"ref_"; Skip to main content

waa maxay halisya daawada jilcisadaa






Waa maxay halista daawada tinta lagu jilciyo?
Daawooyinka timaha lagu jilciyo ee la marsado ma ahan wax caafimaadka u roon yar iyo weynba.
Baaritaanno badan oo lagu sameeyay daawooyinkaas oo 
kuwa ugu caansan badanaane lagu sameeyo dalka Brazil, waxaa lagu arkay in ay ka buuxdo maaddo la dhaho "Formaldehyde" oo si dhab ah loo ogyahay in ay ka mid tahay waxyaabaha kansarka keeno.

Formaldehyde ama "Formalin" waxaa loo adeegsadaa in meydka jirkiisa lagu ilaaliyo si uusan isku badalin, waxaa aad logoa isticmaalaa meelaha meydadka lagu kaydiyo ama shaybaarrada iyo iskuulalda caafimaadka ku tababarto meydadka waxbarashada loogu tala galay.
Waxaa la arkay in dadka ka shaqeeyo meelaha meydadka lagu xanaaneeyo in lagu arkay in uu ku batay kansarka dhiigga iyo kansarka maskaxda, sidaasne ku timid in suntaan lagu billaabo baaris, kadibne doolliyaal lagu baroobeeyay la arkay in ay kansar ku riday.
Sidaas awgeed dadka ka shaqeeyo meelahaas aad ayay iskaga ilaaliyaan iyagoo gacmaha iyo afka ku xirto qalab aanan soo gudbin karin suntaan.

Jilcisada titna waa daawooyinka tinta loogu isticmaal badan yahay wadamada Africa, cilmibaaris lagu sameeyay daawooyinkaas ee la soo gabagabaeeyay sanadkii hore, wadanka South Africa, waxaa la arkay 6-da kareem ee ugu badan kuwa la isticmaalo wadamada Africa in ay ku jiraan qadar aad u badan oo suntaas ah in laga helay.

Maadaama maadada "formaldehyde" la arkay in tinta ay taagto xittaa marka ay qoyan tahay, ayaa waxay shirkadaha si xad dhaaf ah ugu daraan jilcisada, waana sababta keentay in daawooyinka wadanka Brazil lagu sameeyo ay aad suuqa u soo galaan.

Qaabkee ayay u shaqeysaa Jilcisada?
Tinta wuxuu eebbe ka abuuray maaddo la dhaho "keratin", dadka tinta adag maadadaas way isku tixan tahay oo uma kala dhaxeyso meelo banaan oo waxaa isku haya waxyabo eebbe ugu talagalay oo aad u adag, daawada jilcisada waxay kala jibisaa waxaas isku haya si ay u samaysmaan "spaces" ama meelo banaan, sidaas darteed tintii taagnayd waxay u ekaanaysaa wax jilcan.
Maadaama suntaan formaldehyde ay awood u leedahay in ay shaqadaas si sahlan u qabato ayay shirkada u door bidaan.

Waa maxay dhibka maadada "Formaldehyde"?
Kiimikadaan sunta ah waxay keeni karaa xasaasiyad jirka ah, haddii la neefsadane sanbabada ayay u gudbi kartaa oo dhaawac gaarsiin kartaa, waxayna isbadal ku samaysaa unguyada oogada waana qaabak ay kanskarka ku keento.

Waxay shirkadaha qaar ay sheegaan in haddii kiimikada ku jirto daawada jilcisada aysan ka badnayn 0.2% dhib uma keento caafimaadka qofka, laakiin cillada jirto ayaa waxay tahay sidee ku ogaanaysaa in cabbirkaas ay ku jirto ama in aysanba ku jirin.

Talo:
Waxaan kula talin lahaa dadka adeegsado waxyaabahaan ama u mariyo caruurtooda in ay ka digtoonaadaan, xittaa dadka ka shaqeeyo waxay dhakhaatirita kula taliyaan in ay halis ugu jiraan kansarka sambabka maadaama ay neefsanayaan suntaas si joogto ah.
Caruurta yaryar way kaga nugul yihiin waxyaabaha jirka saameeyo sidaas awgeed ogow in aad caruurtaada dambi ka galaysid alle kugula xisaabtami doono adigoo og khatarta daawooyinkaan aad u marinaysid.

Ka dhiiibo ra'yigaaga:
Waan jeclaan lahaan in hablaha ku xiran boggaan ama akhrisnaya qoraalkaan in ay ra'yigooda ka dhiibtaan arrintaan ama haddii khibrad hayaan nagu soo kordhiyaan.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...

qaab noocee ah ayaad jirkaga uladhaqantaa xiliga qurxiyo iyo nafaqaynta siiba wajiga

Sidaynu ognahay wajiga banii aadamka wuu ka jilicsan yahay jirka intiisa kale haba ugu horeeyaan dumarka, waayo wajiga wa jir markasta wax la mariyo siiba dumarka, haddaba waxaa jirta in wajigu qaato jeermiska iyo wasakh da ugu badan kuwaas oo ka soo raaca gacmaha iyo hawada Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Soomaalida siiba dumarku waxay ku meyrtaan wajiga saabuun ama (shower Gel) kadib qofka waxa uu u heystaa in ay intaa kaga dhamaatay meyristii wajiga haddii qofka waqtiga uu qubeysanayo uu na meyrayo jirkiisa oo dhan ee uu ka soo baxayo baafka uu sameeyo si uu u ogaado wasakhada iyo jeermis ka wajigiisa ku harsan waa in uu soo qaato suuf (cotton pads) wuxuu ku shubayaa biyo yar oo milix leh, ama liin dhanaan wuxuuna ku xoqayaa wajiga waxuu arkayaa suufkii oo noqday yeeshay midabka bunniga kana tagay cadaankii waxaasina waa (dead dirty skin cells) oo ay la socdaan wasakh iyo jeermi. Had iyo jeer waxaa aad u haboon in marka aad wajiga taabaneyso dumar iyo rag ba marka hore waa in aa...