"ref_"; Skip to main content

hargabka iyo waxyalaha looga hortagi karo ama

Hargab

Waa cudurada faafa oo waxyeela u geysta habdhiska neefsashada,waa cudura hawada lagu kala qaadokuna faafa qufaca iyo hindhisada. Hargabku caadi ahaan waxa ay saameeyntiisaku kooban tahay  neef mareenka (sanka &cunaha) hargabka waxa uu saameeyn karaaasambabada iyo xaaladaha daran wuxuu keeni karaa dhimasho, gaar ahaan dadka waayeelka ah, carruurta yar-yar, iyo kuwa nidaamka difaaca jirka uu liito.

Waa Maxay Astaanta Hargabka?

Hargabka waxa uu leeyahay astaama iyo caalamada uu la wadaaago durayga (IFILO)  . Astaamaha ay wadaagaan waxaa ka mid ah :
  • Madax xanuun
  • Qufac
  • Cabur
  • Iyo dhuun xanuun
Astaamaha hargabka uu kaga duwan yahay duriga waxaa ka mid ah:
  • Qandho bilaa sabab ah
  • Murqo iyo kala goys xanuun

Sidee Hargabka Looga Hortagi Karaa?

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo hargabka waa nadaafad wanaag.ku dadaal in aad gacmahaaga si joogta ah aad u nadiifiso waxay taas caawinaysaa in gurigaaga uu noqdo mid ka banana fayrus in xad macquul ah.
Narkaad caburan tahay amaba qufacaysid waxaa wanaagsan inaad wadato wax kaa duwa wasakhda,isla markaana iska fogay marada aad isticmaasho . Ka fogow dadka qaba calaamadaha iyo kuwa ay ka muuqato astaanta hargabka.waqtiga hargabka uu ka socdo magaalka isku day inaad ka fogaato goobaha ay dadka ku badan yihiin. Waxaa haboon in aad iska tallasho hargabka. Tallaalka waxa uu kaa difaacaya sedexda fayrus ee hada jira oo keena hargabka.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...