"ref_"; Skip to main content

7farsamo oo haweenka masar isku qurxiyaa





Hubaashii, dhammaanteen waxaan maqalnay Kiilopatra oo ahayd haweeneydii ugu quruxda badneyd iyo is qurxinta waddanka Masar, taasoo ay damceen boqoro iyo taajiriin waaweyn quruxdeeda awgeed.

Ma og tahay oo ma la socotaa in Kiilopatra ay ku qubeysan jirtay caano si ay u hesho maqaar aad u qurxoon?

Haddaba haweenka Masaarida ayaa si gaar ah waxay leeyihiin hab ay isku qurxiyaan oo yaab leh, taasoo la aaminsan yahay inay ka dhaxleen boqoradii hore ee ka talin jiray Masar.

Sii Aqri: 6 Hab oo aad Miisaanka Isaga Dhimi karo Bisha Ramadaan

Sidaas darteed waxaa lamaane.net uu idinla wadaagayaa xeelado muhiim ah oo isqurxinta ku saabsan oo u gaar ah reer Masar, qaarkood ayaa fudud balse waxtar fiican leh, gaar ahaan qofka doonaya in jirkiisu uu yeesho muuqaal qurxoon.

Haddaba waa kuwaan xeelado dhowr ah oo aan ka diyaarinay habka is qurxinta reer Masar, waxaana ka mid ah:

Sirta is qurxinta 1aad
Dumarka reer Masar, waxay dacarta u isticmaalaan qurxinta jirka iyo timaha, waxaana la og yahay faa’iida dacartu ay u leedahay timaha iyo maqaarka.


xeel1

Sirta is qurxinta 2aad
Dumarka Masaaridu waxay isku daraan malab iyo caano oo ay u adeegsadaan mask jirka ah ka hor inta aysan qubeyska aadin, waxay marsadaan caanaha iyo malabka ay isku dareen, waxayna sugaan dhowr daqiiqo illaa waxyaabahani ay si rasmi ah u qooyaan jirkooda.




xeel4

Sirta is qurxinta 3aad
Halkii ay ka isticmaali lahaayeen kiimiko gaar ahaan timahooda, waxay dumarka reer Masar isticmaalaan caanaha qumbaha iyo subaga la yiraahdo shea butter, waxayna ku qurxiyaan timahooda

xeel2




Sirta is qurxinta 4aad
Haweenka reer Masar waxay rumeysan yihiin in jirka oo lagu rugo biyaha iyo cusbada badda ay ka caawineyso inay meesha ka saaraan lakabyada unugyada dhintay ee maqaarka kadibna ay jirkaaga ka dhigayaan mid dhalinyar oo ifaya.

xeel5


Sirta is qurxinta 5aad
Dumarka reer Masar waxay aaminsan yihiin in cabitaanka shaah fenugreek ama jirka la marsado mirihiisa inay jirkooda ka dhigi karto mid caafimaad leh oo qurxoon.

xeel6



Sirta is qurxinta 6aad
Si aad ugu muuqato dhalinyaro oo aad uga hortagto astaamaha waayeelnimada sida laalaabka wejiga iyo qoorta, haweenka reer Masar waxay isticmaalaan saliida lowska oo ay wejiga marsadaan, iyadoo saliidda lowsku ay jirka kala fidiso, kana hortagto astaamaha duqnimada.




xeel8

Sirta is qurxinta 7aad
Dumarka reer Masar, waxay ciddayaha ku qurxiyan cilaan, qaarkoodna timaha ay marsadaan, halka kuwo kalena ay faruuryaha, iyadoo sunniyaha iyo baararkana ay ku quruxsadaan saliida lowska oo la gubay.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi