"ref_"; Skip to main content

maxaa ku garan kartaa in dhiig yari ku hayso

calaamadaha dhiig yaraanta daryeel magazinecasharkaan maanta waxaan kusoo qaadanayna cudur kamid ah cudurada ugu caansan ee aduunka gaar ahaan dhulkeena somaliya waa dhiig yaraanta ama aneamia.
Dhiig yaraanta (Aneamia)
anemiada micnaheedu Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama tirada heamoglabinta ku jirta unugyada cas cas ay ka yaraato dabiicigeeda . Hemoglabiintu waa curiye ay ku jirto macdanta birta oo loo yaqaan (Iron) tasoo dhiigga u yeesha midabka cas waxaana ay ogsijiinta ka soo qaadaa sambabada iyadoo gaarsiisa unugyada jirka. Markaa qofka Dhiig yaraantu haysaa inta badan waxay u keentaa inuusan jirkiisu helin Ogsijiin ku filan.taas oo ka dhigaysa qofka mid tacbaanimo iyo daal iyo tabar dari ka muuqato waxaana ay ku badantahay wadamada africada ee aanay kajirin wax daryeel caafimaad ah.
Maxaa keena dhiig-yarida?
  • Macdanta birta oo dhiigaada ku yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama adigoon cunin cunto nafaqo leh.
  • vitmin yaraanta sida vitmin B12.
  • Yaraanta hormoonka curiya samaysanka unugyada dhiigga cas cas taas oo Keenta cuduro kudhaca kalyaha iyo kansarka
  • Unugyada cas cas oo sidooda u burbura sabab la’aan (Hemolytic aneamia)
  • Ku dhalasho cudur waxyeeleeya unugyada cas cas.
  • Cuduro kale oo badan kuwaas oo faafa kuna dhaca waxayna sababan dhiig yaraan.
  • Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga sameeya cudurkaas oo noqon kara kansarka dhiiga ku dhaca
  • Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa ruuxa dumarka ah.
calaamadaha lagu garto cudurkan dhiig-yarida
1: Daal iyo awood la’aan
2: Wareer
3: Neefta oo kugu xirmaysa
4:Wadno garaac
5: Madax xanuun
6: af xanuun
Cudurkan dhiig yarida waa noocyo badanyihiin waxaa kamid ah kuwo ay sababaan cudurada kansarka aidska kansarka lafaha iyo cudurka joogtada ah ee caabuqa iyo kuwo lamid ah
Aneemiyada hadii aan la daaweeyn waxey keeni kartaa in aneemiyada noqoto mid joogta ah ama waxey sababtaa geeri deg deg ah oo ku timaada qofka.

xigasho dayeelmagizin

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...