"ref_"; Skip to main content

sidee loo joogteeyaa dhismaha jirka?

sidee loo joogteeyaa dhismaha jirka?

JIRDHISKA
Dhisnaanta jirku waa mid u leh xiiso gaar ah qof kasta oo kamid ah bulshada, waa riyo cajiib ah oo hirgalinteedu wadato farxad iyo furfurnaan. La dagaalanka cayilka ama dhimida culeyska jirka ayaa u baahan waqti iyo go’aan adag. in badan oo bulshada ka mid ah ayaa la daalaa dhacaya sidiiay u dhimi lahaayeen cayilka saaran halka qaar badana ay isugu dayayaan inay siyaadiyaan miisaankooda ayagoo ka cararaya caatada ka muuqata. hada labadaan qodoba waa kuwo isku xiran sababtoo ah labada qof ee midi uu ka cararayo cayilka midka kalena ka cararayo caatada waxay doonayaan inay isugu yimaadaan meel dhexe. meeshaa dhexe ayay aaminsanyihiin inay u wanaagsantahay muuqaalkooda iyo caafimaadkoodaba. qaab dhismeedka jirka ayaa kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba. hadaba waxaan tusmadaan idiin kusoo gudbinaynaa siyaabaha ugu wanaagsan ee loo joogteeyo qaab dhismeedka jirka.

Cunada: waxaa jirta oraah calaamiya taasoo ah waxaad tahay waxaad cunto, shaki kuma jiro saxnaanshaha oraahdaan, sababtoo ah nooc kasta oo kamid ah cunadda aynu cuno waxuu ka koobnaan kara faa’iido ama khasaaro usoo kororta jirkeena, cunnida cunno isku dheeli tiran taasoo ay ku yartahay xayrta ama baruurtu ayaa ah mid faaido balaaran u leh jirka. qudaarta iyo miraha ayaa qayb muhiim ah ka qaata qaab dhismeedka iyo caafimaadka jirka waxaana warbixin lagu daabacay jariiradaha caafimaadka qaar kamid ah maraykan lagu sheegay in ugu yaraan badh ka mid ah saxanka cunada lagu dhigo qudaar iyo mirro ay faa’iido aan lasoo koobi karin u leedahay dheefshiidka iyo maskaxda qofka. waxaa muhiim ah in la joogteeyo hilibka cad kaasoo laga helo kalluunka iyo digaagga. Halka hilibka gaduudan ee laga helo xoolaha uu ka koobanyahay kolesterol badan kaasoo wax yeelaynayo qaab dhismeedka jirka keenayana culeyska jirka iyo xanuuno soo wajaga wadnaha iyo xididada. qamadiga, digirta iyo lawska ayaa kamid ah cunooyinka lagu amaanay warbixintaan. joogteynta xiliga cunnada ayaa ah mid kontorooli karta isbadbadalka ku imaan kara culeyska jirka, waxaa muhiimadeeda leh in xiliga ama jadwalka la cunayo cunada ay noqoto mid cayiman oo aan dib ama horey loo ga dhacayn, quraacda oo la cunaa waa mid faaido u leh caafimaad jirka sababtoo ah intii uu qofku hurday waxaa jirkiisu samaynaya is nadiifin, marka uu soo kaco waxuu dareemayaa gaajo waxaana jirkiisu u baahanyahay tamar si uu u shaqeeyo. qadadu muhiim uma ahan sida quraacda iyo cashada waana mid laga boodi karo balse waxaa haboon in xiligeeda la cuno qudaar iyo miro ama cuno aan cusleyn. cashadu waa mid u muhiim ah sida quraacda balse xiligaan maahan mid ay haboontahay in lacuno cuno farabadan, waxaa haboon in ugu yaraan 2 ilaa 3 saac kahor xiliga hurdada la joojiyo cunida. ma wanaagsana in marwalba wax la cuno iyadoo aysan gaajo ku hayn, waxaana cunida lagu laraa gaajada.
Jimicsiga: jimicsiga ayaa ah mid lagu burburinayo waxyaabaha ka kooban xayrta ama kolesterolka ee jidhka kujira sidoo kalena lagu joogteynayo caafimaad qabka guud ahaan jirka iyo maskaxdaba. xiliyada ugu haboon ee la sameeyo jimicsiga ayaa marka uu qofka ka tooso hurdada sida mida subixii quraacda kadib ugu yaraan 30 daqiiqo. jimicsiga noocaan ahaa lagu qiyaasaa inuu gubo xayrta ugu badan ee qofka saaran taasoo keenta culeys iyo caafimaad daro. orodka ayaa ah jimicsiga ugu haboon ee lagu dhimo culeyska saaran shaqsiga. macnaheedu maahan in dadka caatada ah aysan u baahnayn jimicsi, jimicsigu waxuu la dagaalamaa waxyaabaha aan caafimaad ahaanta u wanaagsanayn waxuuna joogteeyaa qaab dhismeedka jirka. waxaa muhiim ah in lala socdo cadadka BMI oo ah cabir kaasoo isku dheelitiraya culeyska iyo dhererka qofka.
Hurdada: waxaa la qiyaasaa in dadka qaan gaarka ahi ay ubaahan yihiin 7 ilaa 8 saacadood inay seexdaan 24 kii saacba, midani waxay ka dhigantahay in jirka lasiiyo waqti uu isku nadiifiyo kuna nasto, taasoo faa’iido u leh maskaxda iyo jirka labadaba. seexashada xili hore oo habeenkii ah ayaa leh amaan gaar ah sababtoo waxaa habeenkii qaybtiisa danbe lasoo daayaa hormoono badan oo uu kamid yahay kan koriinku. hormoonkaan ayaa u muhiim ah dhamaan xubnaha jirka siiba kuwa taranka. warbixin ayaa sheegtey in dadka seexada xili hore oo habeen kii ah ay ka furfuranyihiin, ka waxqabad badanyihiin kana rajo fiicanyihiin dadka seexda qaybaha danbe ee habeenkii ah. xiliga cuntada iyo hurdada ayaa u baahan yahay in lakala durkiyo sababtoo ah waxaa ka dhalan kara xanuuno badan oo uu ka mid yahay midka loo yaqaan , laab jeex, iyo kuwo kale oo soo wajaha dheefshiidka.
Biyaha: cabida biyaha ayaa la aaminsayahay inay ka qayb qaadato siyaabaha loo gubo xayrta, waxayna sidoo kale faaido u leedahay sifeynta dheefshiidka iyo kilyaha, tani waxay sidoo kale keenaysaa in dhiigu uu noqdo mid sifaysan oo ay ku yartahay buruurta loo yaqaan kolesterol. biyaha uu jirkeenu u baahanyahay ayaa ah 2.5 ilaa 3 litir 24kii saacba. xiliga qoraxdu ay soo jeedo ayaa haboon in la cabo biyaha, sababtoo ah waxuu jirkeenu qabanayaa shaqooyin kala duwan kuwaasoo u baahanyahay. habeenkii waxaa wanaagsan in la joojiyo cabida biyaha sababtoo ah shaqada ee jirku qabanayo gaar ahaa kilyahu waa mid ubadan is nadiifin iyo nasasho.
Farxada: inkastoo aysan dad badani aaminsanayn in farxadu ay jirka ka caawiso qaab dhismeedkiisa hadana waxaa joornaalada caafimaadka qaarkood lagu daabacay in farxadu ay siyaadiso tabarta furfurnaasha ayna la dagaalanto caajiska, taasoo qofka u sahlaysa inuu qabto shaqooyin badan kuwaasoo uu ku dhumin karo culeys jirkiisa saaran
caatadu maahan dhibaato caafimaad balse waa faa’iido ay haystaan dadka caatada ahi, dadkaan waxa ugu weyn ee ay u baahanyihiin ahaa ah dhismaha murqaha si ay u helaan BMI isku dheelitiran.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi