"ref_"; Skip to main content

ma rabtaa inaa qurux badnaato ama isqurxiso(quruxdu waa qalbiga)

ma doonaysaa inaad qurux badnaato-Badso dhoolo cadaynta & salaanta, wajiga ayey u fiicantahay waxayna wajiga ka ilaalisaa coodhcoodhka iyo gabowga.
-Iskajir walwalka badan iyo israacinta aduunyada, waayo qalbiga ayaa ku daalaya, jidhkana wuu cunaa, raadkiisuna korkaaga ayuu kasoo baxayaa.
-Ka fogow xanta, diraadiraanimada, si aad si aad acsaabtaada ( neerfahaaga ) ugu raaxayso, marka neerfahaagu raaxaystaana korkaagu wuu nuuri doonaa. Bal ufiirso saaxiibada xanta ama diraadiraaga badani wajigeeda marka ay wax xamanayso ama wax isku dirayso sida uu u eegyahay.
-Badso salaadaha sunaha’ah, gaar ahaan salaada habeenkii ( salatu laylka ) wajigaagu wuu wanaagsanaan doonaa.
-Badso ducada iyo cibaabada Illaahay ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” qurux dheeraada ayuu ku siin doonaaye.
-Hagaaji qalbigaaga ( wadnahaaga ) waayo qalbigaagu waa boqorka xubnahaaga. Waxyaalaha xun xun oo dhan kasaar, marka uu qalbigaagu sifoobo korkaaguna wuu sifoobi doonaaye.
-Badso Sadaqada si farxadaadu u badato, haday farxadaadu badato korkaaga ayaadka dareemi.
-Iskajir inaad xaasid noqoto, xasadku gudaha jidhka ayuu u gubaa sida dabku u gubo xaabada.
-Iskuday inaad dar Illaah u ooydo, oohintu jidhka waxay kasoo saartaa sun farabadan, naftana waxay ka khafiifisaa cadaadiska Hammiga, Walwalka iyo Qammiga.
-Xasuuso nimcooyinka Allaah ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” uu ku siiyey, badina mahad naqa Rabbi ” Xumaan oo dhan ka nasahnaaye ”
-Ka farxi dadka kugu hareeraysan, ehelka, asxaabta, dariska, caruurta, iyo dadka taagta daran.
-Akhriso Qur’aanka, si naftaada iyo wajigaaguba u nuuraan.
-Badso waysada, waayo waysadu nadaafad dheeraada ayey u tahay dubka ( maqaarka ) iyo jidhka guud’ahaanba.
-Kunadiifi wajigaaga waxyaabaha dabiiciga ah 2 ilaa 3 jeer usbuucii.
-Jimicso ama soco si joogto ah
-Iskajir cawayska iyo soojeedka badan
-Badso cunida khudaarta iyo kaluunka


xigasho qurbenet

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu...

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa k...

cuntooyinka kobciyo xasuusta qofka iyo garaadkiisa sawirka kudhufo si aad u akhriso

sida caadada ah cuntada qofka aadamaha ahi qaataa waxa ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka qofka, tusaale ahaan cuntadooda qaar waxa ay jirka ku keenaan xanuuno iyo waxyaabo halis galiya caafimaaadka shakhsiga ah, sidaasi si lamida ayaa cuntooyinka qaarkood jirka u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya. Cunooyinka faa’iidada caafimaad ee badan u leh jirka aadamaha gaar ahaan cuntooyinka kor u qaada xasuusta iyo garaadka qofka, cuntooyinka laga soo saaro noolaha ku nool badda, iyo waliba noocyo ka mid ah khudaarta cagaaran oo iyagana la ogaaday inay si weyn u kordhiyaan xasuusta iyo guud ahaan maskaxda kuwaas oo ay ka mid yihiin:- Furuutiska, khudaarta cagaaran, kalluunka, cuntooyinka miraha ah ee galka leh iyo kuwa salliida laga miiro sida Si-sinta iyo saytuunka. dhamaantood waa kuwa door weyn ka qaata unkidda maadooyin cunteed oo kobciya garaadka qofka. Kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo...