"ref_"; Skip to main content

isku day inaa 10kan cunta aad isticmaasho oo aad jirkaaga iyo nafatadaba aad ku qurxiso (qurxi maqaarkaga aadoon qarash badan isticmaalin)

10 Cunto Oo Ilaaliya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka Jirka

Weli ma isku dayday inaad isticmaasho waxyaabo loo adeegsado qurxinta maqaarkaaga oo misna kharash badan aad ku bixisay? Iminka waa waqtigi ugu fiicnaa oo aad joojin laheyd waxyaabahaas aan waxtarka laheyn waxyeello mooyee, aadna bilaabi laheyd cunto aad qaadaneyso maqaarkaagana siinaya qurux iyo caafimaad.
Barbarooniga guduudan:barbarooniga guduudan
waxaa la isticmaalaa isagoo karsan iyo isagoon karsaneyn labadaba, waxa uuna sitaa in ka badan 100% baahidaada maalmeed ee fatamiin C. Sidoo kale waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ka cuntada ku jira iyo fatamiin B6. Sidoo kale waxa uu qani ku yahay maadada carotinoid oo ka hortagta maqaarka inuu duuduub sameeyo isla markaana siyaadiyo wareegga dhiigga uu maqaarka ku imaanayo, taasoo dhalineysa in maqaarku u yeesho muuqaal dhalinyaronimo. Carotinoid ka ku jira awgii, barbarooniga cas waxa uu la dagaalamaa finanka wejiga ka so baxa ee loo yaqaan fin barbaarka. Barbarooniga cas waxaa ku jira fiber qofka cunaa uu dareemayo dhereg muddo isagoo helaya kaloris yar.
Shukulatada madow:Dark chocolate maqaarka jirka
Shukulaatada madow waxa ay qani ka tahay antioxidants iyo fatty acids oo xoojiya korriinshaha maqaarka. Antioxidants ka ku jira shukulaatada madow waxa uu hoos u dhigaa qalleylka maqaarka kana hortagaa inay waxyeeleyso qorraxda. Sidoo kale cocoa oo inta badan lagu daro shukulaatada waxa uu dabciyaa xididada dhiigga isla markaana siyaadiyaa wareegga dhiigga taasoo keeneysa maqaar fayaaw. Haddaba haddii aad iibsaneyso shukulaatada madow iibso mid ay ku jirto cocoa ugu yaraan 80%  si aad uga fogaato kuwa lagu daro caanaha iyo sokorta.
Kalluunka Salmon:kalluunka salmon
Waa cunto aad ugu fiican la dagaallanka welwelka, cabsida, isku buuqa iyo walaahowga, waxa uuna jirkaada siinayaa inta badan baahida fatamiin D. Sidoo kale waxa uu ka hortagaa kansarka mindhicirrada waaweyn ku dhaca, cudurrada wadnaha iyo lafaha. Salmon waxaa ka buuxa dufanka nooca loo yaqaan Omega-3 oo aad ugu fiican la dagaallanka maqaarka duuduubma (miinta), fin barbaarka iyo xanuunka maqaarka. Cunitaanka salmon waxa uu madaxaada ka dhigayaa mid nafaqeysan waxa uuna xoojiyaa fayaabida timaha.
Saliid qumbaha:saliid qumbe
Waxa ay ka mid tahay ilaha ugu qanisan ee laga heli karo saliidaha nooca saturated oils loo yaqaan. Waxaa ku jira Lauric acid oo la dagaalama bakteeriyada iyo feyruusaadkaba. Sidoo kale saliid qumbaha waxa uu qani ka yahay fatty acids ka asaasiga ah iyo fatamiin E, kuwaasoo si heer sare ah uga dhiga maqaarka mid jilcan oo aan duuduub laheyn. Intaa waxaa dheer waxay aad ugu fiicantahay qanjirka thyroid ka la dhaho ee dhuunta ku yaal, isla markaana waxa ay caawineysaa hoos udhigidda miisaanka.
Shaaha cagaaran:shaaha cagaaran 2
Waxa uu leeyahay antioxidants iyo amino acid loo yaqaan L-theanine oo dabciya jirka islamarkaana yareeya welwelka. Marka uu kululyahay shaaha waxa uu sii daayaa catechins oo ah nooc ka mid ah antioxidants kaasoo la caddeeyay inuu ka hortago kansarka. Sidoo kale shaaha cagaaran waxa uu yareeyaa halista in qofka dhiig kar ku dhaco.
Koostada
Spinach_2337460b
waxa ay leedahay nafaqo badan oo aad ubaahantahay maalin kasta, waxa ayna ufiicantahay caafimaadka. Waxaa laga yaabaa inaadan jecleyn laakiin waa il muhiim ah oo laga helo feero, folic acid, fatamiin E, Magnesium, fatamiin A, fiber, protein iyo fatamiin C. Awoodda antioxidants ka ku jira awgood fatamiin C, E iyo A waxa ay si gaar ah u anfacayaan maqaarkaaga. Koostada waxaa ku jira antioxidants la dagaallama dhammaan noocyada kala duwan ee waxyeellada maqaarka ku dhaca. Markaad cunto koosto waxaad nadiifineysaa maqaarkaada adigoo kasoo bilaabaya gudaha.
Saladada ama ansalaatada:salad
Inteena badan waxba uma aragno saladada, balse waxaa ku jira fatamiin K. Sidoo kale waxa ay ka koobantahay macdanta uu ka mid yahay sodium, potassium iyo biyo, waxayna ka hortagtaa inuu jirku qallalo. Isku day inaad saladada isticmaasho maalin kasta ama ugu yaraan maalin dhaaf, haddii aad ka baqeyso calories, saladadu aad bay ugu yartahay calories ka.
Babaay:babaay2
Waa qudaar cajiib ah, waxa uu leeyahay faa’iidooyin nafaqeed oo aad u badan. Waxaa aad ugu yar calories (39 calories 100 ki garaamba) mana lahan wax kolistarool ah. Sidaa awgeed haddaad dooneyso inaad miisaanka dhinto babaayga cun maalin kasta. Sidoo kale waxaa ku yar sokorta nooca fructose la yiraahdo, waxa uuna aad ugu fiicanyahay dheefshiidka. Antioxidants laga helo waxaa ka mid ah: fatamiin C iyo E, beta-carotene.
Karooto:Fresh carrots
karootada faa’iidadeeda kuma koobna uun indhaha, balse sidoo kale maqaarkana waxbay u tartaa. Waxay si gaar ah ugu fiicantahay in maqaarku iska nadiifiyo burburka iyo unugyada dhintay, waxa ay leedahay fatamiin A waxa ayna ka hortagtaa in unugyo siyaado ah ka sameysmaan dabaqadda sare ee maqaarka. Faa’iidada kale waxaa ka mid ah fatamiin A waxa uu yareeyaa unugyada kansarka.
Cuntooyinkan qurbo.net kor ku xusay oo dhan ma cuni kartid maalin kasta, laakiin qaar ka mid ah isku day inaad isticmaasho. Isku day inaad ka fogaato cuntooyinka aan dheeli tirneyn, sokorta badan, dufanka miiran ah ama waxyaabaha warshadaha lagu sameeyo si aad u hesho jir fayaw iyo maqaar caafimaad qabo.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi