"ref_"; Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2016

isha bini aadamka iyo daawadeeda

  aad ku garan karto in ill kugu dhacday iyo sidaad iskaga dawayn lahayd waxa lagu gartaa qofka ishu ku dhacdo 1: garaac wadnaha ah oo mar kasta xoog u shaqeeya ama waqtiyada qaar 2: ßaaßacooyinka gacmaha ama luga haa oo uu kulayl ka dareemo …… 3: qofka oo mar kasta madaxu xanuuno 4: qofka oo ka ßaqda guurka kana sii war wara … 5: hurdo la’aan 6: saska faraha ßadan ee haßeenkii 7: shaki fara ßadan iyo qofkoo ka fikira mar kasta waxa ku dhici doona ishu waxay saßaßi kartaa waxyaaßo ßadan waxanay keentaa xataa in qofku ku dhinto ishu waa laßa… mid aad garanaso cida ku ilaysay ama ku xaasiday …….. taasi waxa aad kaga bogsankartaa sida rasuulkeenu sheegay scw in biyo uu qofka ishu ka dhacday ku ways waystay ka ishu ku dhacday ku maydho! lkn hadaanad garanayn cid ay ishan kaaga dhacday waxad samaynasaa sidan! hadaßa adigaa quraanka isku akhriyi kara adoon cidkale u tagin lkn waa inaad waxii hore eed samayn jirtay ee ficilo xunxun ahaa aad joojiso …… ilaahayna aa

maxaa kataqaanaa daawooyinka gym ka

Gym-ka ama jimicsiga biraha la qaadqaado ama murqaha lagu dhiso waxay dhalinyarada qaar badan ay la qaataan daawooyin ay u aaminsan yihiin in ay murqaha dhisayaan, laakiin aqoon intaa dhaafsiisan ma hayaan, dhibaatooyinka ay ka dhaxli karaane ma oga. Daawooyinka badanaa loogu tala galay in laga gado dadka noocaan ahi, waxaa daawada baakadka ay ku jirto badanaa lagu soo sawiraa qof murqo waawayn leh, taasoo la rabo in qofka maskaxdiisa lagu abuuro fikrad ah in daawadaan ay saas murqaha ka dhigto, waxay kaloo isticmaalo khiyaano kale oo ah magacyada daawooyinka loo bixiyo oo qofka galinayo dareen qof awood leh ama ka sarreeyo ama ka wayn dadka kale sida mgacyada ah "Alpha, Max, Super, Power iyo kuwa kalaba", waa arrin aad fahmi kartid haddii aad u fiirsato. Laakiin talow daawooyinkaas maxay ka samaysan yihiin? Marka hore ogow in aysan jirin daawo geedo daaweed ah ama dabiici ah oo murqaha ka dhigayso sida sawirrada la socdo ka muuqdo, midda xigta daawada kaliya ee murqaha

hooyo kasto oo ilma nuujinayso waxa laga rabaa inay taladaan qadato

Sidee ku ogaan karaa in caanaha aan soo saaro ay ku filan yihiin ilmahayga ? Waa iska caadi in ay hooyo walbaa ka walwasho caano siinta ilmaha mar ay bilawdo naas nuujinta marka kaligaa ma ahan walwalkaan ,hooyoyin badan ayaa ka walwala inta ay dhanyihiin caanaha naaskeeda iyo in uu helo caano ku filan si u daboolo bahida koriinkiisa Sida oogu fiican ee aad ku ogaan karto inaad soo saarayso caano ku filan ilmahaaga waa ilmaha miisankiisa oo siyaado iyo heerka koriinka caadiga ah, waa iska caadi ilmaha yarka inuu lumiyo maalmaha yar ee ugu horeeya misaankiisa laakiin dib wuxu kordhaa miisankiisa 3-4 maalmood dhalashadiisa kadib waxaa caado ah ilmaha ama dhalaanka marka ay jogaan 14 malmood in ay dib ugu noqdaan misaankii marka ay dhasheen ahaayeen . Waxaa jira calamado kale oo aad ku karan karto in ilamahaaga yar uu helay caano ku filan sida: Naas nuujinta inaad ka dareento raaxo iyo xanuun la’aan. In ilmaha yar naas nuujintiisu noqoto 6-8 (lix ilaa sideed) jeer maalinkii iyo uu qanco

sabahah keen canna yaraanta naasaha

Hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naasahooda in ay ku yaryihiin ilmahooda, sababtane waxay tahay iyagoo aaminsan waxyaabo qaldan oo ay ku ogaadaan in caanaha ay yaryihiin ama ay badan yihiin. Tusaale ahaan, hooyooyinka qaar ayaa waxaa calaamad u ah in hadduu cunuggu dilqaynin in naasahooda caanaha ku yaryihiin. Hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in haddii naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso ay caano la’aan tahay. Qaar baa aamisan haddii naasaha culees aysan ka dareemin in caanaha ay ku yaryihiin. Intaasba waa qalad in wax looga qiyaas qaato. Ilaahay wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay, midda kale ma ahan macnaheeda in caanaha ay meesha ku jiraan markuu cunugga nuugane ay faaruqaayaan oo in ay soo buuxsamaan in loo sugo ay tahay. Haddii hooyadu ay caafimaad qabto, badanaa naasaheeda way ku jiraan caano ku filan cunuggeeda, way dhici kartaa haweenka qaar in ay caanaha naasahood ku yaryihiin waxaana lagu og

maxaa ku garan kartaa in dhiig yari ku hayso

casharkaan maanta waxaan kusoo qaadanayna cudur kamid ah cudurada ugu caansan ee aduunka gaar ahaan dhulkeena somaliya waa dhiig yaraanta ama aneamia. Dhiig yaraanta (Aneamia) anemiada micnaheedu Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama tirada heamoglabinta ku jirta unugyada cas cas ay ka yaraato dabiicigeeda . Hemoglabiintu waa curiye ay ku jirto macdanta birta oo loo yaqaan (Iron) tasoo dhiigga u yeesha midabka cas waxaana ay ogsijiinta ka soo qaadaa sambabada iyadoo gaarsiisa unugyada jirka. Markaa qofka Dhiig yaraantu haysaa inta badan waxay u keentaa inuusan jirkiisu helin Ogsijiin ku filan.taas oo ka dhigaysa qofka mid tacbaanimo iyo daal iyo tabar dari ka muuqato waxaana ay ku badantahay wadamada africada ee aanay kajirin wax daryeel caafimaad ah. Maxaa keena dhiig-yarida? Macdanta birta oo dhiigaada ku yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama adigoon cunin cunto nafaqo leh. vitmin yaraanta sida vitmin B12. Yaraanta hormoonka curiya samaysanka un

sidee unoqan kartaa qof laqadariyo oo lajecelyahy lana tixgaliyo

Qof kasta oo bani-adan ah oo ku nool dhulka korkiisa waxa uu xiiseeyaa inuu noqdo qof la jeclyahay , in la qadariyo oo la tixgaliyo goorta uu xiriir la sameeynaayo dadyoowga kale. Hadaba waxaa jirta qaab dadka aad kusoo jiidan karto oo ay kugu jeclaan karaan si aad u heshid tixgalin iyo jaceyl intaba :- Dhoola cadeey : Udhoola cadeey asxaabtaada aad ugu jeceshahay maxaa yeelay dhoolacaddeynta waxa ay kuu soo jiidaysaa wadnayaasha dadka ku jeclaan doona si sahlan oo dhib la’aan ah sida xadiiska nabiga naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee ( dhoolacaddeyntu waa sadaqo ) Ku bilow salaam qiimo leh : Wax ka wanaagsan majiro inaad salaan ku bilowdid qofkasta oo aad la kulmaysid maxaa yeelay salaanta qiimaha leh waxay badineysaa jaceelka ay dadku kuu qaadayaan Bixi hadiyado qaali ah: Hadiyadda waa dhaqanka ugu fiican eek a dhaxeeyn kara labo qof oo isjecel , sidoo kale waa dhaqan uu noogu dardaarmay nabaigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee inaan isu had

kobci tintaada alaabtaan isku ogow

Sida badan dad farabadan ayaa ka sheegta tima daadashada siiba marka ay qubaysanayaan ama ay jeefaan, waxay ku badan tahay arrintan haweenka, waxaana keena dhowr waxyaalood waxaa ka mid ah jirka oo waaya vitamiinada qaar sidoo kale adeegsiga daran waxyaalaha kimikaalka ka samysan, sida oomada badan ama saabuunta si xad dhaag loo isticmaalo, arrimahaas oo dhan way keenaan timaha inay kaa dhacaan, ragga qaarkooda bidaar ayaa ka soo baxda haddaba sideed timaha u ilaalin kartaa Waxaad isku daraysaa saliid Amla iyo saliid saytuun iyo saliid qumbe iyo saliid loos iyo khirwac (Castor Oil) iyo saliidda geedka jarjiirka , kaddib dabka ayaad saaraysaa waxaad ku daraysaa toon , kaddib waad marsanaysaa markaad qubaysato, waxaad arkaysaa timahaada oo xoog bixiyay oo sii kobcaya, waxaa kaa joogsanaya tima daadashada 

daawo dabiici ah oo tinta daadato loo helay faaidaysi wacan

Daaweynta dabiiciga ah ee timaha daadanaya  Timaha daadanaya  sida lagu daaweyn karo ayaa ah sidan : waxaa la isku daraa xabadsowdo iyo dhacaanka bagalka iyo hal qaaddo khal iyo nus koob saliid seytuun inta si fiican la isugu qaso, waxaa la marinayaa maalin kasta habeenkii kaddib waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah, TIMAHA MAXAA LAGU BADAIN KARAA  haddii aad arbto timaha inay si fiican koraan u bataan waxaad adeegsanaysaa saliid khirwac (Castor Oil) waxaad marsanaysaa usbuucii 3 jeer xigasho xidid warkamanta

waa hab fudud oo aad wajigaaga jacjaca uga bi'in kartid

nafaqo  waxay idiin soo bandhigeysaa hab fiica ii aad wajigaada uga ilaalin karto jactadka. haddaba haddad qodobada qaatadato ayaa dadka ku xeeldheer qurxinta waxa ay leeyihiin waxaa macquul ah inaadan dhaqso ku duqoobin. Casiirka tufaaxa (Apple juice) Tufaax ka samee casiir kaligii, kadibna wajiga marso wuxuu siiyaa wajiga nafaqo dabiici ah. Aroortii iyo habeenkii Avocado Avocado-da oo aad cunto waxaad ka helaysaa vitamin (A) wajiga oo aad saaro kadib markaad burburiso. Waxaad ka helaysaa faa’iido badan. Baqduunis (Parsley) 4 xidhmo oo baqduunis ah waxaad ku dartaa 1litir oo biyo ah, kadibna meel haboon dhin qiyaastii 24saacadood. Markaa kadib jidhka marso 2jeer maalintii kadibna ka qubayso. Saliid saytun iyo mishmish (Olive oil and apricot) Saliida saytuunku waxay jidhka ka bi’isaa jacdadka, meelaha uu jacdadka ku yeeshay jidhakaagu habeen kasta mari saliidan. Saliida mishmishku iyaduna aad ayey u fiican tahay. Habeenkasta wajigaaga mari kadib markaad wajiga soo nadiifisay. Tamaand

korikaanka ilmaa iyo miisaaanka kuhaboon iyo nafaqayntooda

Korniinka Dabiiciga Ee Ilmaha, Miisaanka Ugu Haboon Iyo Nafaqayntiisa Hooyo kastaa waxa ay u heellan tahay in ilmaheedu uu gaadho heerka dabiiciga ah, caafimaad ahaanna ku habboon korniinka carruurta, sida miisaanka saxda iyo in dhererkiisu noqdo mid si sax ah u socda, sidoo kale waxa ay waxa a jeceshay in ilmaheedu uu carruurta kale ka maskax iyo firfircooni badnaado, kagana fiicnaado waxbarashada, laakiin haddana inta badan waxa ay mooggan tahay qiyaasta saxda ah ee ay tahay in ilmaha caafimaadka qabaa ku socdo miisaan ahaan iyo dherer ahaan labadaba. Qormadan aynu ka soo ururiney barnaamij ka baxay talefishanka MBC iyo qormooyin kale oo caafimaad, waxa ay ka hadlaysaa heerar dhererka iyo miiisaanka dabiici ahaan saxda ku ah caafimaadka ilmaha. Miisaanka saxda ku ah xilliga dhalmada: Miisaanka ilmuhu marka uu dhasho noqonayaa waxa ay si aad ah ug uxidhan tahay nooca iyo xaddiga cunto ee ay hooyadu isticmaalaysay xilligii ay uurka lahayd, gaar ahaan saddexdii bilo

wa maxay nafaqada uu qofku ubaahanyahy

Maxay Yihiin Vitamins-ka Aan U Baahanahay? Waxaa mahad iska leh ALLAAH ,nabadgalyo iyo naxariisna Kan inta ALLAAH soodiray ugu sharaf badan korkiisa hayeelo, Nedigeena Muxammad, ahalkiisa, asxaabtiisa iyo qofkasta oo si fiican u raaca illaa Qiyaamaha. Intaa kabacdi Su’aasha ah “Maxeey yihiin vitamins-ka aan ubaahannahay? Jawaabteedu waa eey iska fududahay, oo waxaa waaye “Dhamaantood ayaan ubaahannahay”,waxaa yeelay midkasta oo kamid ah qeybaha kala gadisan ee aay Vitamins-ka leeyihiin wuxuu waxtar weyn uleeyahay qeybaha jirka, marka eey jirkeena kamaqan yihiin vitamis-ka waxaan dareenaa xaalad aan aheyn xaaladii aan ku sugnaan jirney ee caadiga aheyd sida:anagoo caajis farabadan,firfircooni la’aan,iyo jirkoo kunoqda sidii wax ku jabajaban oo kale. Xaaladaa cudurka ah een aan kor kusoo xusnay kana dhalatay Vitamin la’aanta ayaa waxaa loo yaqaanaa “Deficiency Diseases” VITAMINS-KA MAXEEY YIHIIN? INTEENA KAHELI KARNAA? Xaqiiqdii vitamins-ku waa sheeyo ama wax yaabo