"ref_"; Skip to main content

7 qalad oo aan sameyno oo dhaawaca maskaxdeena fadlan iska fiiri inaa ku jirtid dadka khaladakaan galo mali walba

7 qalad oo aan sameyno oo dhaawaca maskaxdeena2

maskaxda
Muhiimadda maskaxda ay u leedahay jirkeena iyo caafimaadkiisa waa mid iska cad, maskaxda waxay ka mid tahay xubnaha ugu weyn jirkeena, waana xaruunta qaabilsan kaantoroolka iyo shaqooyinka jirka ka jira, waxay xambaarsan tahay macluumaad tira badan, waxay masuul ka tahay shaqooyin aan la soo koobi karin, midda la yaabka leh ayaa ah in maskaxda ay tahay xubin aad jilicsan
Waxaan hoos ku soo gudbinaynaa 7 khaladaad oo aan sameyno oo wax udhima maskaxda, waxaad is weydiisaa hadii aad ka mid tahay dadka sida joogtada ah u sameeyo khaladaadkaan

1. Quraac la’aan                         

Waxaan had iyo jeer ku soo celcelinaa muhiimadda ay leedahay in la quraacdo subaxii, waxaan kaloo ku wacyi gelinaa bulshada in quraacda ay ka mid tahay quudka ugu muhiimsan ee lacuna, dadka aanan cunin quraac waxaa soo wajahaysa sonkorta dhiigga ku jirta oo hoos udhacda xiliga habeenki oo aan wax lacunin awgeed, waana arin horseedeysa in aysan maskaxda helin tamar iyo nafaqo ku filan, hadii la joogteeyo arintaa waxay sababeysaa in maskaxda ay dhumiso awoodeeda iyo culeyskeeda

2. Nusqaaminta hurdada

Hurdada oo la nusqaamiyo xili dheer waxay dadajineysaa dhimashada unugyada maskaxda, waxaan ubaahanahay in maskaxdeena aysan lumin wax unug ah abid. Hurdada waxay siisaa maskaxda fursad ay ku nasato oo ay dib isugu habeyso iyada qudheeda, sababtoo ah waxay shaqeysaa maalinki oo idil. Sidaas darteed sii hurdada mudnaan wayn.

3. Cunid badan

Waxaan dambi badan ka dareenaa arintaan, marka laga soo tago iney na cayiliso, ama aan dareeno dibiryo, waa arin dhaawacaysa kalsoonida aan ku qabno nafteena. Waxay kaloo adkeyneysaa xididda ku yaala maskaxda taas oo ah arin hoos udhigeysa awoodeena maskaxeeda. Waxaa jira balwad cunto riix halkaan si aad u akhrisid

4. ka fikir la’aanta fikradaha kiciya maskaxda

Caadi ahaan hadii aanan isticmaalin maskaxdeena oo aanan kala jiidid awoodeeda, maskaxda way isu soo uruureysaa, Fikirka wuxuu maskaxda ku sameeyaa jidada cusub. Laastiignimada maskaxda waa mid xaqiijisa qofka in maskaxdiisu ay kobci karto, waxaad sameyn kartaa wadooyin ku cusub ama waxaad tirtir kartaa wadooyin ay maskaxdu leedahay hadii adan isticmaalin maskaxda si joogta ah

5. Cunidda sonkor badan

Waxaa jira khatarra badan oo weyliya sonkorta, sonkoru waa wax ku qarsan ku dhawaad wax walba oo aan cunno, yareynta cunidda sonkorta waxay wadataa faaidooyin badan oo caafimaad, laakin dadka inta badan kama warhayaan, cunidda sonkor badan waxay ishortaagtaa in jirka uu si fiican udhuuqo nafaqada.

6. Ka shaqeyn siinta maskaxda adigoo xanuunsan

Waxaan nahay bulsho ku nool walwal badan, qaarkeenna waxaa laga yabaan iney rabaan in ay ka guul garaan waxyaaba qaar, waliba aysan hakin marka ay xanuunsan yihiin. Xaqiiqadu waa jiraddu waa qaab jirkeenu uu noogu sheego inaan ubaahanahay inaan yareeyno xowliga ama inaan dib uga fikirno qaab nololeedkeena. In la sii wado shaqada ama wax barashada xiliga aan xanuunsan nahay waxay hoos udhigeysaa wax ku oolnimada maskaxda iyo iney dhaawacdo maskaxda

7. Cabidda sigaarka

Waxaan dhamaanteen ognahay in sigaarka uu uxunyahay caafimaad, waxyaabaha uu u horseedo caafimaadka waxaa ka mid ah in uu meela badan ka yareeyo awoodda maskaxda, in uu sababo kansar iyo cudurro kale, waxaa jira dad badan oo ka mid ah bulshadeena oo cabba sigaar, oo jecel iney joojiyaan, waxaan manta siinayeynaa sabab ay ku joojiyaan

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...