"ref_"; Skip to main content

Posts

nafaqee naftaada aad nuurtide

Sida aan wada ogsoonahay bulshada somaliyeed iyo wadamada soo koraya waxay doorbidaan cuntooyin dhaqameedka , siiba bulshada soomaliyeed cuntooyinka aan caadaysanay inaga oon u eegayn cafimaad ahaan nafaqo ahaan sida : canjeerada,bariiska ,baastada iyo caanaha Uma doorono cuntooyinkeena xag cafimaad ,xag nafaqo ,xag ka hortaga cudurada iyo difaacooda xag hormar maskaxeed iyo muuqaal kaba Maanta waxaan halkan qaadaa dhigi doonaa erayga nafaqo , een mar walbo maqalno waxa uu yahay Cuntada aan cuno waxay ka koo bantahay isku jiro chemical ah oo muhiim u ah hab socodka shaqada jirkeena ,isku jirada chemicalka ah ayaa loo yaqaana Nafaqo(nutrients) Nafaqooyinkan waxay ina siiyan : Koriin fiican, nolol, horumar xag maskaxiyan iyo muqaal ahaanba ,tamar ama energy ,joogtaynta kumaankum shaqo oo ka dhaca jirkaag gudihiisa daqiiqad walba malinkii Siidaas darteed waa inaan  cuntada aan cunayno u eegnaa nafaqadeeda  malin walba Si aan u helno cafimaad buuxa ,maskax fayow ,qaad dhisme

sir muhiim ah oo nolashaada guul uhorseedi karto

Qof kasta waxaa ku beeran hammi ah in uu guul gaadho, ruuxa bulshadu ku qiimayso sarraynta iyo karaamaduna waa kan laga arko guul uu ka gaadhay hawl uu u gacan qaaday ama si guud nolosha. Cilmibaadhis lagu sameeyey furayaasha guusha loo kaashan karo ayaan  akhristayaasha u soo turjunay qodobbada ugu muhiimsan guushaas. 1. himilo cad:  Sirta koowaad ee guusha noloshu waa in uu qofku dhigto ujeedooyin cadcad iyo hawlo qodobbaydsan oo uu doonayo in uu gaadho. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku ujeedooyinkiisa uu qoranayo u qaybiyo kuwo himilada dhow ah iyo himilo fog oo uu hiigsanayo mar dambe in uu gaadho. Waa in uu qoro jidka uu u marayo himilada dhow oo u kala horreysa sida ay ugu kala muhiimsan yihiin, kadibna uu qoro jidka uu uga wareegayo haddii jidkaas hore xidhmo, waxaa iyaduna marar badan muhiim ah in hawsha uu doonayo in uu ku guulaystaa  ay lahaato waqti xaddidan oo uu qorshaysto in uu ku gaadho, si haddii waqtigaas uu ku gaadhi waayo u dib uga fikiro waxa qaldan i

Cunista Shukulaatada Madow Waxay Kaa Difaaci Kartaa Macaanka Iyo Cudurrada Wadnaha

Cunista Shukulaatada Madow Waxay Kaa Difaaci Kartaa Macaanka Iyo Cudurrada Wadnaha Daraasad cusub oo British ah ayaa sheegtay cunista shukulaatada madow (Dark Chocolate) si dhexdhexaad ah oo qiyaastii 25 gram ah maalintii in ay yaraynayso halista haleelitaanka qof ka ee macaanka iyo wadne xanuunka, maxaa yeelay waxa uu ka kooban yahay maadooyinka (antioxidants) ka oo ah kuwa ka hortago waxyeellada ama burburka unugyada jidhka. Daraasadan ayaa cilmi-baadhayaalku ay ku sameeyeen Kulliyadda caafimaadka ee jaamacada Warwick University ee Britain taaso lagu daabacay majallada xilliyeedka Nafaqada ee Britain. Cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in shukulaatada madow ay ku jiraan heerar aad u sareeya oo (Cocao) ah kaasoo qani ku ah maadooyinka (antioxidanter) ka, sida flavonoids ka oo ka hortagi kara burburka ama waxyeellada unugyada. Cilmibaadhayaashan ayaa waxa ay dabogal ku hayeen 1153 qof oo da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 69 jir, waxana ay la socdeen isticmaalkooda shukulaatada iyo xidhiidhka uu

sidee loo joogteeyaa dhismaha jirka?

sidee loo joogteeyaa dhismaha jirka? Dhisnaanta jirku waa mid u leh xiiso gaar ah qof kasta oo kamid ah bulshada, waa riyo cajiib ah oo hirgalinteedu wadato farxad iyo furfurnaan. La dagaalanka  cayilka  ama dhimida culeyska jirka ayaa u baahan waqti iyo go’aan adag. in badan oo bulshada ka mid ah ayaa la daalaa dhacaya sidiiay u dhimi lahaayeen cayilka saaran halka qaar badana ay isugu dayayaan inay siyaadiyaan miisaankooda ayagoo ka cararaya caatada ka muuqata. hada labadaan qodoba waa kuwo isku xiran sababtoo ah labada qof ee midi uu ka cararayo  cayilka  midka kalena ka cararayo caatada waxay doonayaan inay isugu yimaadaan meel dhexe. meeshaa dhexe ayay aaminsanyihiin inay u wanaagsantahay muuqaalkooda iyo caafimaadkoodaba. qaab dhismeedka jirka ayaa kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba. hadaba waxaan tusmadaan idiin kusoo gudbinaynaa siyaabaha ugu wanaagsan ee loo joogteeyo qaab dhismeedka jirka. Cunada:  waxaa jirta oraah calaamiya

Waa sidee in xabad xabad loo seexdo? dhibatose malaga qada maxaa xal ah hadii laga qado

Waa sidee in xabad xabad loo seexdo? Xaqiiqadu waxay tahay waan ku faraxsanahay inaan helno wax hurdo ah sababoo ah waxaa batay mashquulka nolol maalmeedkeena, run ahaanti waxaa jira dhinacyo loo seexdo oo ku siin kara hurdo wanaagsan Ma xuntahay in loo seexo xabadxabad? Jawabta oo gaaban waa haa. In xabad xabad loo seexdo waxay hoos udhigi kartaa khuurada, iyo naqaska oo qufka ku xirma, laakin waxay culeys saareysaa dhabarka iyo qoorta, waana arin horseedi karta hurdo xumo iyo raaxa la’aan xiliga maalinti oo dhan, dumarka  uurka  leh waxaa lagarabaa iney taxadar dheeri ah ka sameeyaan habka ay uu seexdaan ayagoo ka fogaanaya iney useexdaan xabad xabad. Waxay ka bilaabaneysaa dhabarka Dad badan oo ujiifsada xabad xabad waxay dareemaan xanuuno qaar, hadii ay ahaan lahayd qoorta, dhabar, kala goysada, xanuunkaan waa mid saameyn kara xaddiga hurdo ee uu qofku heli karo, xanuunka oo bato waxay ka dhigan tahay in qofka uu hurdada ka soo tooso, iyo in qofku uu dareemo nasiino la’aan. Xabad

7 qalad oo aan sameyno oo dhaawaca maskaxdeena fadlan iska fiiri inaa ku jirtid dadka khaladakaan galo mali walba

7 qalad oo aan sameyno oo dhaawaca maskaxdeena 2 Muhiimadda maskaxda ay u leedahay jirkeena iyo caafimaadkiisa waa mid iska cad, maskaxda waxay ka mid tahay xubnaha ugu weyn jirkeena, waana xaruunta qaabilsan kaantoroolka iyo shaqooyinka jirka ka jira, waxay xambaarsan tahay macluumaad tira badan, waxay masuul ka tahay shaqooyin aan la soo koobi karin, midda la yaabka leh ayaa ah in maskaxda ay tahay xubin aad jilicsan Waxaan hoos ku soo gudbinaynaa 7 khaladaad oo aan sameyno oo wax udhima maskaxda, waxaad is weydiisaa hadii aad ka mid tahay dadka sida joogtada ah u sameeyo khaladaadkaan 1. Quraac la’aan                           Waxaan had iyo jeer ku soo celcelinaa muhiimadda ay leedahay in la quraacdo subaxii, waxaan kaloo ku wacyi gelinaa bulshada in quraacda ay ka mid tahay quudka ugu muhiimsan ee lacuna, dadka aanan cunin quraac waxaa soo wajahaysa sonkorta dhiigga ku jirta oo hoos udhacda xiliga habeenki oo aan wax lacunin awgeed, waana arin horseedeys

hargabka iyo waxyalaha looga hortagi karo ama

Hargab Waa cudurada faafa oo waxyeela u geysta habdhiska neefsashada,waa cudura hawada lagu kala qaadokuna faafa qufaca iyo hindhisada. Hargabku caadi ahaan waxa ay saameeyntiisaku kooban tahay  neef mareenka (sanka &cunaha) hargabka waxa uu saameeyn karaaasambabada iyo xaaladaha daran wuxuu keeni karaa dhimasho, gaar ahaan dadka waayeelka ah, carruurta yar-yar, iyo kuwa nidaamka difaaca jirka uu liito. Waa Maxay Astaanta Hargabka? Hargabka waxa uu leeyahay astaama iyo caalamada uu la wadaaago durayga (IFILO)  . Astaamaha ay wadaagaan waxaa ka mid ah : Madax xanuun Qufac Cabur Iyo dhuun xanuun Astaamaha hargabka uu kaga duwan yahay duriga waxaa ka mid ah: Qandho bilaa sabab ah Murqo iyo kala goys xanuun Sidee Hargabka Looga Hortagi Karaa? Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo hargabka waa nadaafad wanaag.ku dadaal in aad gacmahaaga si joogta ah aad u nadiifiso waxay taas caawinaysaa in gurigaaga uu noqdo mid ka banana fayrus in xad macquul ah