"ref_"; Skip to main content

3 Qaab Oo Loo Xaliyo Xamaasada Macaamiisha Xanaaqsan

macaamiisha xanaaqsanWaxaa jirra xaalado aad la kulmayso si lama filaan ah macaamil xanaaqsan oo tabanaya dhibaato, mar-marka qaarna ay dhacdo in qof ka maacaamilka uu yahay dad ka aan xakamayn karin shacuurtooda. Adiga dhan kaaga ujeedadu waxa ay tahay in aadan lumin qof kaa macaamilka ah iyo in aad ku qanciso adeega ama badeecada aad hayso.
NOQO QOF WANAAGSAN.
Marka aad wajahayso qof macaamil ah oo xanaaqsan, ugu horayn is deji adigu, ilaali erayada aad adeegsanayo si aad u qaboojiso macaamilka. Faham waxa uu dhibsanayo qof ka maacaamil ka ah , kuna talo gal in aad dareento dhibka haysta qof kaas adiga oo iska soo qaadayo in aad tahay sida macaamil kaa oo kale.
DULQAAD MUUJI.
Hadii qof ka macaamilka ahi rabo in uu qayliyo ama xanaaq iyo caro muujiyo, haku celin. Sababtu waxa ay tahay mar-marka qaar xanaaqa badan, qaylada iyo dareen uu muujiyo qof ka macaamilka ahi waxa ay banaanka u soo saartaa dareen xun iyo cuqdada ku jirta qofka. Waxaa dhacda in qof ku iskii u dego, caro baaba’o oo uu caadi noqdo marka waxa ku jirra ee xanaaqa ahi uu banaan ka u soo saaro. Adiga waxaa lagaa doonayaa in aadan caburin qofka macaamil ka ah iyo in aad muujiso naxariis iyo in aad dhagaysato. Way adag tahay markaa xitaa in qof ka oo xanaaqasan aad wax ka dhaadhiciso xitaa ay yahay mid fiican oo qof kaa macaamilka ah dani ugu jirto.
MUUJI XIRFAD.
arka qof ka macaamilka ahi iskii u dego, u caro baaba’o, waxa aad heli kartaa farsad aad kusoo bandhigto xal ama ilaa labo xal hadii ay suurtogal tahay adiga oo kala dooran siinaya qof ka macaamil ka ah tan isaga u fiican si aad u xaliso dhibka jira. Ujeedadu waxa ay tahay in qofka macaamilka ahi dareemo iqtiyaar uu ku kala dooran karo waxa uu rabo. Marna qofka haku ruuxin mid gaar ah iqtiyaar sii isaga.
W/Q: Abdulkadir Indo

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...