"ref_"; Skip to main content

gaas calooleed maku dhibay halkan ka akhris sifudud oo aad iga dawayn kartid

gaaska dabiici
Sidaan casharkii hore ku soo qaadanay waxaanu isla soo fahanay waxa ay tahay gasteri ,ciladaha keena, habka loo baadho iyo qaabka loo daweeyo (dawada dhakhtarka).
Haddaba waxaan rabaa maanta inaan isla eegno waxyaabo badan oo aad heli kartid, lagana yaabo inaad qaar ka mid ah aad isticmaashid balse aanad u qaadan si sax ah. Dhamaan waxayaabaha aan rabbo baan inaan ka faa´iideeyo waa wax wadda dabayci ah. Waanaga laga yaabaa inuu Allah (sw) kugu daweeyo ee bal sharkoodana Allah(sw) ka magan gal, khayr koodana waydiiso.
Makeeda koobaad waa inaad xayimi ama yaran karaa ciladaha keenaya qasterida. Markeeda labaadna waa inaad joojin kartaa waxyaabaha dhidhiya ama kordhiya.Kadibna qaado talooyinka intooda wanaagsan. Iskana ilaali xasaasiyada. Waxaa dhici karta inaad xasiisiyad kuleedahay waxyaabaha qaarkood oo ay kaaga sii daraanba. Iska soo qaad dhiigag, adigoo hubina in wax xanuuno saa´id ah kuu lifaaqanyihiin gasaterida iyo waliba adigoo hubina waxyaabaha aad xasaasiyada ku leedahay, si aan markaa uuga feejignaano wixii dhibaato keeni kara.
Haddaba talada dhakhtarka ka sakoow maxaan anigu qaban karaa kaalintayda oon isku dawyan karaa?
Waxaa jira waxyaabo aad u faro badan oo aad aragtid marwalba, aad taqaanid ama aad isticmaashid, balse aanad ku baraarugsanayn dawada ku jirta iyo habka dawada loogala bixi karo. Intooda badana waa waxyaabo ka mid ah cuntooyinka.
Waxyaabahan aan hoos ku soo dhigi doono,kuligood waa waxyaabo wadda dabiici ah, qaarkoodna haddii uu Allah(sw) kuu qadaro kaa kaxayn kara gaasterida. Marka la barbar dhigo daawooyinka kalana aan wax dhibaato ah aanen kuu keenayn, waa haddii aanad xasaasiyad ku lahayn.
Waxaa ka mid ah waxyaabaha aad tijaabin kartid:
1- Camon Seeds: waa midho yaryar oo midabka olivinta oo kale leh una eeg midhaha xawaasha bariiska ama cuntada lagu darsado(Cumin Seeds) Bay u eeg yihiin balse way ka yaryar yihiin. Sorry afsoomali ma ku aqaan , waxaan u malaynayaa in Khamuun afsoomali lagu idhaah. Waxaa ku jira midhahan yaryar maado aad u fiican waliba aad uugu fiican dheefshiida. Waxaa ay miisaan u yeeshaa oo ay saxdaa dheecaanka caloosha(it helps releasing gut juice from the intestine). Waxa kale oo ku jira antioxidants aad u sareeyo. Haddii antioxidants jidhkaagu uu dheeli tiran yahay waxa ay u sahlaysaa difaaca jidhka inuu sifiican u shaqeeyo iyo waliba in uu jidhku si sahlan u qaato wixii dawo ah cudurkana la dagaalamo. Waxa kale oo ay u sahashaa qaadashada vitimens iyo minerals. Fiber aad u saraysina way ku jirtaa oo u fiican caloosha iyo saxaradaba.
Sideen u isticmaalaa?
Soo qado malqaacada yare e shaaha mugeed, kadibna ku darso far iyo suul milix ah isna dhex gali. Kadibna cun, isku tun ama isku ridiq ama kaligoodba calali. Mudo isticmaal. InshaAllah waxaan rajaynayaa inaad calaamadaha gasterida oo dhan aad iloowdid.

2- Zanyabiisha qoyan (fresh ginger): Zayjabiilku runtii waa waxyaabaha sida Sunnada ah layskugu daweeyo. Waana daawooyinka uugu faa´iidada badan waxyaabaha dabayciga ka midka ah. Waxaad calashanaysaa jeex yar oo sanjabiil ah inta aanad cuntad cunin ka hor cuntiiyinka culus oo dhan ka hor. Waxa kujira zanjabiilka maado la dagaalanta jeermiska iyo waliba dheeli tirta dheefshiida iyo dhaqdhaqaaqeeda, taas oo markaa keenaysa inay ka hor tagto gasterida.

3-Biyaha Qunbaha: Biyaha cunbuhu waxaa loo arkaa inay ka mid yihiin wax yaabaha daaweyn kara gasterida. Waxa uu qunbuhu uu hodan ku yahay waxaa ka mid ah inuu caloosha dhaqdhaqaaqeeda uu saxo oo uu normal ka dhigo (mudo dheer iyo mudo gaaban). Isku day inaad isticmaashid biyahaas oo fresh aha oom waxba lagu darin. Waxaanad cabi kartaa markasta oo aad u baahatid khaasatan cuntada ka hor iyo kadib.

5-Dabacase (Carrot) iyo spinach juice: Waxaad isku daydaa inaad juice ka samaysatid carrot iyo spinach fresh ah. Waxaad isku dartaa 200 ml oo spinash juice ah iyo 300 ml carrot juice ah, maalin walbana cab juice tan. Waxaa labadan geedba kujira maadooyin ka qayb qaadanaya yaraynta gaaska.
6-Baradho juice Waxaad isku daydaa inaad ka tuujisid baradho fresh ah juice, isku day inaad ilaa koob badhkii aad tiijisid. Waxay kaa caawinaysaa juice tani inay gaaska kala yarayso. Waxaad cabaysaa intaanad cunin cuntada maalin walba.
7-Liindhanaan juice: Waxaa in badan la ogaaday in liindhanaanta huruuda ah ( liin qarbooshtu) aya caawiso gaaska. Ka samayso liindhanaanta juice isku day inaad cabtid cuntada kadib.

8- Licorite tea: waa shaah u fiican gasterida oo laga sameeyey intan oo shay (licorice, cinnamon, ginger, orange peel, cardamom, black pepper, roasted chicory, barley malt, cloves, vanilla extract, orange extract). Karso biyo kadibna, kadibna koob ku shub oo ku dheh shub shaahan. 10 daqiiqo kadib shaandhee oo cab.
8-Xamar, khamuun(cumin) iyo asafoetida juice:Waxaad isku radisaa xamar/ raqay fresh ah, khamuunta nooca bariska lagu daro ma ahe ee nooca u eeg ee afka dhuudhuban iyo geedkan asafoetida. Kadib markay mudo iskugu kaa radsanaadaan ayaad cabaysaa biyahooda si joogto ah markaad awodid ba.
9- Fennel: waa nooc aan khamuunta ka dheerayn ,laakiin ka yara waa wayn kana akhtarsan midab ahaan. Waxa ay u fiican tahay caloosha siyaabo badan. Waxaa la ogaaday inay dajiso cilada gaasterida. Waxaad ku solaysaa fennel maaqle ama ovn kaba. Yara dub oo markaad dubtid aadna ha u dubin. Isku day inaad inyar ka calashato cunto kaste kadib. Waxa ay kaa dajinaysaa gaasterida.
10.Toon iyo cinab: Toontu sidaan ognahayba waxa ay dawo ka tahay waxyaabo badan oonan halkan lagu soo koobi karin. Habase ahaate waxaad isku daraysaa toon iyo cinab midho leh oo laqalalshay. Waxaad qalka ka dhilaysaa xabad ama laba toon, kadibna cinabka kala dilaaci oo ku duub toonta. Cun sidatan si joogto ah.
11-Kaabash, carrot, zanjabiil, tufaax iyo liig juice: Waxaad u baahan tahay kaabash, carrot, zanjabiil, tufaax iyo liig. Kuligoodna fresh ha noqdaan. Waxaad u baahan tahay juice machine oo nooca khudrada biyaha ka tuujiya ah. Dhamaan qukhradan ka tuuji biyaha, walibana zanjabiisha ku yaree. Waa inaad maalin walba shankoob aad tuujisaa ood waliba shan jeer aad cabtaa maalintii mudo shan cisho ah. InshaAllah waad ku fiicnaan.
Ku waasi waa waxyaabo toos aad calooshaada u galin kartid. Balse waxyaabo hanna isku eeg.
1- Marka uu xanuunku kugu badan yahay isku day inaad hot compresses/ tuwaal kulul ama dhalo biyo kulul ku jiraan ama sisibad inaad caloosha oo madhan aad saartid. Waxay kaa kala yaraynaysaa xanuunka.
2- Dadka gaasterida qaba waxaa lagula talinayaa inay maalin walba ku maydhaan, biyo kulul, iyagoo adeegsanaya isbuunjo/ burush nooca biyaha nuuga oo jidhka lagu kubakubaynayo khaasatan meelaha xanuunku kaa hayo, caloosha iyo meelaha kale ee aad xanuun ka dareemaysid. Lama isticmaali karo wax dufan leh marka aad maydhashadan aad qaadanaysid. Balse marka aad maydhatid cabaar ka bacdi waad cream maysan kartaa haddii uu jidhku ku qalalay. Aad bay xanuunka u yaraysaa sidani.
3- Iska ilaali waxyaabaha kugu kicinaya gaaska, hanna ku dagdagin wax kasta oo laguu sheego balse ka fiirso, sharkooda iyo xasaasiyadoodana Allah (sw) ka magan gal.
4- Qaado talo kasta oo lagu siiyo oo ku dhaqan adigoo isla markaana iska taxatiraya ciyaasta, xasaasiyada iwm.
5- Ha ku seexan cunt culus habeenkii.
6- Isku day inaad dhawr jeer ila 6 jeer inaad wax cuntid adigoo markaa qiyaas yar cunaya.
7- Iska ilaali gaajada.
8- Iska ilaali cuntada xawaashka iyo basbaaska badan iyo acid badan.
9- Iskau day inaad 2 liter iyo wixii ka badan oo biyo oo cabi kartid maalintii.
10- Isku day inaad badsatid:
– Khudrada
– Fruit ka
– Digirta, qamadiga, misirka iwm oo nooca madow oo qolofta leh.
– Isku day inaad dufanka xoolaha ku badashid omega-3, omega-6 iyo omega-9
– Isku day inaad isku dheeli tirtid cuntadaada khaasatan.
Waxaa waxan oo dhan ka muhiim san isku dawaynta Quranka. Quranku wa shifo. Marwalba isku akhri intii aad ka taqaanid.
Ugu danbaytii Allah ku caafiyo ee cibaadada, ducada, sabarka iyo dikriga badi. Waad ka bogsoondoontaa inshaAllah.
Baraka Allahu fiikum

 xigasho umu cafiifo

Read more: mnafaqo.blogspot.com

Popular posts from this blog

dhagayaraha iyo faaidadiisa

DHAGA YARE Dhagayaraha waa ubax qalalan oo ka baxo geedka loo yaqaanno “cloves” waana miro aad u leh Faa’idooyin cunno iyo caafimaadba, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa Zanzibar, hindya iyo shiinaha waxay adeegsan jireen dhag yaraha 2000 sano ka hor. Hadii aan u gudbo faa’idada cunno dhagayaraha waxaa ku jiro protein, iron, calcium, potassium, Sodium, Vitamins: Sida A iyo C, dhagayaraha waa xanuun baabi’iya oo aad u fiican waxaana lo adeegsadaa daawaynta ilkaha iyado la adeegsanayo saliidisa waxaana ku jirta maadada la yiraahdo“eugenol oil” waxaana laga sameeyaa daawada lagu cadaysto iyo midda lagu luqluqado. Sidoo kale waxay daawo u tahay romatiisamka iyo riixada iyadoo la marsado xubnaha ku xanuunayo, hadii la qiiqsado oo biyo kulul lagu daro waxaa lagu daaweeyaa, sanboorka iyo neefta, waxay kaloo faa’ido u leedahay in bakteeriyada ay disho waxaa lagu nadiifiyaa nabraha, dhaawacyada iyo (fungus) galo faraha lugaha dhexdooda. Faa’idada kale waxaa ka mid ah in lagu

sharqanta caloosha

ption Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka. Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan. Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan? Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo. Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo. Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha? Shubanka

sabuulka ama galayda maxaa kala socotaa faaidadiisa ama khasaarihiisa

SABUUL GALEEY Sabuul galeey waxa uu kamid yahay waxyaabaha lagu tiriyo qudrada aad iyo aadka u faaido badanthay, waxana loo diyaariyaa sida dubis, huuris iyo daango. Dubis: waaa adigo ku dubo dab dhuxul ama olol. Huuriska: waa adigo ku kariya biyo isagoo sidiisa ah. Daango: waa adigo ku duba dufan sida saliid oo kale.  Sabuulka waxaa laga isticmaalaa caalamka oo idil cunidiisa waxa uu kordhiyaa awooda jirka ama adkaysi uu ka helo qofka, waxana ku jira in badan oo buusho ah taaso loo yaqaano (fibers) oo ka ilaalisa qabsan xanuunka. Sabuulka galay waxa uu dawo u yahay, kilyaha, kaadi haysta iyo kansarka, waxa kale uu hoos u dhigaa cudurka baabasiirka, sabuulka waxaa loo qaataa dheefshiid xumida waxaana ku jira waxyaabaha aadka ugu baahan jirka. Sida: > Niacin and Thiamine oo Vitaminada la’aantoda shaqo samayn Karin, sido kale firfirconi geliso maskaxda iyo neerfaha si dhiiga ugu cusbonaysiyaan. Vitaminda ku jira waxa ka mid ah Vit B, E, A. sido kale macaadinta waxa ka mi