"ref_"; Skip to main content

Waa sidee in xabad xabad loo seexdo? dhibatose malaga qada maxaa xal ah hadii laga qado

Waa sidee in xabad xabad loo seexdo?

xabadxabad
Xaqiiqadu waxay tahay waan ku faraxsanahay inaan helno wax hurdo ah sababoo ah waxaa batay mashquulka nolol maalmeedkeena, run ahaanti waxaa jira dhinacyo loo seexdo oo ku siin kara hurdo wanaagsan
Ma xuntahay in loo seexo xabadxabad? Jawabta oo gaaban waa haa. In xabad xabad loo seexdo waxay hoos udhigi kartaa khuurada, iyo naqaska oo qufka ku xirma, laakin waxay culeys saareysaa dhabarka iyo qoorta, waana arin horseedi karta hurdo xumo iyo raaxa la’aan xiliga maalinti oo dhan, dumarka uurka leh waxaa lagarabaa iney taxadar dheeri ah ka sameeyaan habka ay uu seexdaan ayagoo ka fogaanaya iney useexdaan xabad xabad.

Waxay ka bilaabaneysaa dhabarka

Dad badan oo ujiifsada xabad xabad waxay dareemaan xanuuno qaar, hadii ay ahaan lahayd qoorta, dhabar, kala goysada, xanuunkaan waa mid saameyn kara xaddiga hurdo ee uu qofku heli karo, xanuunka oo bato waxay ka dhigan tahay in qofka uu hurdada ka soo tooso, iyo in qofku uu dareemo nasiino la’aan.
Xabad xabad oo loo seexdo waxay saareysa culeys dhabarka iyo xangulaha, sababtoo ah qeybta dhexe ee jirka waa meesha ugu badan ee culeyska jirka uu ku jiro, arintaan waxay khalkhal galineysaa dhexdheednimada booska xangulaha xiliga qofka uu jiifo
Cadaadis oo lasaaro xangulaha waxay badineysaa cadaadis soo fuula dhismayaasha kale ee jirka, xangulaha waa tuubo ay ka buuxaan dareemayaan, hadii cadaadis uu korana waxay sababi kartaa xanuun ka dhasha meela badan oo jirka ka mid ah

Kadib waxaa ku xiga qoorta

Dadka u jiifsado xabad xabad, si ay u helaay hawo ay neefsadaan waa iney u jeedsadaan dhinac, taasna waa arin meesha ka saareysa isku toosnaashada qoorta iyo laf dhabarka, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin marka ugu horeysa ee aad ujiifsato xabad xabad, laakin waxaad dareemeysaa hadii aad marar badan ujiifsato.

Digniin khaas ah oo ku socota dumarka uurka leh

Hooyada uurka leh waxay u hurudaa laba noole, sidaa darteed waa muhiim in ay hesho hurdo tayo wanaagsan leh, waxaa arin lala yaabo ah in hooyada uurka leh ay ujiisato xabad xabad xiliga dambe ee uurka, sidoo kale waa muhiim in hooyadu aysan ujiifsan xabad xabad qeybaha hore ee uurka, culeyska dheeraadka ah ee uurka wuxuu cadaadis badan saarayaa dhabarka. Warbixin lagu daabacay joornaalada caafimaadka mid ka mid ah ayaa sheegaya in hooyadu ay ujiifsato dhanka bidix iney kor u qaadeyso qulqulka dhiigga, iyo in tayada oksijiinka.

Badal kale majiraa?

Ka waran hadii aad waligaa ujiifsan jirtay xabad xabad, oo aad heli karin hurdo wanaagsan hadii aad dhinac kale ujiifsato? Waxaa jira talooyin kugu caawin kara inaad ka hortagtid dhibaatooyinka dhalan kara
* Isticmaal barkin khafiif ah ama jiifo barkin la’aan, barkin la’aan waxay kaa caawineysaa inaad u jeediso wajiga dhinacyada ayadoon culeys saareyn madaxa iyo qoorta
* Barkin hoos dhig miskahaaga, tani waxay kaa caawineysaa in dhabarkaaga uu ahaado meel dhexdhexaad ah, si cadaadiska looga qaado xangulaha
* Iskala bixi subaxdi, si aad isugu soo toosid kalagoys yada oo aad u kala bixisid murqaha caawinaya

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...