaamin toos: la taliyaha asiga ayaa hagayo shaqada la talinta bilow ilaa dhamaad.
§  Hogaamin aan toos aheyn: la taliyaha iyo shirkada. Qofka ama heyada lala talinayo ayaa howsha wadaagayo.
La soco qeybaha dambe.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...