"ref_"; Skip to main content

nafaqee naftaada aad nuurtide

nafaqoSida aan wada ogsoonahay bulshada somaliyeed iyo wadamada soo koraya waxay doorbidaan cuntooyin dhaqameedka , siiba bulshada soomaliyeed cuntooyinka aan caadaysanay inaga oon u eegayn cafimaad ahaan nafaqo ahaan sida : canjeerada,bariiska ,baastada iyo caanaha
Uma doorono cuntooyinkeena xag cafimaad ,xag nafaqo ,xag ka hortaga cudurada iyo difaacooda xag hormar maskaxeed iyo muuqaal kaba
Maanta waxaan halkan qaadaa dhigi doonaa erayga nafaqo , een mar walbo maqalno waxa uu yahay
Cuntada aan cuno waxay ka koo bantahay isku jiro chemical ah oo muhiim u ah hab socodka shaqada jirkeena ,isku jirada chemicalka ah ayaa loo yaqaana Nafaqo(nutrients)
Nafaqooyinkan waxay ina siiyan :
Koriin fiican, nolol, horumar xag maskaxiyan iyo muqaal ahaanba ,tamar ama energy ,joogtaynta kumaankum shaqo oo ka dhaca jirkaag gudihiisa daqiiqad walba malinkii
Siidaas darteed waa inaan cuntada aan cunayno u eegnaa nafaqadeeda malin walba
Si aan u helno cafimaad buuxa ,maskax fayow ,qaad dhismeed fiican ,firfircooni maskaxiyan ah iyo tu muqaaleedba
Nafaqooyinku(nutrients) waxay ka koobanyihiin lix(6) qaybood ama six classes of nutrients sida:
Carbohydrate (tamarta), fats (dufanka), protein (brotiin), vitamins (fitamins), minerals(macdanta) & water(biyo)
Jirku ma samaysankaro nafaqo ama mid ku filan waa inaan ka helno cuntadeena haday dhacdo
In uu mid ka mid ah yaraado ama bato waxay ina soo food saaray xalad caafimaad daro(mulnurition)
Sida inaan u badanahay iska taahida badan dhabarka ,madaxa ,indho xanuunka, xasaasiyada/xanuunka maqaarka ,wadna xanuunka ,iyo sidoo kale koriin xumada sida aan badanay ,qaab dhimeedka jirkeena ma fiicna
aniga oon ku soo koobi Karin maqaalkan faa’iidooyinka nafaqada iyo wax tarkooda waxaan ka hadli doonaa qoraalkan qoraalada ku xigi doona insha allah
-Nafaqooyinkan iyo meelaha aan ka heli karno(source of nutrient)
-seen cuntadeena u dheeli tiri karnaa (balance diet)
– nafaqa darada(mulnutrion)
– sida aan oogu kala nugul nahay iyo dadka u baahan daryeelka khaaska ah
– sababaha caalamku diirada u saaray nafaqa darada (mulnurion)sida dawladaha hayadaha internationalka ah iyo NGO.


Read more:

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...