"ref_"; Skip to main content

Cunista Shukulaatada Madow Waxay Kaa Difaaci Kartaa Macaanka Iyo Cudurrada Wadnaha

Cunista Shukulaatada Madow Waxay Kaa Difaaci Kartaa Macaanka Iyo Cudurrada Wadnaha

shukulaatada madow iyo macaankaDaraasad cusub oo British ah ayaa sheegtay cunista shukulaatada madow (Dark Chocolate) si dhexdhexaad ah oo qiyaastii 25 gram ah maalintii in ay yaraynayso halista haleelitaanka qof ka ee macaanka iyo wadne xanuunka, maxaa yeelay waxa uu ka kooban yahay maadooyinka (antioxidants) ka oo ah kuwa ka hortago waxyeellada ama burburka unugyada jidhka.
Daraasadan ayaa cilmi-baadhayaalku ay ku sameeyeen Kulliyadda caafimaadka ee jaamacada Warwick University ee Britain taaso lagu daabacay majallada xilliyeedka Nafaqada ee Britain.
Cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in shukulaatada madow ay ku jiraan heerar aad u sareeya oo (Cocao) ah kaasoo qani ku ah maadooyinka (antioxidanter) ka, sida flavonoids ka oo ka hortagi kara burburka ama waxyeellada unugyada.
Cilmibaadhayaashan ayaa waxa ay dabogal ku hayeen 1153 qof oo da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 69 jir, waxana ay la socdeen isticmaalkooda shukulaatada iyo xidhiidhka uu la lee yahay iska caabin jidhka ee maadada (Insulin) ta, kaas oo soo saarta iska caabinta jidhka isagu halista dheeraadka ah ugu jira haleelitaanka macaanka nooca 2aad, cudurka wadnaha, marka lagu daro saamaynta heerka (enzymes) ka ee beerka.
Cilmi baarayaashan ayaa waxa ay ogaadeen in 81.8% ka mid ah ka qayb galayaashii daraasaddan ee cunay shukulaatada madow oo isticmaalkooda dhexdhexaadku isku celcelis maalin kasta uu gaadhay 25 gram.
Natiijooyinka daraasada ayaa waxa ay muujiyeen in isticmaalka dhexdhexaadka ah ee Chocolate ka maalin kasta ay yareysay iska caabinta jidhka ee( insulin)ta iyo sidoo kale hoos u dhigista halista haleelitaanka cudurada wadnaha iyada oo wanaajisay heerarka (enzymes) ee beerka,markii la barbar dhigay kuwii aanan cunin Chocolate ka.
Dhinaca kale, Chocolate ka oo ay ku jiraan heerar aad sareeya oo dufan iyo sonkor ah waxa isticmaalkiisa xad-dhaafka ah u horseedi kara dhibaatooyin caafimaad, sida suuska ilkaha iyo buurnida.
Xigasho: Anatolia


Read more: http://mnafaqo.blogspot.com

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...