"ref_"; Skip to main content

maxaa ka taqaanaa canbaha iyo caafimaadka laga helo

Cambaha Iyo Caafimaadka Ku Jira

cambahaWebsite-ka Care 2 ee Maraykanka ah ayaa waxa uu soo bandhigey 8 faa’iido oo aad muhim uga ah caafimaadka oo geedka Cambaha laga helo kuwaasoo kale ah:
1: Waxa uu ka hortagaa kansarka
Cilmi-baadhis ayaa waxa ay muujisey in Cambaha ay ku kiraan maadooyinka antioxidant ee difaaca kansarka mindhiciraha, kansarka naasaha, kansarka dhiiga iyo kansarka kaadihaysta.
2:Waxa uu hoos u dhigaa heerka Cholesterol ka
Geedka Cambaha waxa ku jira maadooyinka nidaamyada dheef-ridiqqa oo heerarkooda aad u sareeyo iyo vitamin (C), kaas oo ka caawiyaa hoos u dhigista heerka cholesterol ee dhiigga.
3:Waxa uu buuxiaa daloolada jidhka ee weyn
Waxa Camabaha loo isticmaali kara jidhka dushiisa si loo buuxiyo daloolada waa weyn iyo baabi’inta finanka madow iyada oo jidhka la marinayo.
4:Waxa uu wanaajiyaa caafimaadka indhaha
Cilmi baadhis ayaa waxa ay muujisay hal koob oo camba ah oo la googooyay ayaa waxa ay wanaajisaa caafimaadka indhaha 25% sababtoo ah waxa ku jira vitamin (A) kaas oo indhuhu ay u baahan yihiin si loo xoojiyo aragtida iyo ka hortagta indho la’aanta habeenkii iyo engega/qalalka isha.
5:Waxa uu ilaaliyaa biyaha (alkaline) ka loo yaqaano ee jidhka ku jira kuwaasoo ka saara acida qulqulka dhiiga.
6:Waxa jirta cilmi-baadhis soo bandhigtey suurogalnimada in caleemaha cambaha lagu caawin karo dadka qaba macaanka qiyaasta heerka insulinka ee dhiigga.
7:Dheef-shiidka
Cambuhu waxa uu wanaajiyaa nidaamka dheef-shiidka sababta oo ah waxa ku jira maadooyinka nidaamka dheef-shiidka kuwaasoo kaa caawiya habka dheef-shiidka.
8:Waxa uu xoojiyaa habka difaaca jidhka.
Cambaha waxa uu xoojiyaa habka difaaca jidhka maxaa yeelay,waxa ku jira vitamin (C) iyo (A), iyo sidoo kale 25 kamid ah noocyada kala duwan ee maadooyinka loo yaqaano “Carotene”ka kuwaasoo u ilaaliya habka difaaca jidka si caafimaad qabta oo xoog badan.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi