"ref_"; Skip to main content

sir muhiim ah oo nolashaada guul uhorseedi karto






Qof kasta waxaa ku beeran hammi ah in uu guul gaadho, ruuxa bulshadu ku qiimayso sarraynta iyo karaamaduna waa kan laga arko guul uu ka gaadhay hawl uu u gacan qaaday ama si guud nolosha. Cilmibaadhis lagu sameeyey furayaasha guusha loo kaashan karo ayaan  akhristayaasha u soo turjunay qodobbada ugu muhiimsan guushaas.
1. himilo cad: Sirta koowaad ee guusha noloshu waa in uu qofku dhigto ujeedooyin cadcad iyo hawlo qodobbaydsan oo uu doonayo in uu gaadho. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku ujeedooyinkiisa uu qoranayo u qaybiyo kuwo himilada dhow ah iyo himilo fog oo uu hiigsanayo mar dambe in uu gaadho. Waa in uu qoro jidka uu u marayo himilada dhow oo u kala horreysa sida ay ugu kala muhiimsan yihiin, kadibna uu qoro jidka uu uga wareegayo haddii jidkaas hore xidhmo, waxaa iyaduna marar badan muhiim ah in hawsha uu doonayo in uu ku guulaystaa  ay lahaato waqti xaddidan oo uu qorshaysto in uu ku gaadho, si haddii waqtigaas uu ku gaadhi waayo u dib uga fikiro waxa qaldan iyo sida uu ku sixi karo.
2. Go’aan qaadasho:  Waa in go’aamada aad qaadanaysaa ay noqdaan kuwo fulintoodu kaa go’antay, haddii bilowga hore aad shaki badan ka qabto fulitaanka go’aankan, ha qaadan go’aankaas ee dib uga fikir.
3. Awoodda saddexan: Jaran-jarrada guushu waxa ay ka bilaabataa kaabadda koowaad oo go’aan qaadasho, laakiin ha illaabin in go’aan aad ku gaadho hawlqabashadeeda uu ka horreeyo saddex arrimood oo ah, in aad marka koowaad garato awooddaada, dhaqaale, jidheed, aqooneed iyo karti kasta oo hawshani u baahan tahay in aad leedahay. Haddii aad taa hubto waxaa iyaduna muhiim ah in aad garato waxa aad ku wanaagsan tahay, t
Awoodda saddexan ee qofka looga baahan yahay in uu ku dhaqmaa waa;
– Oofin: Oo looga jeedo in qofku marka koowaad garto yoolkiisa iyo halka uu beegsanayo iyo weliba jidka uu u marayo.
– Hal-adayg: Oo ah in qofku uu ka soo gudbo marxaladdi fikirka oo uu si ficil ah u gudo galo hawsha uu doonayo ka midho dhalinteeda.
– Dul-qaad: Waa habka keliya ee uu qofku kaga gudbi karo caqabadaha ka hor yimaadda, kuna sii adkaysan karo dhibta ka sokaysa gaadhista hadafkiisa.
4. Curin: Arrimaha waayo-aragnimada lagu ogaaday waxaa ka mid ah in curintu ay ka mid tahay furayaasha ugu muhiimsan ee guusha noloshaada aad ka gaadhayso. Curintu waa qofka oo mar kasta maskaxdiisa miira si ay u keento afkaar iyo qorshayaal cusub. Waa qofka oo hal-abuur yeesha mar kasta oo uu hawl ka faraxashana ka fikira hawsha kale ee iyadana ay tahay in uu guul ka gaadho.
5. Qaladaadka oo wax laga barto: Qaladaadku ma’aha dhammaadka nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse keliya khaladku waa dugsi ay qasab tahay in qof kastaa maro oo loo baahan yahay in wax laga barto lagana faa’idaysto. Qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto dadaalka aad himiladaada ku gaadhayso waa in aad u qaadataa waayo-aragnimo iyo dersi aad ku cibro qaadanayso.


6. Ka faa’idaysiga waqtiga iyo nidaamintiisa: Arrimaha muhiimka u ah guusha nolosha waxaa ka mid ah in qofku uu yaqaanno sida ugu fiican ee uu waqtigiisa ugaga faa’idayn karo gaadhista yoolkiisa nolosha. Waa in aad waqtiga u aqoonsato in uu yahay hanti qaaliya oo Alle hibo kuu siiyey, sida saxda ahi waa in aad ka dhigato raasamaal aad ka faa’idaysato, sababna u noqda guul aad gaadho, haddii kale waa seef laba-af-leh oo adiga ayaa uu ku jari.
7. Rajo-san: Rajo samaantu waxa ay ka mid tahay tilmaamaha muhiimka ah ee lagu garto ruuxa guusha gaadha. In qofku khayr rajaystaa waxa ay qalbigiisa ku beertaa rajo fiican iyo kalsooni uu naftiisa u qaado, waxa aanay ku dhiirri gelisaa firfircoonida iyo shaqada, arrimahaasina dhammaantood lagama maarmaan ayaa ay u yihiin guusha uu ruuxu doonayo in uu noloshiisa ka gaadho

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi