"ref_"; Skip to main content

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE








Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor.
Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado.
Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda.
Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu daaweeyo dheefshiid xumada, shubanka iyo calool majiirka, Waxaana ku jirta dhagayaraha maado u eg aashitada caloosha laga helo oo ka qeb qaadato shiididda cunnada iyo la dagaalanka bakteriyada caloosha.
Cilmi baarayaal ayaa waxa ay ogaaden intii ay ku howlanaayen baarista dhagayaraha in kansarka ku dhaca sanbabada iyo maqaarka uu dilo unugyada jirka sidaa awgeedne loo adeegsado dhagayaraha ka hortaga kansarka labadas nooc, sidoo kale baarista ayaa waxay sheegaysaa in ka hortag fiican u yahay kansarka ku dhaca caloosha, maadaama cunnoyinka sumaysan kansarka u keeni karo.
Sidoo kale dhagayaraha waxaa uu faa’ido uleyahay dejinta maskaxda, kordhinta xasuusta iyo furista codka oo xirma, wuxuu kale uroonyahay xibnaha oo dhan, sableyda, caloosha, kaliyaha, beerka, beer yaraha iyo xibnaha taranka waa markii lagu daro caanaha geela, sokorta hoos ayuu u dhigaa dhiigana guntun guntun ayuu ka ilaaliyaa.
Daraasad la sameeyay waxaa lagu sheegay in uu dilayo bahalada Caloosha gala sida goryanada iyo bagteriyada sido kale daraasada waxay sheegtay qofka markuu fuuqbaxayo hadii lasiiyo inuu joojiyo fuuqbaxa, waxaa kalo dajiyaa neerfayaasha habeenki hadii lacabo hurduu keenayaa adigo ka isticmaalyo koob biyo kuluul la dhig malgcad dhagayaro shiidan malintii seddex jeer cab.
F.G: faa’idoyinka faraha badan ee lagu shegay waxay ku jiraan saliidisa oo safi, isago cadi ahna waad isticaali karta.

Popular posts from this blog

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...