"ref_"; Skip to main content

10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa







Asalaamo calaykum 
Qofkii doonaa in uu kordhisto Raasamaalkiisa waxuu raadiyaa siduu ku kobcin lahaa oo ku badin lahaa sidoo kale qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa iyo isu daacadnimadooda marka waxaan soo qaadanaynaa : 10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa
1) In ay is dhaafsadaan hadiyadaha xataa hadii ay tahay mid iska caadi ah, sida hal ubax oo aad saarto barkinta Zawjkaagu ku seexdo hurdada ka hor waxay leedahay sixir soo jiidasho aad cajiib u ah ama Bidaaqad yar oo midab leh oo aad ku qorto kalmado aad u macaan oo u qurux badan taasina waxay leedahay raad reeb aad ugu wayn dhinaca qalbiga, 
Ninku markuu bixiyo qiimaha hadiyada xaaskiisa wuxuu kula soo noqdaa qiimahaas waji furan oo faraxsan oo uu ka arko xaaskiisa iyo qosol macaan oo uu ka arko bishmaha xaaskiisa, kalimad mahadnaq iyo amaan oo ay si wanagsan u soo doorato gabadhaasi, faraxad iyo wanag ka muuqda guriga dhinacyadiisa oo dhan, gabadhuna waa in sidoo kale ay ninkeeda wax u hadiyadaysaa.
2) In ay waqti gooyaan ay isla fadhiistaan oo ku sheekaystaan markasta marka ay kala maqan yihiina ay telka isku waraystaan oo mid waliba kan kale ihtimaam ku siinaayo la hadalka kan kale, waxaana inoogu filan ku dayasho siduu rasuulku s.c.w u dhegaysanaayey Caa'isha r.c markay ka sheekaynaysay xadiiskii dheeraa
3) Is eegida iyo aragtida xanbaarsan jacaylka iyo iska helida , dareenka u dhexeeya labada qof ee is qaba kuma ega waajibaadka kaliya oo la guto ama is dhaafsasho kalmado xidhiidh wanaagsani ah oo lays dhaafsado ee intaas waa ka badan tahay oo waxaa ka mida ishaarooyin aan hadal lahayn oo wajigu cabiro ama u dhicida sowtku muujinaayo ama ay tilmaamayso eegidu, waxaas oo dhami waxay dherjiyaan jacaylka iyo naftaba ee ma ogyihiin labada is qabaan fanka hadalka indhaha ? iyo fanka ka-hadalka nabrat sowtka iyo fanka hadalka malaamixa wajiga ? imisa ayaa ogsoon fanka hadalka indhuhu yihiin sixir ku dhaca qalbiga..
4) Marka uu baxaayo oo aad si wanaagsan u sii macasalaamayso iyo marka uu soo noqdo oo aad si aad u diiran oo wanaagsan aad u soo dhowayso oo u marxabayso, sidoo kale markuu dhoofayo ama ka soo noqonaayo dhoof iyo markaad taleefon kula hadlaysoba
5) waxaa wanaagsan ninku in uu xaaskiisa amaano oo dareensiiyo in uu ilaa xad u jecel yahay, ninkalena eegidiisa uga masayrayo jacaylka uu u qabo dartiis sidoo kale in aanu waligiis gabadh kale la simin ama ku hor amaanin..
6) waxaa muhiim ah in lamaanaha is qabaa ay shaqooyinka wada qabtaan iyaga oo ku kor sheekaysanaya ama ku kor kaftamaaya sida hagaajinta guriga, cuntada oo uu la kariyo ama la joogo marka ay karinayso, ama hawlaha ilmaha oo ay wada sameeyaan ama in ay isla qoraan waxyaabaha guriga looga baahan yahay iyo waxkasta oo ah hawlaha fudud ee guriga, taas oo sabab u noqota wada kaftan fara ka cayaan yar iyo dhisid xiriirka iyo jacaylka lamaanahas.
7) Kalimada wanaagsan ama cabiraad kalmado diiran oo jilicsan oo muujinaya jacaylka gabadhu u qabto ninkeeda ama in ay tusto ama-ba ninku tuso in "guurkiisa/ guurkeedu" yahay nimco ilaahay siiyey waxay la mid tahay jacaylka labada is qaba...
8) In ay samaystaan waqti ay wada fadhistan oo sheekaystan si haadi/danaasho ah, kaas oo uu soo dhexgalayo kaftan iyo qosol iyo faro ka cayaar, kaas oo ka fog waxkasta oo keenaya dhibaato iyo sidoo kale qaylada caruurta ama is qabqabsigooda, taas oo ku fiican in gabadhu seexiso caruurta waqti hore kadib gurigi oo nadiif ah oo udgoon, ay la sheekaysato oo la faraka-cayaarto saygeeda, kaasina waxuu keenaa midho jacayl, isu soo dhowaad iyo jacayl lamaanaha dhex mara....
9) Miisaamid ogolaansho iyo diidid : wasiiladan waa mid muhiim ah taas oo ah in aadan waxkasta inta ilawdo qofkii kaliyi kuu muuqan, oo xataa cibaadadii ilaahay kugu lahaa adan ilaawin, oo shaqadaadu bas noqoto qofkaas, sidoo kale aanay noqon diidin oo aad qofkii kale ka tagtid isaga dhan oo aadan dhihin xaalkaygu keliya waa cibaado iyo haawlaha kale, isa siintaas xad dhaafka ah oo aad ku xad tagto jacaylkaas waa la nahiyey, waxuuna arinku u baahan yahay in ogolaanshahaas iyo diididaasiba caqli badani , fakar dheer iyo xeelad, taas oo aad ku dadaalayso qiyaasta ogolaanshaha iyo diidida, ogowna labadaasba xadgudubkoodu waxuu keenaa in uu jacaykii labada qof ka dhexeeyey dilo oo uu baabiyo, taasna waxay keeni kartaa mashaakil badan oo dhex mara labada is qaba.
10) Waa in labada qof ee is qabaa haday dhibaato ku timaado ay isla xaliyaan oo dhibkaas ku dhacay ay ka qaadan xoog iyo jacayl,dabaylahaasina aanay ku keenin reerkooda gil gilasho sida haday gabadhu xanuunsato oo kale, taas oo noqonkarta mid macnawi ah/ moraal ahaan ama mid la taaban karo oo ah wax qabad, amaba ninka oo waxuun ka xanaaqsan oo uu u baahan yahay naxariis iyo hadal wanaagsan oo jilicsan,iyo qof is garab taaga oo ka fududeeya arintas dhibaysa, ogowna marka aad ka xanuunsato xanuunka qofka kale waxuu dhaliyaa midhaha ugu wayn ee xidhiidhka iyo jacaylka labada is qaba waxuuna ka yeelaa labada isugu dhow oo isugu jecel midkoodba kan kale ...
Wallaaahu muwafaq 

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...

"Spreading Joy, One Handbag at a Time: My Kate Spade Obsession"

Spreading Joy with Kate Spade New York Hey, friends! Are you ready to add a pop of color and a dash of whimsy to your daily life? I'm thrilled to share with you my latest obsession: Kate Spade New York! _A Brand That Embodies Joy_ Kate Spade New York is more than just a brand - it's a lifestyle. It's about embracing the playful, the colorful, and the unexpected. From stylish handbags to chic accessories, Kate Spade New York's designs are sure to put a smile on your face. _Timeless Designs with a Twist_ What sets Kate Spade New York apart is its unique blend of classic sophistication and modern playfulness. Each piece is carefully crafted to add a touch of personality to your outfit, making you stand out from the crowd. _Treat Yourself to a Little Kate Spade Magic_ Ready to experience the joy of Kate Spade New York for yourself? Click the link below to explore their latest collection: https://shopstyle.it/l/clrdU Happy shopping, and don't forget to spread a little jo...