"ref_"; Skip to main content

Sidee Waqtiga Loo Qorsheeyaa

Sidee Waqtiga Loo Qorsheeyaa

Businessmen and Clock

“Bini’aadamoow waxaad tahay maalmo, mar kasta oo maalin tagto; badh kaa mid ah ayaa tagay” Xasan Albasri

Waqtigu waa nimco ka mid ah Nimcooyinka ugu qaalisan ee Illaahay (SWT) inoogu deeqay si aynu uga faa’idaysano, waana mid ka mid ah waxyaalaha Uu Illaahay inaga xisaabin doono Maalinta Qiyaame. Waqtigu waa cimriga qofka waana hantida kaliyaata ee aan la kaydin Karin. Saacad kasta oo ku dhaaftana waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso ama se waqtiga aad haysato si aad u noolaato, laakiin waxaad u baahantahay inaad ka faa’idaysato intaad neefsanayso.
Ma joojin kartid ama se waxba kuma dari kartid waqtigaaga laakiin waxaad awood u leedahay inaad ka faa’idaysato.
Waqtigaaga oo aad qorshayso waa noloshaadii oo aad qorshaysay. Nolol qiimo leh oo qaab qurxoon haddii aad rabtana waxa kaa xigta inta aad waqtigaaga qorshaynayso.
Maxaa Waqtiga Loo Qorsheeyaa?
Qof kastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho; oo uu noqdo mid waxtar leh laguna hirto.
Haddii aanad hawlahaaga iyo waqtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysaa!.
Noloshu dhammaanteed way qorshaysantahay, oo Aduunyada idil ahaanteedba Illaahaybaa qorsheeyey. Bal u fiirso ilbidhiqsigu waxa uu sameeyaa Mirir, Mirirkuna waxa uu sameeyaa Saacad, Saacaduna waxa ay samaysaa Maalin, Maalintuna waxa ay samaysaa Toddobaad, Toddobaadkuna waxa uu sameeyaa Bil, Bishuna waxa ay samaysaa Sanad, Sanadkuna waxa uu sameeyaa Qarniyo.
Haddii aad dayacday ilbidhiqsi ka mid ah waqtigaaga waxa aad dayacday qayb ka mid ah noloshaadii.
Waqtiga waxa loo qorsheeyaa in laga faa’idayso oo wax badan lagu qabsado laguna noqdo qof wax soo saar leh oo la tartami kara filkii, Ogoow Aduunyada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysaa inaad ku guulaysato Janno.
Si aad ugu guulaysato tartankaas waxaad u baahantahay inaad waqtigaaga qorshaysato.
Waxyalaaha waqtiga lumiya
1: Hurdada badan
2: Qorshayn la’aanta hawlaha
3: Waxyaalaha lagu madadaalo sida  Muuqbaahiyaha (TV), Social Media
( Facebook, Whatsapp, Instigram, Twitter), Gaymamka (Play station) IWM.
4: Firaaqada badan ee qorshaha lahayn
5: Hadaf la’aanta
6: La kulanka badan ee asxaabta lala qaato
7: Ka qaybgalka Xafladaha aan muhiimka ahayn
8: Ku hadalka Mobile-ka waqtiyo badan
9: Mashquulka badan ee aan macnaha lahayn
10: Qabashada hawlo badan mar kaliyaata
11: Isticmaalka Maandooriyayaasha sida Qaadka.
12: Caajiska
13: Mooganaanta macnaha nolosha iyo waqtigaba
Qaababka ugu wanaagsan ee loo qorsheeyo Waqtiga:
1: Faham: inaad fahamto dhibaatada kaa haysata qorshayn la’aanta waqtigu, waa talaabada ugu horaysa ee kuu sahlaysa inaad waqtigaaga qorshaysato. Haddii aanad ku baraarugsanayn arintaasna way adagtahay inaad ku kacdo ficil aad ku qorshayso waqtigaaga.
2: Qaado go’aan: hawl kasta marka la bilaabayo waxay u baahantahay inaad ka gaadho go’aan cad, marka aad ogaato dhibaatada ay leedahay waqtiga oo ka luma, waxay kuu sahli kartaa inaad ka gaadhi karto go’aan.
3: Tax Qorshayaashaada:  soo qaado Buug iyo Qalin oo fadhiiso meel bilaa buuq ah, qor oo tax dhammaan qorshayaashaada, ugu danbaya dooro saddexda hawlood ee aad rabto inaad qabato kana gun gaadho.
4: Jadwal maalmeed samayso: Jadwal maalmeedkaagu waa talaabada ugu way nee aad ku guulaysan karto taas oo kuu horseedi karta qorshe nololeed oo cad, Marka aad qorshaysato maalintaada waxa hubaal ah in uu toddobaadkaaguna qorshaysnaanayo, toddobaadkaagu haddii uu qorshaysnaadana Bishaada ayaa qorshaysnaanaysa, Bishaadu haddii ay qorshaysnaatana, Sanadkaagaa qorshaysnaanaya, Sanadkaagu haddii uu qorshaysnaadana, Noloshaadoo dhanbaa qorshaysnaanaysa. ( Mar kaliya ha isku dayin inaad hawlo fara badan qabato, ama aad deg deg isku badasho, waxay qaadanaysaa waqti ee u samir)
5: Iska ilaali qabashada hawlo badan mar kaliya:  inaad hawlo badan qabato waxay ku dhaxalsiinaysaa inuu waqti badan kaa lumo wax soo saarkaaguna hoos u dhaco, hawl kasta waqtigeeda sii oo mid kale ha u gudbin ilaa aad dhamaynayso.
6:  Is xisaabi:  In aad habeenkii marka aad sii seexanayso, is xisaabisaa waxay ku dhaxalsiinaysaa inaad ogaato natiijadii hawlgalkaaga, waxa kale oo aad ka helaysaa dhiirigalin, sidoo kale waxaad ogaanaysa xaddiga uu isbedelkaagu le’eg yahay.
7: Habeenkii Jadwal maalmeedkaaga sii samayso:  bar bilowga maalintu waa Salaada Subax, si uu kuugu fududaado hawl maalmeedkaagu, dajiso jadwal maalmeedkaaga habeenkii, inta aanad seexan ka hor, taasi waxay kuu sahlaysaa inaad subaxa marka aad kacdo hawlgakaaga aad ku gasho si xamaasadaysan.
8:  Aaamin:  haddii aanad aaminin inaad qorshayashaada ku guulaysanayso, col hortii ayaad jabtay, aaminaadu waa awooda ku dhaxalsiinaysa inaad hesho firfircoonida aad ku hawl galayso.
9: Ka dheeroow Caajiska:  Caajisku waa awood dilaha qof kasta oo uu haleelo, haddii aad qof caajisa noqotana hawlgal ma fulin kartid.
10: Talo saaro Illaahay: Dhammaan hawlahaaga Aduunyo waxa kuu sahli kara Illaahay (SWT) hawl kasta oo aad u kacaysana haddii aanad Illaahay talo saaran noqon mayso hawl midho dhal fiican leh.

Xamse Sicid Maxamed (Kuuriya)
Tudhaale, Tobabare iyo Qoraa ka faalooda horumarinta iyo tayaynta shaqsiyada

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi