"ref_"; Skip to main content

siyaabo badan oo aad jirkaga ugu daryeeli artid ama ugu qurxin karto liindhanaanta

siyaabo badan oo aad jirkaga ugu daryeeli artid ama ugu qurxin karto liindhanaanta

Sida Jirka Loogu Qurxiyo Liin Dhanaanta

Liin dhanaantu waxay leedahay faa’idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarka dadka, kana dhigaya mid ifaya oo qurxoon.
Macdanaha iyo fiitaminada kujira  liin dhanaanta ee u wanaagsan maqaarka jirka waxaa ka mid ah, Vitamin C, Citric acid, Potassium iyo Lutein.
Dhaldhalaalinta iyo baabi’inta dildillaaca jirka:download (5)
isku dar Jaallaha ukunta iyo hal qaado oo saliid galley iyo liin dhanaan si fiican isugu qas kadib
wajiga saaro  markuu qalalo ku  dhaq biyo qandac ah, Qaabkaan wajiga ayay ka sifaysaa laablaabka iyo jeexjeexa
Baabi’inta finanka (Acne):download (3)
Waxaad  isku qastaa 1 ukunta cad ah , qaado barkeed malab ah iyo 1 qaado 00 liin dhanaan ah  kadibna wajiga oo nadiif ah saar, sug 15 daqiiqo markuu si fiican u qalalo biyo qandac iskaga mayr kadibna shukumaan nadiif isticmaal.
liin dhanaantu waa antibacterial oo waxay dishaa finanka iyo nabraha. Ukunta cad waxa ku jira fiitamino iyo macdan nafaqeeya maqaarka jirka, waxay siisa protein maqaarka jirka ka ilaaliya waxyeelada sidoo kale ukunta cad waxay la dagaalantaa finanka.
Caddeynta iyo dhaldhalaalinta: liin dhanaan_malab_caano
Isku dar 1 qaado oo caano ah 1 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah iyo 1 qaado oo malab ah, dhammaantood  si fiican iskugu qas. kaddib wajiga mari. sug 20 daqiiqo kadibna iska mayr. qaabkaan waxaad ka faaidaysaa dhalaal iyo qurux.

Sida loo Baabi’iyo madowga fuula suxulka iyo jilbaha:cusbo saliid liin dhanaanta
Waxaad isku dartaa 2 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah iyo 1 qaado oo saliid saytuun ah (olive oil) iyo koob barkiis cusbo ah si fiican iskugu qas kadibna mari suxulada iyo jilbaha. Maalin kasta ayaad samayn kartaa qaabkaan.
Caddeynta ilkaha:Baking-Soda-and-lemon
Waxaad isku qastaa qaado barkeed liin dhanaan ah iyo qaado barkeed kicisada burka ah/baking soda kadibna ku cadayso ilkaha, daqiiqad kadib ka luqluqo.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...