"ref_"; Skip to main content

Google Oo Ka Tallaabsatatay Shirkadda Apple Noqotayna Shirkadda Aduunka Ugu Qiimaha Badan

Google Oo Ka Tallaabsatatay Shirkadda Apple Noqotayna Shirkadda Aduunka Ugu Qiimaha Badan

shirkadda googleShirkadda Alphabet oo ah shirkad la sameeyey sannadkii 2015ka si ay isugu ururiso shirkadda Google iyo dhammaan faracyadeeda oo ay u noqdaan hal shirkad ah, ayaa qiimayntii u dameeyey ee shirkadaha dunida lagu sameeyey ku noqotay shirkadda ugu qiimaha badan dunida oo dhan, kadib markii ay rubuc-dhammaadkii afaraad ee sannadkii 2015ka gaadhay guulo maaliyadeed oo aad u waaweyn.
Shirkadda Alphabet saddexdii bilood ee u dambeeyey sannadkii 2015 waxa uu dakhligeed ugaadhay 21.3 Bilyan oo doolar, iyada oo faa’idadeeda saafiga ahina ahayd 4.9 Bilyan oo doolar, saddexaad bilood. Waxa aanay sidaas kaga tallaabsatay shirkadda Apple oo qiimaha ay suuqa ka joogtaa marayo 535 Bilyan oo doolar.
Sida la xasuusan yahay markii ugu dambaysay ee shirkadda Google ay ka qiimo sarrayso shirkadda Apple waxa ay ahayd bishii Feebarweri ee sannadkii 2010ka, xilligaas oo labada shirkadoodba qiimaha ay suuqa ka joogaan ahaan jiray 200 oo Bilyan oo doolar, waana ka hor intii aanay shirkadda Apple soo saarin IPad kii u horreeyey, talefannadeedana uu ugu dambeeyey iPhone GS 3.
Kor u kaca shirkadda Google waxa uu la soo bilowday ku dhawaaqistii adeegga e-mail ka ah ee Gmail (Google Mail) oo helay macaamiil si firfircoon u isticmaala oo bil kasta tiradoodu ka badan tahay Bilyan ruux, taas oo macnaheedu celcelis ahaan u dhigmayo in qiyaas dadka dunida marka toddoba meelood loo qaybiyo ay meel ahaani isticmaasho GMAIL. Adeegyada kale ee Google ku horumaray waxaa ka mid ah, baadhista Google ka, barnaamijka Android, khariiradda Google, Google Chrome, You Tube iyo Google Play oo mid kasta dadka isticmaalaa ay ka badan yihiin Bilyan qof. Bishii May ee sannadkii 2015ka dadka isticmaala Gmail waxa ay tiradoodu dhaaftay 900 oo million

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...