"ref_"; Skip to main content

10 hab oo kuu saamaxaya in timahaagu ay dhaqso u baxaan

10 hab oo kuu saamaxaya in timahaagu ay dhaqso u baxaan


10 hab oo kuu saamaxaya in timahaagu ay dhaqso u baxaan
RELATED POST

Cayilka (Buurnaanta) oo la ogaadey in ay Nafaqo Darro keento, (Daraasad)
3 Xeeladood oo ku saabsan Cunooyinka Tabarta kuu yeelaya Soonka
7 farsamo oo Haweenka Masar ay isku Qurxiyaan.
Maxaad ka taqaan Hababka Kaa caawinaya Xanuunka Gows Caqliga?
Maxaad kala socotaa Tobanka Wadan Ee Ugu Saacadaha ?Dheer Soonka Bishan Barakeysan Ee Ramadaan?

QURUXDF

Sida la og yahay qof kasta waxaa uu jecel yahay inuu yeesho timo qurxoon oo dhaldhalaalaya gaar ahaan haweenka ayaa si gaar ah u daneeya timaha qurxoon hase ahaatee waxaa jira walaac soo cusboonaaday waayahan oo ku saabsan timaha xumaada ama aan noqon sidii loogu talagalay.

Inta badan Timo daadashada waxaa sababa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Da’da ama gabowga, walbahaar xoog leh, miisaan xumo ku timaada Hormons-ka qofka, cunto xumo, dhiig la’aan, daawo qalad ah, waxyaabaha kiimikada ah iyo miisaanka qofka oo luma.

Haddaba uma baahnid inaad ka walaacdo arrimahan kor ku soo xusnay bacdamaa aan kuu heyno xalkii oo gurigaada aad ka heli karto, waxaa ka mid ah:

1: Casiirka liinta

Isku dar qeyb ka mid ah dheecaanka liinta iyo laba qeybood oo ah saliidaha olive oil iyo saliid qumbaha, mari dhaladaada iyo timahaaga. Shaambo isaga dhaq timaha kadib 30 illaa 45 daqiiqo. Isla sidaan samee laba jeer tododbaadkii.

2: Ukunta

Isku qas laba beerka jaalaha ah ee ukunta kadibna waxaad ku dartaa laba qaaddo oo saliidda olive oil ah, marso dhalada. Iska meyr 15 illaa 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo qaboow kadibna shaambo isticmaal.

3: Saliid Qumbe




U isticmaal caanaha qumbaha sida soo socota:

-Soo qaado xoogaa caanaha qumbaha ah kadibna mari dhalada madaxaaga. Iska dhaq 30 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo qandac ah. Sidan waa inaad sameysaa 2 illaa 4 jeer bishii.

-Isku qas caanaha qumbaha, olive oil, afakadho shiidan iyo malab yar kadibna marso.

4: Casiirka basasha

Soo qaado xoogaa basasha guduudan ah kadibna jarjar kadibna miir, marso madaxa. Iskaga dhaq shaambo 15 daqiiqo kadib.

5: Khalka Tufaaxa

Isku qas 75ml oo khalka tufaaxa ah iyo hal liitar oo biyo ah kadibna isticmaal.

6: Casiirka Bataatiga ama baradhada

U jarjar qeybo ama cadad yar yar kadibna dheecaanka mari madaxa ama dhaladaada 15 daqiiqo isaga dhaq shaambo khafiif ah.

7: Afokaadho

Madaxaaga mari afakaadho iyo saliidda qumbaha oo la isku daray. Dhaq qiyaastii 10-15 daqiiqo kadib.

8: Moos

Waxaad soo qaadataa moos bislaaday kadibna burburi, waxaad ku dartaa malab ama caano kadibna isticmaal.

9: Biyo caadi ah

Cab 8 koob oo biyo ah si joogto ah, arrintaan caafimaadka ka sokow waxay si degdeg ah u kobciyaan timaha.

10: Saliidda Fitimiin E

Isku dhisyada fitimiinada kala ah; A, B7, B12, B3, C, D, iyo E aad ayay muhiim ugu yihiin bixidda timaha, madaxa marso saliidda fitimiin E iyo timaha, habeenkii oo dhan ha kuu marsanaato subaxda xigta ku dhaq shaambo khafiif ah.

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sidee ardaygu ugu diyaar garoobi karaa imtixaanada

Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada? arday imtixaan diyaarinayaImtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaa...

Timiirta iyo faaidadeeda caafimaad

Timirta iyo cafimaadka ku jira a Rabbi(SWT) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay. Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wanaaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: “(قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( بيت لاتمر فيه جياع أهله ” Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheegayaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidhaahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guriga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doontaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona. Muhiimada Ay timirtu leedahay: Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan. Faa’iidooyinka lagu she...