"ref_"; Skip to main content

hurdo intee le egbuu qofku ubaahanyahay bitsha ramadaan























hurdo bisha ramadaanDhakhaatiir caalami ah, ayaa soo jeediyey in qofka soomman u baahan yahay bisha Ramadaan hurdo dheeraad ah maalintii, gaar ahaan inuu waqti yar indhaha isku qabto si uu u nasto.
Qofku inuu hurdo ku filan helo waqtiyada habeenkii inta Ramadaanta lagu jiro waxay faa’iido u tahay inuu cibaadiisa sii wato, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu.
Dr. Maxamed Rafique oo ah Madaxa Xannuunada guud iyo daawanta hurdo xumida ee Cusbitaalka Prime Hospital ee magalada Dubai, ayaa u sheegay wargeyska Gulf News ayaa in hurdada dheeraadka ah ee bisha Ramadan amma nasashadu ay faa’iido u leedahay caafimaadka qofka.
“Ugu yaraan in qofku seexdo afar saacadood iyo badh ilaa shan saacadood ka hor suxuurta iyo dhawr saacadood kadib waxay u fiican tahay caafimaadka iyo soonka qofka,” ayuu yidhi Dr. Rafque.
Dhakhaatiirtu waxay intaa ku dareen in 30 daqiiqo oo hurdo yar ah oo qofku helo maalintii ay awood badan geliso, jidhka iyo maskaxduna ku nasato.
Dr. Rafique waxa uu hoosta ka xarriiqay in dadka badankoodu hurdo fiican aanay Ramadaanta helo, halka qofka hurdo ku filan helaa aannu xannuun iyo dhib dareemin inta uu soomman yahay, waxaannu soo jeediyey in cuntada badan ee habeenkii xilliyada dambe la cunayo la iska yareeyo si aana hurdada uga carqaladayn, isagoo xusay in cuntadaasi kor u qaaddo aysiidha jidhka amma dhuumaha cuntada, kadibna qofka uu ku dhaco laab jeexan keena hurdo la’aan.
Dr. Babu Shershad oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka Dubai, ayaa sheegay in saacadaha hurdo ee dadku u baahan yihiin la khalad fahmo, waxaannu yidhi; “Jidh kastaa waxa uu u baahan yahay hurdo ku filan, taasoo ku xidhan sida noloshiisu tahay hadba. Dadka qaar baa u baahan siddeed saacadood, halka kuwo 3 amma 4 saacadood ku filan tahay oo habeenkii ah.”


Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER

TOP 2 LEGIT & PROVEN WAYS TO MAKE MONEY ONLINE NOW & FOREVER I’m going to show the best ways to earn money online that I’ve tried and earned money from, these business ideas are a perfect fit for anybody whether you’re a college student, a housewife, or a regular employee. Also, the sky is the only limit when it comes to your earning’s potential. You have to only dedicate some consistent work and patience, which is the key for every successful online business, and you’ll see good results. If you have a laptop and an internet connection, then you’re very eligible to make money online! 1-AFFILIATE MARKETING Affiliate Marketing is simply promoting other people’s products and services and earning commissions whenever someone signs up or buys the product/service. You can literally make unlimited revenue through affiliate marketing depending on your marketing skills and your blog’s traffic. You can for example write some tutorials or comparison guides and link to your affilia...