"ref_"; Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2016

maxaa ka taqaanaa canbaha iyo caafimaadka laga helo

Cambaha Iyo Caafimaadka Ku Jira Website-ka  Care 2  ee Maraykanka ah ayaa waxa uu soo bandhigey 8 faa’iido oo aad muhim uga ah caafimaadka oo geedka Cambaha laga helo kuwaasoo kale ah: 1: Waxa uu ka hortagaa kansarka Cilmi-baadhis ayaa waxa ay muujisey in Cambaha ay ku kiraan maadooyinka antioxidant ee difaaca kansarka mindhiciraha, kansarka naasaha, kansarka dhiiga iyo kansarka kaadihaysta. 2:Waxa uu hoos u dhigaa heerka Cholesterol ka Geedka Cambaha waxa ku jira maadooyinka nidaamyada dheef-ridiqqa oo heerarkooda aad u sareeyo iyo vitamin (C), kaas oo ka caawiyaa hoos u dhigista heerka cholesterol ee dhiigga. 3:Waxa uu buuxiaa daloolada jidhka ee weyn Waxa Camabaha loo isticmaali kara jidhka dushiisa si loo buuxiyo daloolada waa weyn iyo baabi’inta finanka madow iyada oo jidhka la marinayo. 4:Waxa uu wanaajiyaa caafimaadka indhaha Cilmi baadhis ayaa waxa ay muujisay hal koob oo camba ah oo la googooyay ayaa waxa ay wanaajisaa caafimaadka indhaha 25% sababto

siyaabo badan oo aad jirkaga ugu daryeeli artid ama ugu qurxin karto liindhanaanta

siyaabo badan oo aad jirkaga ugu daryeeli artid ama ugu qurxin karto liindhanaanta Sida Jirka Loogu Qurxiyo Liin Dhanaanta Liin dhanaantu waxay leedahay faa’idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarka dadka, kana dhigaya mid ifaya oo qurxoon. Macdanaha iyo fiitaminada kujira  liin dhanaanta ee u wanaagsan maqaarka jirka waxaa ka mid ah, Vitamin C, Citric acid, Potassium iyo Lutein. Dhaldhalaalinta iyo baabi’inta dildillaaca jirka: isku dar Jaallaha ukunta iyo hal qaado oo saliid galley iyo liin dhanaan si fiican isugu qas kadib wajiga saaro  markuu qalalo ku  dhaq biyo qandac ah, Qaabkaan wajiga ayay ka sifaysaa laablaabka iyo jeexjeexa Baabi’inta finanka (Acne): Waxaad  isku qastaa 1 ukunta cad ah , qaado barkeed malab ah iyo 1 qaado 00 liin dhanaan ah  kadibna wajiga oo nadiif ah saar, sug 15 daqiiqo markuu si fiican u qalalo biyo qandac iskaga mayr kadibna shukumaan nadiif isticmaal. liin dhanaantu waa antibacterial oo waxay dishaa finanka iyo nabraha.

Sidee Waqtiga Loo Qorsheeyaa

Sidee Waqtiga Loo Qorsheeyaa “Bini’aadamoow waxaad tahay maalmo, mar kasta oo maalin tagto; badh kaa mid ah ayaa tagay” Xasan Albasri Waqtigu waa nimco ka mid ah Nimcooyinka ugu qaalisan ee Illaahay (SWT) inoogu deeqay si aynu uga faa’idaysano, waana mid ka mid ah waxyaalaha Uu Illaahay inaga xisaabin doono Maalinta Qiyaame. Waqtigu waa cimriga qofka waana hantida kaliyaata ee aan la kaydin Karin. Saacad kasta oo ku dhaaftana waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso ama se waqtiga aad haysato si aad u noolaato, laakiin waxaad u baahantahay inaad ka faa’idaysato intaad neefsanayso. Ma joojin kartid ama se waxba kuma dari kartid waqtigaaga laakiin waxaad awood u leedahay inaad ka faa’idaysato. Waqtigaaga oo aad qorshayso waa noloshaadii oo aad qorshaysay. Nolol qiimo leh oo qaab qurxoon haddii aad rabtana waxa kaa xigta inta aad waqtigaaga qorshaynayso. Maxaa Waqtiga Loo Qorsheeyaa? Qof kastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho; o

VIDEO: Wiil Somali Ah Oo Gacantiisa Ku Naqshadeeya Boorsooyinka Xarragada

VIDEO: Wiil Somali Ah Oo Gacantiisa Ku Naqshadeeya Boorsooyinka Xarragada Waa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijka Integration ee ay daadihiso wariye Hodan Nalayeh,  Show-gaan Shaah iyo Sheeko oo aad u xiisa badan ayaa lagu soo bandhigay qodobo kala duwan waxaana ka mid ah, Wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Omar Munie kaasoo naqshadeeya noocyada kala duwan ee Boorsooyinka sida kuwa iskuulka oo si casri ah loo sameeyay kuwa moobeelada la gashto iyo kuwa xarragada oo tayadoodu aad u sarrayso. Omar Munie ayaa sheegay in aabihiis kabaha ku samayn jiray magaalada Roma ee dalka talyaaniga. Wiilkaan ayaa sheegay inuu jeclaa oo uu ku riyoon jiray inuu noqdo naqshadeeye caalami ah, haatana waxaa ku uu  gaaray horumar  la taaban karo. Wiilkaan ayaa soo dhigtay school lagu barto xarrada (fashion school) waxaana u hadda haysta dukaan wayn oo lagu magacaabo “Omar Munie Clothing” oo ku yaal wadanka Holland si online ahna caalamkoo dhan looga iibsan karo alaabta

3 Qaab Oo Loo Xaliyo Xamaasada Macaamiisha Xanaaqsan

Waxaa jirra xaalado aad la kulmayso si lama filaan ah macaamil xanaaqsan oo tabanaya dhibaato, mar-marka qaarna ay dhacdo in qof ka maacaamilka uu yahay dad ka aan xakamayn karin shacuurtooda. Adiga dhan kaaga ujeedadu waxa ay tahay in aadan lumin qof kaa macaamilka ah iyo in aad ku qanciso adeega ama badeecada aad hayso. NOQO QOF WANAAGSAN. Marka aad wajahayso qof macaamil ah oo xanaaqsan, ugu horayn is deji adigu, ilaali erayada aad adeegsanayo si aad u qaboojiso macaamilka. Faham waxa uu dhibsanayo qof ka maacaamil ka ah , kuna talo gal in aad dareento dhibka haysta qof kaas adiga oo iska soo qaadayo in aad tahay sida macaamil kaa oo kale. DULQAAD MUUJI. Hadii qof ka macaamilka ahi rabo in uu qayliyo ama xanaaq iyo caro muujiyo, haku celin. Sababtu waxa ay tahay mar-marka qaar xanaaqa badan, qaylada iyo dareen uu muujiyo qof ka macaamilka ahi waxa ay banaanka u soo saartaa dareen xun iyo cuqdada ku jirta qofka. Waxaa dhacda in qof ku iskii u dego, caro baaba’o oo

daawo qado fudud oon caadi ahy halkan ka daawo

Facebook Oo Soo Kordhisay Qaab Koox Ahaan Loogu Wada Hadli Karo

Facebook Oo Soo Kordhisay Qaab Koox Ahaan Loogu Wada Hadli Karo Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay kusoo darayso adeegyada ay bixiso ee Facebook-ga qaybo cusub oo sahli doonta in dad badani mar ku wada hadlaan Facebook-ga,iyaga oo afkaartooda isku weydaarsan doona . Qaabkan ayaa noqonaaya mid cusub,iyada oo laga isticmaali doono Messenger-ka,waxaanu fududaynayaa in ay dad badani sida Call Conference ka oo kale ugu wada hadlaan kuna kala qaataan warbixinaha,sidoo kalena ay ku galaan shirarka ,halka ay markii hore ku geli jireen habab kale oo ka duwan habkan. Calaamada Applications kan cusub ayaa la filaayey in arbacadii dhoweyd lagu soo daro Facebook-ga laakiin taasi weli may noqon mid suurtagasha ,iyada oo lagu jiro Process kii ama hanaankii loogu xidhaayey,waxaanay sheegeen masuuliyiinta Facebook in laga yaabo inuu saacaddaha ama maalmaha soo socda soo galo . Afhayeen u hadlaayey shirkadaasi oo la hadlay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay

Google Oo Ka Tallaabsatatay Shirkadda Apple Noqotayna Shirkadda Aduunka Ugu Qiimaha Badan

Google Oo Ka Tallaabsatatay Shirkadda Apple Noqotayna Shirkadda Aduunka Ugu Qiimaha Badan Shirkadda Alphabet oo ah shirkad la sameeyey sannadkii 2015ka si ay isugu ururiso shirkadda Google iyo dhammaan faracyadeeda oo ay u noqdaan hal shirkad ah, ayaa qiimayntii u dameeyey ee shirkadaha dunida lagu sameeyey ku noqotay shirkadda ugu qiimaha badan dunida oo dhan, kadib markii ay rubuc-dhammaadkii afaraad ee sannadkii 2015ka gaadhay guulo maaliyadeed oo aad u waaweyn. Shirkadda Alphabet saddexdii bilood ee u dambeeyey sannadkii 2015 waxa uu dakhligeed ugaadhay 21.3 Bilyan oo doolar, iyada oo faa’idadeeda saafiga ahina ahayd 4.9 Bilyan oo doolar, saddexaad bilood. Waxa aanay sidaas kaga tallaabsatay shirkadda Apple oo qiimaha ay suuqa ka joogtaa marayo 535 Bilyan oo doolar. Sida la xasuusan yahay markii ugu dambaysay ee shirkadda Google ay ka qiimo sarrayso shirkadda Apple waxa ay ahayd bishii Feebarweri ee sannadkii 2010ka, xilligaas oo labada shirkadoodba qiimaha ay suuqa

9faaido oo kaluunka salmon laga helo

faaido Oo Ku Jeclaysiinaya Cunista Kaluunka Nooca Loo Yaqaan Salmon Dhamaan waxaynu wadda ognahay sida xaqiiqda ah in wax kasta uu Allah (swc) uu abuuray ay xikmad iyo fa´iidooyin ay ku jiraan. Taas oo la rabo inaan si fiican uuga faa´iidaysano. Kadibna aanu Allah (swc) aanu uga shukrino nimcooyinka dusheena uu ku manaystay. Waxaan rabaa maanta inaan isla eegno faa´iidada uu kaluunku u leeyahay jidhkeena iyo walabi sida uugu wacan oo loo cuni karo. Inkastay kaluunada oo dhama ay wadda leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, inshaAllah week walbana kaluunada mid kamid ah ayaanu isla qaadaa dhigi. Balse maanta waxaynu ku bibaabanaynaa kaluunka loo yaqaan Salmon. Waana kaluunkan aad sawirka midig ka arkaysid. Muxuu u fiican yahay? Wuxuu u fiican yahay kaluunkan marlkeeda hore: Maskaxda Wadnaha Maqaarka Difaaca jidhka Lafaha. Vitamin D Waxaa uu leeyahay kaluunku dufanka looyaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican wax tarkana u leh

isku day inaa 10kan cunta aad isticmaasho oo aad jirkaaga iyo nafatadaba aad ku qurxiso (qurxi maqaarkaga aadoon qarash badan isticmaalin)

10 Cunto Oo Ilaaliya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka Jirka Weli ma isku dayday inaad isticmaasho waxyaabo loo adeegsado qurxinta maqaarkaaga oo misna kharash badan aad ku bixisay? Iminka waa waqtigi ugu fiicnaa oo aad joojin laheyd waxyaabahaas aan waxtarka laheyn waxyeello mooyee, aadna bilaabi laheyd cunto aad qaadaneyso maqaarkaagana siinaya qurux iyo caafimaad. Barbarooniga guduudan: waxaa la isticmaalaa isagoo karsan iyo isagoon karsaneyn labadaba, waxa uuna sitaa in ka badan 100% baahidaada maalmeed ee fatamiin C. Sidoo kale waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ka cuntada ku jira iyo fatamiin B6. Sidoo kale waxa uu qani ku yahay maadada carotinoid oo ka hortagta maqaarka inuu duuduub sameeyo isla markaana siyaadiyo wareegga dhiigga uu maqaarka ku imaanayo, taasoo dhalineysa in maqaarku u yeesho muuqaal dhalinyaronimo. Carotinoid ka ku jira awgii, barbarooniga cas waxa uu la dagaalamaa finanka wejiga ka so baxa ee loo yaqaan fin barbaarka. Barbarooniga cas waxa

cagaarshowga

Waai Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena? Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus). Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga. Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto dheer.  Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka. Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B? Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya  cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta