"ref_"; Skip to main content

wa maxay nafaqada uu qofku ubaahanyahy

Maxay Yihiin Vitamins-ka Aan U Baahanahay?

vitaminsWaxaa mahad iska leh ALLAAH ,nabadgalyo iyo naxariisna Kan inta ALLAAH soodiray ugu sharaf badan korkiisa hayeelo, Nedigeena Muxammad, ahalkiisa, asxaabtiisa iyo qofkasta oo si fiican u raaca illaa Qiyaamaha.
Intaa kabacdi Su’aasha ah “Maxeey yihiin vitamins-ka aan ubaahannahay? Jawaabteedu waa eey iska fududahay, oo waxaa waaye “Dhamaantood ayaan ubaahannahay”,waxaa yeelay midkasta oo kamid ah qeybaha kala gadisan ee aay Vitamins-ka leeyihiin wuxuu waxtar weyn uleeyahay qeybaha jirka, marka eey jirkeena kamaqan yihiin vitamis-ka waxaan dareenaa xaalad aan aheyn xaaladii aan ku sugnaan jirney ee caadiga aheyd sida:anagoo caajis farabadan,firfircooni la’aan,iyo jirkoo kunoqda sidii wax ku jabajaban oo kale.
Xaaladaa cudurka ah een aan kor kusoo xusnay kana dhalatay Vitamin la’aanta ayaa waxaa loo yaqaanaa “Deficiency Diseases”
VITAMINS-KA MAXEEY YIHIIN? INTEENA KAHELI KARNAA?
Xaqiiqdii vitamins-ku waa sheeyo ama wax yaabo jirka aad ugu baahanyahay, uuna shaqeyn Karin la’aantood si jirka uu uqabto waxyaabo kala duwan oo asaasi ah. Meelaha eeynu ka heli karnana waa cuntada eeynu cunno.
Hadaba cuntadaa noola sheegay in aan ka dhex heli karno vitamins-kaa muhiimka ah, ayaa waxaa loo kala qeeybiyaa afar qeybood oo kala aha sidan soo socota:
1) Kooda Qudaarta (The Fruit and Vegetable group):qeybtan ayaa waxaa soo hoos galaya dhamaan wixii qudaar aha ama faakihaad ah ee bini aadamka cuno wax tarkana u leh sida:Karootada, Ansalaatada, Bagalka, Barbarooniga, Liimo banbeelmada iyo Dhanaantaba,Yaanyada,Tufaaxa ,Cinabka,Mooska, Cambaha,i.w.m.
2) Kooxda Miraha (The Cereal group): kooxdan ayaa iyana waxaa ka mid ah :miraha eeynu beerano sida:Galleeyda, taasoo eeynu kasameeysno soorta ,iyo wixii lamidka ah,Masagada oo iyadana aan kuba baaninaba qofka markuu jabo,ama lagu umulbixiyo dumarka Soomaaliyeed markeey dhalaan, anfaca eey ledahay darted.
3) Kooxda Hilibka (The Meat group): kooxdan ayaa waxaa hoos imaanaya hilibka xalaasha ah ee ALLAAH u baneeyey umadiisa, sida:hilibka doorada, Malaayga, hilibka Geela ,lo’da, iyo kan ariga iyo Idahaba, iyo dhamaan guud ahaan intii hilib leh ee Bad iyo barigaba joogta ee ALLAAH xaalaal kadhigey.Waxaa meeshan soo galaya Digirta oo laraacsiiyey qeybta hilibka. Dhinaca kale hilibka aan xalaasha aheyn masoo gali karo sida:kan Doofaarka oo kale ama hilibka baqtida ,maxaa yeelay ALLAAH waxa uu xaaraan kadhigaa waa wax dhib noo ah wax faa’iida ahine eeysan inoogu jirin.Dhaqtarada reer Galbeedka dib ayeey ka ogaadeen in uu cuduro farabadan keeno cunitaanka Hilibka Doofaarka.
4) Kooxda Caanaha (The Milk group): Kooxdan ayaa ayadana waxaa hoos imaanaya caanaha xoolaha sida:kuwa Geela ,Lo’da,Ariga, Idaha marka eey fareeshka yihiin iyo marka eey gasacadeeysan yihiinba . Marka qofka jirkiisa kama maarmayo in uu helo cunto isku dheeli tiran,si uu u helo taasna waxaa lagama maarmaan ah in uu qeyb ka cuno koox kasta oo kamid ah kooxaha aan kor kusoo xusney.Sidoo kale Qubarada cilmiga Nafaqada ee loo yaqaan “Nutritionists”ayaa ayaguna hoosta ka xariiqaya arintan.Cudurada ugu qatarsan ee kadhasha qofkoon helin cunto isu dheeli tiran ,ayaa waxaa ka mid ah :Nafaqo darada ama “Malnutrition”.
NOOCYADA VITAMINS-KA IYO MIDKASTA WAXA UU INOO QABTO
 Vitamin A: aan ku bilaabee wuxuu muhiim u yahay wax yaabo farabadan sida: koriinshaha qofka , araga qofka, in qofku yeesho maqaar caafimaad qaba, waxaa kale uu aad ugu fiican yahay daboolo farabadan oo jirka gudihiisa ku yaala.
Meelaha eeynu kahelno Vitamin-kan muhiih ka ah waxaa ka mid ah:Caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo, Ukunta, Qudaarta iyo faakihaadka.
Vitamin BVitamin-kan waxa uu inagu caawiyaa in tamar ama “Energy” laga helo cuntada si loogu koro, waxaa kale uu inagu caawiyaa in maqaarka iyo Nerves-keena eey noqdaan kuwo caafimaad qaba .
Waxaana eeynu ka heli karnaa :Miraha sida: Galleyda, Masagada , sidoo kale Caanaha, Qudaarta, Digirta, Lafta miraha ku dhex jirta ama Beerka miraha ,iyo Hilibka Lo’a.
Vitamin C: Vitamin-kanna waxaa uu ina siiyaa difaac aan kaga hortagno qaboowga, waxaa kale uu asaasi u yahay in qofku helo Ilko caafimaad qaba, Cirrid caafimaad qaba, waxaa kale ee uu uroon yahay Xididada dhiiga.
Waxaana kaheli karnaa :Qudaarta fareeshka aha iyo faakihada.
Vitamin D: Vitamin-kanna waxaa uu inaga difaacaa cudurka loo yaqaano lafa duqoowga ama “Rickets” kaasoo ah in qofka lafahiisa noqdaan kuwo aan wax tabar aha laheyn, qalqaloocsamana.badanaana ilmaha aan markeey yaryihiin aan helin usoo ban dhigin qoraxda waliba in ku fillan lugaha iyo gacmaha ayaa qalqaloocda waxana uu yeeshaa wax yaabaha Soomaalida eey u taqaan Kalajeedada, hongodyada i.w.m. waloow eey jiraan kuwo dhaxal ku yimaada .
Isha ugu muhiimsan ee laga helo vitamin-kan ayaa ah Qoraxda.Vitamin D-ga waxaa kaloo lagu diyaariyaa warshadaha Kiimikada, waxaana badanaa lagu daraa caanaha aan cabno ee gasacadeeysan.
Vitamin E: Vitamin-kan ayaa isagana waxa uu ufiican yahay Maqaarka, waxaa kale ee uu inagu caawiyaa Unugyada ama “Cells” jirkeena in eey koraan, iyo bogsooshasada dhaawacyada gaara jikeena.”Healing”
Vitamin K: Vitamin-kan oo ah midka aan kusoo gabagabeeynayo qoraalkeeygan ayaa isna waxa uu inaga caawiyaa in eey sameeysanto xinjiroowga dhiiga ama “ Blood Clotting” taasoo ah mid aad muhiim u ah, maaxaa yeelay hadii jirku dhaawacmo oo eeysan sameysmeeynin waxa layiraahdo xinjiroowga waxeey keeneeysaa in qofka u dhiigbaxo dhaawac yar oo aad u fudud, dibadeedna u dhinto.
GABA GABADII
Si marka qofka uu u helo Vitamins-ka aan kor kusoo xusney , waxaa aad u wanaagsan in qofku qaato ama cuno cunto isu dheeli tiran, taasoo helitaan keedu eey ku imaan karto in qofku wax ka cuno mid kastoo ka mid ah afartii qeybood ee cuntada kuwaasoo kor eeynu ku soo sheegnay.
Tixraac (Reference):
  • Heath Biology


Read more

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi