"ref_"; Skip to main content

Posts

Ficillo Iyo Caadooyin Qofka Ku Reeba Daal Iyo Tabar-Darro Sababna U Noqda Inuu Si Wanaagsan U Shaqayn Waayo Maalintii

Ficillo Iyo Caadooyin Qofka Ku Reeba Daal Iyo Tabar-Darro Sababna U Noqda Inuu Si Wanaagsan U Shaqayn Waayo Maalintii Hurdo yaraantu ma’aha sababta keliya ee jidhka tamarta ka qaadda, daal iyo burbur joogto ahna maalintii ku reebta, balse waxaa jira ficillo si fudud isaga yimaadda iyo kuwo muhiim ah oo aynu dayacno oo sabab u noqda daal jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhibaato innagu keeno,  qormadan  waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah dabeecadaas. 1. Jimicsi la’aanta Iska jir:  In jimicsiga aad dib u dhigto ama ka warwareegto adiga oo is leh jidhka tamarta ha ka wada dhamayn ayaa ah arrin aan caafimaad ahaan qofka u fiicnayn. Cilmibaadhis ay samaysay jaamaadda Georgia ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in jimicsi fudud oo uu qofku sameeyo saddex jeer toddobaad kasta, isaga oo ku bilaabaya 20 daqiiqo oo keliya, isla markaana aan dan ka gelyan daalka naftu tirsanayso, ayaa jidhka ka dhiga mid firfircoon, 6 toddobaad gudahoodna lagu dareemo waxtarkiisa dhinaca miisaanka, caa

Heesa caan ah oo ku dhintay Minnesota

Prince Dead at 57.  Lama garanayo wax ku dhacay.

digniin waalid (8qalad oo ay waalidiintu ku dhacaaan)

Qaladaad Si Sahlan U Dhaca Oo Sun Ka Dhigi Kara Dawada Aad Ilmahaaga Caafimaad Ahaan U Siinayso Caadi ahaan dawadu waa saaxiibka koowaad ee ruux kasta oo buka ama qof uu jecel yahay ka bukaa kula dadaalo in uu caafimaad ka raadiyo, laakiin in badan oo innaga mid ah ayaa aan dhaadsanayn in ay jiraan khaladaad marka ay dhacayaan qofka falaya iyo dadka ku xeeran oo xitaa mararka qaarkood dhakhtarku ku jiraa aanay sharaysan oo dhaca marka ilmuhu dawada qaadanayo. Qormadan maanta waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah qaladaadkaas dillaaga ah ee laga yaabo in ay s fudud u dhacaan xilliga ilmuhu dawada qaadanayo. 1. Qiyaasta dawada:  Iska jir in aad qiyaas go’an oo dawada ah siin weydo ilmahaaga. Intii uu dhakhtarku kuu soo qoray oo aad ka badiso ama ka yaraysaa waxa ay dawada u beddeli kartaa sun disha ilmaha. 2. Halbeeg isku mid ah:  Inta badan waxaa dhacda in dawada cabbitaanka ah waalidku ku qiyaasto malqacadda cuntada, waxase la ogaaday in malqacadahaasi ay kala qiyaas duwan

talo ku socoto qofkasta oo hooyo ah ama aabe ma hada noqonayo

18 Talo Oo Ku Saabsan Barbaarinta Caruurta Caruur barbaarintu waa xirfad ay waaliddiintu is dheer yahiin. Sida xirfadaha kale oo dhan, qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waayo xigmad caan ah ayaa oranaysa: “Qof waxuu bixiyaa, waxuu hayo!”. Sidee ayuu waalid ilmahiisa si wanaagsan ugu barbarian karaa, hadii aanu ogayn ama aqoon waajibka saran? Caruur badan ayaa maanta ku sugan xaalad aad looga naxo, akhlaaq ahaan, diin ahaan, waxbarasho iyo bulsho ahaanba. Taasna micnaheedu ma ahan in ay ilmahu xumaan ku dhasheen, ee waxay u badan tahay, in ay soo barbaariyeen waalidiin dayacay ilmaha ama kuwo aan aqoon u lahayn barbaarinta haboon ee caruurta. Bulsho xunna ma jirto ee waxaa jiro bulsho ka kooban qoysas aan aqoon u lahayn sida caruurta loo barbaariyo. Dabcan dhalintaa aan la tarbiyadayn waxay mushtamaca ku tahay dhaawac wayn oo khatar ku ah diinta iyo dhismaha bulshadaba. Halkaan waxaad ka helaysaa talooyin ka

gaas calooleed maku dhibay halkan ka akhris sifudud oo aad iga dawayn kartid

Sidaan casharkii hore ku soo qaadanay waxaanu isla soo fahanay waxa ay tahay gasteri ,ciladaha keena, habka loo baadho iyo qaabka loo daweeyo (dawada dhakhtarka). Haddaba waxaan rabaa maanta inaan isla eegno waxyaabo badan oo aad heli kartid, lagana yaabo inaad qaar ka mid ah aad isticmaashid balse aanad u qaadan si sax ah. Dhamaan waxayaabaha aan rabbo baan inaan ka faa´iideeyo waa wax wadda dabayci ah. Waanaga laga yaabaa inuu Allah (sw) kugu daweeyo ee bal sharkoodana Allah(sw) ka magan gal, khayr koodana waydiiso. Makeeda koobaad waa inaad xayimi ama yaran karaa ciladaha keenaya qasterida. Markeeda labaadna waa inaad joojin kartaa waxyaabaha dhidhiya ama kordhiya.Kadibna qaado talooyinka intooda wanaagsan. Iskana ilaali xasaasiyada. Waxaa dhici karta inaad xasiisiyad kuleedahay waxyaabaha qaarkood oo ay kaaga sii daraanba. Iska soo qaad dhiigag, adigoo hubina in wax xanuuno saa´id ah kuu lifaaqanyihiin gasaterida iyo waliba adigoo hubina waxyaabaha aad xasaasiyada ku leedahay,

ma rabtaa inaa qurux badnaato ama isqurxiso(quruxdu waa qalbiga)

-Badso dhoolo cadaynta & salaanta, wajiga ayey u fiicantahay waxayna wajiga ka ilaalisaa coodhcoodhka iyo gabowga. -Iskajir walwalka badan iyo israacinta aduunyada, waayo qalbiga ayaa ku daalaya, jidhkana wuu cunaa, raadkiisuna korkaaga ayuu kasoo baxayaa. -Ka fogow xanta, diraadiraanimada, si aad si aad acsaabtaada ( neerfahaaga ) ugu raaxayso, marka neerfahaagu raaxaystaana korkaagu wuu nuuri doonaa. Bal ufiirso saaxiibada xanta ama diraadiraaga badani wajigeeda marka ay wax xamanayso ama wax isku dirayso sida uu u eegyahay. -Badso salaadaha sunaha’ah, gaar ahaan salaada habeenkii ( salatu laylka ) wajigaagu wuu wanaagsanaan doonaa. -Badso ducada iyo cibaabada Illaahay ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” qurux dheeraada ayuu ku siin doonaaye. -Hagaaji qalbigaaga ( wadnahaaga ) waayo qalbigaagu waa boqorka xubnahaaga. Waxyaalaha xun xun oo dhan kasaar, marka uu qalbigaagu sifoobo korkaaguna wuu sifoobi doonaaye. -Badso Sadaqada si farxadaadu u badato, haday farxadaadu bada

hooyo ka digtownow intaa ilmaha jaqsiinayso cunoo yinkaan

Cuntooyin Ay Tahay Inay Ka Fogaato Hooyada Ilmaha Naaska Nuujisa Sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan dhakhaatiirta iyo cilmibaadhisaha kala duwan ee caafimaadku, waxaa jira cuntooyin iyo dawooyin aan qaadashadooda loo ogolayn hooyada ilmuhu jaqo, sababtuna ay tahay mid la xidhiidha xaalado caafimaad darro oo ilmaha ay jaqsiinayso gaadha, sida xasaasiyadda iwm, ama saamayn ku yeesha caanaha naaska oo ay dhici karto in ay yaraadaan ama uu gudho. Haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka ay khubarada caafimaadku sheegeen in cunistoodu aanay u fiicnayn dumarka carruurtu jaqdo, waxa aanu ka soo xiganay majaladda arrimaha bulshada ka faalloota ee Sayidatii. 1. Kalluunka:  Noociisa Libaax badeedka iyo noocyo kale oo ka mid ahba waxaa jidhkooda u tallaaba maadadda Mercury oo ka soo raacda badda ay ku dhex nool yihiin, waxaana caafimaad ahaan la og yahay in maadaddani haddii ay jidhka ku badato aanay u fiicnayn guud ahaanba caafimaadka aadamaha. Ha