hurdo bisha ramadaanDhakhaatiir caalami ah, ayaa soo jeediyey in qofka soomman u baahan yahay bisha Ramadaan hurdo dheeraad ah maalintii, gaar ahaan inuu waqti yar indhaha isku qabto si uu u nasto. Qofku inuu hurdo ku filan helo waqtiyada habeenkii inta Ramadaanta lagu jiro waxay faa’iido u tahay inuu cibaadiisa sii wato, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu. Dr. Maxamed Rafique oo ah Madaxa Xannuunada guud iyo daawanta hurdo xumida ee Cusbitaalka Prime Hospital ee magalada Dubai, ayaa u sheegay wargeyska Gulf News ayaa in hurdada dheeraadka ah ee bisha Ramadan amma nasashadu ay faa’iido u leedahay caafimaadka qofka. “Ugu yaraan in qofku seexdo afar saacadood iyo badh ilaa shan saacadood ka hor suxuurta iyo dhawr saacadood kadib waxay u fiican tahay caafimaadka iyo soonka qofka,” ayuu yidhi Dr. Rafque. Dhakhaatiirtu waxay intaa ku dareen in 30 daqiiqo oo hurdo yar ah oo qofku helo maalintii ay awood badan geliso, jidhka iyo maskaxduna ku nasato. Dr. Rafique waxa uu