"ref_"; Skip to main content

7 qalad oo aan sameyno oo dhaawaca maskaxdeena fadlan iska fiiri inaa ku jirtid dadka khaladakaan galo mali walba

7 qalad oo aan sameyno oo dhaawaca maskaxdeena2

maskaxda
Muhiimadda maskaxda ay u leedahay jirkeena iyo caafimaadkiisa waa mid iska cad, maskaxda waxay ka mid tahay xubnaha ugu weyn jirkeena, waana xaruunta qaabilsan kaantoroolka iyo shaqooyinka jirka ka jira, waxay xambaarsan tahay macluumaad tira badan, waxay masuul ka tahay shaqooyin aan la soo koobi karin, midda la yaabka leh ayaa ah in maskaxda ay tahay xubin aad jilicsan
Waxaan hoos ku soo gudbinaynaa 7 khaladaad oo aan sameyno oo wax udhima maskaxda, waxaad is weydiisaa hadii aad ka mid tahay dadka sida joogtada ah u sameeyo khaladaadkaan

1. Quraac la’aan                         

Waxaan had iyo jeer ku soo celcelinaa muhiimadda ay leedahay in la quraacdo subaxii, waxaan kaloo ku wacyi gelinaa bulshada in quraacda ay ka mid tahay quudka ugu muhiimsan ee lacuna, dadka aanan cunin quraac waxaa soo wajahaysa sonkorta dhiigga ku jirta oo hoos udhacda xiliga habeenki oo aan wax lacunin awgeed, waana arin horseedeysa in aysan maskaxda helin tamar iyo nafaqo ku filan, hadii la joogteeyo arintaa waxay sababeysaa in maskaxda ay dhumiso awoodeeda iyo culeyskeeda

2. Nusqaaminta hurdada

Hurdada oo la nusqaamiyo xili dheer waxay dadajineysaa dhimashada unugyada maskaxda, waxaan ubaahanahay in maskaxdeena aysan lumin wax unug ah abid. Hurdada waxay siisaa maskaxda fursad ay ku nasato oo ay dib isugu habeyso iyada qudheeda, sababtoo ah waxay shaqeysaa maalinki oo idil. Sidaas darteed sii hurdada mudnaan wayn.

3. Cunid badan

Waxaan dambi badan ka dareenaa arintaan, marka laga soo tago iney na cayiliso, ama aan dareeno dibiryo, waa arin dhaawacaysa kalsoonida aan ku qabno nafteena. Waxay kaloo adkeyneysaa xididda ku yaala maskaxda taas oo ah arin hoos udhigeysa awoodeena maskaxeeda. Waxaa jira balwad cunto riix halkaan si aad u akhrisid

4. ka fikir la’aanta fikradaha kiciya maskaxda

Caadi ahaan hadii aanan isticmaalin maskaxdeena oo aanan kala jiidid awoodeeda, maskaxda way isu soo uruureysaa, Fikirka wuxuu maskaxda ku sameeyaa jidada cusub. Laastiignimada maskaxda waa mid xaqiijisa qofka in maskaxdiisu ay kobci karto, waxaad sameyn kartaa wadooyin ku cusub ama waxaad tirtir kartaa wadooyin ay maskaxdu leedahay hadii adan isticmaalin maskaxda si joogta ah

5. Cunidda sonkor badan

Waxaa jira khatarra badan oo weyliya sonkorta, sonkoru waa wax ku qarsan ku dhawaad wax walba oo aan cunno, yareynta cunidda sonkorta waxay wadataa faaidooyin badan oo caafimaad, laakin dadka inta badan kama warhayaan, cunidda sonkor badan waxay ishortaagtaa in jirka uu si fiican udhuuqo nafaqada.

6. Ka shaqeyn siinta maskaxda adigoo xanuunsan

Waxaan nahay bulsho ku nool walwal badan, qaarkeenna waxaa laga yabaan iney rabaan in ay ka guul garaan waxyaaba qaar, waliba aysan hakin marka ay xanuunsan yihiin. Xaqiiqadu waa jiraddu waa qaab jirkeenu uu noogu sheego inaan ubaahanahay inaan yareeyno xowliga ama inaan dib uga fikirno qaab nololeedkeena. In la sii wado shaqada ama wax barashada xiliga aan xanuunsan nahay waxay hoos udhigeysaa wax ku oolnimada maskaxda iyo iney dhaawacdo maskaxda

7. Cabidda sigaarka

Waxaan dhamaanteen ognahay in sigaarka uu uxunyahay caafimaad, waxyaabaha uu u horseedo caafimaadka waxaa ka mid ah in uu meela badan ka yareeyo awoodda maskaxda, in uu sababo kansar iyo cudurro kale, waxaa jira dad badan oo ka mid ah bulshadeena oo cabba sigaar, oo jecel iney joojiyaan, waxaan manta siinayeynaa sabab ay ku joojiyaan

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...