"ref_"; Skip to main content

Posts

qaybt labad ee magnesiyamka

Xagga dabayciga am cuntada waxaad ka heli kartaa cuntooyinkan hoos ku qoran sida : – Bocorka akhtarka ah – Midhaha gabaldayaha – Midhaha geedka soya – Digirta madow – Lawska Cashews ka loo yaqaan – Lawska Almond ka – Spinach – Dubaha oo looyaqaan Pumpkin – Midhaha sisinta ama macsarada – Baamiyaha – Boorashka – Muuska – Beans yada kala duwan iyo missirada kala duwan – Xumusta ama shumburada – Dark chocolate – Tamaadka cadceeda lagu qalajiyey – Waxyaabah caana laga sameeyo ee calsium ku badan yahay – Hadhuudh ama qamadiga madow (wholegrain) – Sea food – Kaluunka – Chia Seeds – Avocado – Kaluumada subaga badan – Beries yada kala duwan – Xabxabyada kala duwan – Rumaanka Dhamaan cuntooyikaas oo dhan iyo qaar kale oo badan waa waxyaabaha laga helo magnesium ka oo larab inayna ka maqnaanin cuntadaada. InshaAllah dadaal oo Rabbi sxw talao saaro, waad bogsan waanad gaadhi halka aad rabtid haddii uu Rabbi kuu qadaro. Halkan kala soco inshaAllah dhamaan vitaminada iyo minrals yada u

maxaa kataqaanaa madada magnesiyamka mnafaqo.blogspot.com

Magnesium waa nooc ka mid ah minerals yada muhiimka ah ee uu jidhku u baahan yahay. Waxay ka mid tahay anti-inflammatory minerals oo ka hortaga cuduro aad u fara badan. Magnesium waxa ay ka mid tahay qaar ka mid ah in ka badan 300 metabolic processes. Metabolic processes oo runtii ah erey bixinta guud ee habka kiimikada jidhku ay uugu badasho sida hawadda, cuntada iyo waxyaabaha kale ee nafaqooyinka anfacaad jidhku uu ku shaqeeyo.  Haddaba halkan waxaan ku soo gudbin doonaa inshaAllah : – Waayo bay muhiim u tahay qaadashada magnesium? – Sida lagu garto inay magnesium kaagu dhacsan tahay ama kaa maqan tahay – Maxay magnesium ka oo jidhka ka maqani ku keeni kartaa jidhka? – Ilaha kala duwan ee laga helo magnesium ka Maxay muhiim u tahay in ay magnisium jidhkaaga ka maqnaanin? Magnesium waxay muhiim uugu tahay lafaha sida calsium ka muhiim uugu yahay lafaha. Waxyaabo badani waxay tilmaamayaan dadka ay ka yartahay magnesium ka inay u soo dhuuman karaan sida xanuunada (osteopor

10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa

Asalaamo calaykum  Qofkii doonaa in uu kordhisto Raasamaalkiisa waxuu raadiyaa siduu ku kobcin lahaa oo ku badin lahaa sidoo kale qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa iyo isu daacadnimadooda marka waxaan soo qaadanaynaa :  10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa 1)  In ay is dhaafsadaan hadiyadaha xataa hadii ay tahay mid iska caadi ah, sida hal ubax oo aad saarto barkinta  Zawjkaagu  ku seexdo hurdada ka hor waxay leedahay  sixir  soo jiidasho aad cajiib u ah ama  Bidaaqad  yar oo midab leh oo aad ku qorto kalmado aad u macaan oo u qurux badan taasina waxay leedahay  raad reeb  aad ugu wayn dhinaca qalbiga,  Ninku markuu bixiyo qiimaha  hadiyada xaaskiisa  wuxuu kula soo noqdaa qiimahaas  waji furan oo faraxsan  oo uu ka arko xaaskiisa iyo  qosol macaan  oo uu ka arko bishmaha xaaskiisa, kalimad  mahadnaq iyo amaan  oo ay si wanagsan

dhibaatada dhafarka

Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan. Madame caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xiriirta hurdo la'aanta ama dhafarka habeenkii taasoo na dareensiineysa ahmiyada hurdada iyo faa'idooyinka caafimaad ay hurdadu wadato. Dhafarka habeenkii waa wax khilaafsan sunnadii eebe ugu tala galay bini'aadanka, eebe wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meel in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaqa, qofka bini'aadankane labaduba uusan ka maarmi karin. Fikrada khaldan ay dadku qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofka habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa'idadii hurdada helay. Taasi sax ma ahan, diraasado badanne waa laga diyaariyay arrintaas, waxaa la arkay in qofka biniaadanka jirkiisu uusan isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, habeenkii maadaama loo

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

muhiimada vatmiin d uleyahay hooyada uurka leh iyo ilmaha caloosha kujira

Daraasad cusub oo Mareykan ah ayaa sheegtay in quudashada cuntooyinka hodanka ku ah vitamin “D”gu inta hooyadu uurka leedahay ay yarayso halista in carruurta ay haleelaan cudurada, neefta iyo xasaasiyada. Cilmi baarayaal oo katirsan kuliyada dawada ee Mount Sinai ee dalka Maraykanka ayaa daraasad ay soo saareen ku sharaxay in vitamin “D”gu uu xiriir la leeyahay yaraynta halista haleelida xasaasiyada carruurta, taasoo lagu daabacay natiijooyinka daraasadooda majallada xasaasiyad iyo cilmiga habka difaaca. Kooxdan cilmi baarayaasha ah ayaa waxa ay daraasad ku sameeyeen 1248 hooyooyin ah iyo carruurtooda dalka Maraykanka laga bilaabo saddexdii bilood ee ugu horeeyay ee uurka ilaa ilmuhu ka gaarayay 7 sannadood da’ahaan. Cilmi baarayaashu waxa ay ogaadeen in badsashada quudashada cuntooyinkan inta hooyadu ay uurka leedahay uu xiriir ka dhexeeyo yaraynta xasaasiyada ilmaha “sanboor”ka, 20%. Sanboorku waa nooc ka mid ah xasaasiyadda, waxana uu ka dhashaa waxyaabo kamid ah deegaanka dibadda,

farso haleyay oo aad make upka uga kaaftoomi karto jikada aad oo isticmaal alaabtaan

Liin dhanaanta:  Casiirka laymuunka wuxuu ka midyahay dawooyinka dabiiciga ah ee lagu daweyn karo dhibaatooyinka maqaarka. Wuxuu qurxiyaa maqaarka wajiga, oo uu ka hortagaa jilciyaana dhibcahaa wajiga ka soo baxa. Casiirka laymuunka waxaad marisaa wajiga oo kuna daysaa daqiiqado, kadibna iskaga dhaq biyo diirimaad ah. Casiirka laymuunka waxaa kale oo uu ka tirtiri ilkahaaga midabka jaalada ah, saas daraadeed ku cadayo ama ku luqluqo maalin walba. Liinta macaan (burtuqaalka):  Si aad u heshid gacmo qurux badan oo jilicsan, waxaad marmarisaa gacantaada markaad awoodid diirka burtuqaalka, sababtoo ah wuxuu uyahay maqaarka qado dabiici ah oo siisa qurux. Mishmishka:  Waa faakiho ama furuut oo uu ku badanyahay fitaamiin (A), kaas oo muhiim aad ugu ah timaha. Wuxuu timaha udiidaa daadista. Canbaha:  Wuxuu xoojiya ilkaha oo uu qurxiyaa, sababtoo ah waxaa ka buuxa kaalshiyuum iyo fitamiin (A). Baqdoonis ( parsley; persille):  Si aad u heshid waji qurux badan oo iftiimaya ku dhaq w