"ref_"; Skip to main content

maxaa kataqaanaa daawooyinka gym ka



Gym-ka ama jimicsiga biraha la qaadqaado ama murqaha lagu dhiso waxay dhalinyarada qaar badan ay la qaataan daawooyin ay u aaminsan yihiin in ay murqaha dhisayaan, laakiin aqoon intaa dhaafsiisan ma hayaan, dhibaatooyinka ay ka dhaxli karaane ma oga.

Daawooyinka badanaa loogu tala galay in laga gado dadka noocaan ahi, waxaa daawada baakadka ay ku jirto badanaa lagu soo sawiraa qof murqo waawayn leh, taasoo la rabo in qofka maskaxdiisa lagu abuuro fikrad ah in daawadaan ay saas murqaha ka dhigto, waxay kaloo isticmaalo khiyaano kale oo ah magacyada daawooyinka loo bixiyo oo qofka galinayo dareen qof awood leh ama ka sarreeyo ama ka wayn dadka kale sida mgacyada ah "Alpha, Max, Super, Power iyo kuwa kalaba", waa arrin aad fahmi kartid haddii aad u fiirsato.

Laakiin talow daawooyinkaas maxay ka samaysan yihiin?
Marka hore ogow in aysan jirin daawo geedo daaweed ah ama dabiici ah oo murqaha ka dhigayso sida sawirrada la socdo ka muuqdo, midda xigta daawada kaliya ee murqaha bararin karto waa daawooyin laga soo sameeyay hormoonkii raganimada ee eebbe ku abuuray jirka bini'aadanka oo si siyaado ah loo qaato, kaasoo eebe ugu talagalay marka hore in ragu muuqaal ahaan ay kaga duwanaadaan dumarka, sida in murqo ay leeyihiin in timo ay xabadka ku leeyihiin, in codkoodu uu ka waawayn yahay iyo waxyaabo kale.
Hormoonka ragga ee testosterone waxaa loo isticmaalaa kaliya caafimaad ahaan laba xaaladodd:
1- In hormoonka ragga ee androgen lagu badalo haddii la waayo.
2- In howshii hormoonka ay hoos u dhacdo kadibne kor loogu soo qaado.
laakiin looguma tala galin in murqo lagu dhiso.

Way jiraan dad u isticmaalo arrimaha aad sheegtay taas oo ah mid aan sax ahayn oo dhibaato badanne keeni karto.

Waxyaabaha ay keeni karto haddii la isticmaalo daawadaan adigoo u baahnayn waxaa ka mid ah:
  • Dhiig-kar
  • Kolostaroolka oo kaco
  • Hawlgabka wadnaha
  • Findoobka iyo biaar degeg ah.
  • Beerka oo dhawacma
  • Ragga oo naasa ka soo baxa.
  • Kacsiga oo yaraado iyo xaniinyahay oo shuuqo.
  • Soo saaridda shahwada oo yaraato
  • waxaa intaa sii dheer inuu keeno qofka oo dabcigiisa is badalo oo noqdo qof xanaag badan oo niyadiisa kacsan tahay mar walba.
  • Daawada oo jirka la qabsan karo oo qofka ku walfo.
  • Niyad jab daran oo qofka ku fakaro inuu is dilo.

Talo:
Qofkii raba inuu murqo helo ama jirkiisu adkaado, ha sameeyo jimicsi dhexdhexaad ah, cunno caafimaad leh oo isku dheelli tiranne ha cuno, ha iska daayo daawooyinka iyo kareemyada ganacsiga loogu tala galay, yaa lagu sirin qof kaa naxayo ma jiree.

xigasho soomalidoc.com

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka...

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa k...