"ref_"; Skip to main content

9faaido oo kaluunka salmon laga helo

faaido Oo Ku Jeclaysiinaya Cunista Kaluunka Nooca Loo Yaqaan Salmon

kalluunka nooca loo yaqaan salmon fishDhamaan waxaynu wadda ognahay sida xaqiiqda ah in wax kasta uu Allah (swc) uu abuuray ay xikmad iyo fa´iidooyin ay ku jiraan. Taas oo la rabo inaan si fiican uuga faa´iidaysano. Kadibna aanu Allah (swc) aanu uga shukrino nimcooyinka dusheena uu ku manaystay.salmon
Waxaan rabaa maanta inaan isla eegno faa´iidada uu kaluunku u leeyahay jidhkeena iyo walabi sida uugu wacan oo loo cuni karo. Inkastay kaluunada oo dhama ay wadda leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, inshaAllah week walbana kaluunada mid kamid ah ayaanu isla qaadaa dhigi. Balse maanta waxaynu ku bibaabanaynaa kaluunka loo yaqaan Salmon. Waana kaluunkan aad sawirka midig ka arkaysid.
Muxuu u fiican yahay?
Wuxuu u fiican yahay kaluunkan marlkeeda hore:
Maskaxda
Wadnaha
Maqaarka
Difaaca jidhka
Lafaha.
Vitamin D
Waxaa uu leeyahay kaluunku dufanka looyaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican wax tarkana u leh marka la barbar dhigo sida dufanka xoolaha. Omega-3 waa subaga ka dhasha marka galuunkan la dubo ama la shiilo. Dufanka ayaa waxaa ku jira walxo aad u caawiya ka hortga:
– Waxaa kujira protein aad u sareeya oo ka qayb qaata dhisida iyo isku dheelitirida cells ka jidhka oo dhan.
– Waxaa ku jira Marine omega-3 fatty acids, oo ka hortaga wadna xanuunka iyo xanuunada la xidhiidha wadna.
– Waxaa kale oo ku jira wax maadaayin u fiican kobcinta maskaxda. Taas oo kor u qaada , fahanka,xasuusta, iyo waliuba araga indhaha.
– Waxaa kujira kaluunkan Vitamin D, oo ka qayb qaada isku dheelitirka Calsium balance ee jidhka, vitaminkan oo caawiya markaa dhisida iyo daryeelka lafaha.
– Waxaa kale oo kujira Selenium oo ah maado muhiim ah oo ka qayb qaadata inay enzyme yada la dagalaama wixii nadiifinta chemical processes ee jidhka wax yeelo u .
Haddaba intaa qurbo.net kor ku soo sheegnay oo dhan waxaa  dheer in uu dufanka kaluunku ka qayb qaato:
– Dhisida difaaca jidhka
– Daryeelka timaha
– La dagaalanka in maqaarku ku qalalo
– Ka hortaga la dagaalanka xanuunka Cancer ka
Haddaba cilmi baadhistu waxay inoo sheegaysaa in uu kaluunka intaas oo faa´iido leeyahay ee ha moognaan inshaAllah.
Waxaa waliba fiican qofku ugu yaraan 3 cisho wiigii inuu cuno kaluun waliba noocayada dufanka badan leh.
InshaAllah halkan ka baro si yar oo fudud oo aad u karsan kartid cunto isku dheeli tiran oo uu ku jiro kaluunka Salmon
Baarka´Allahufiikum
xigasho Umm-Cafiifah

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...